Roobab xoogan oo laga digay dalka Kenya

Waaxda saadaasha hawada ee Kenya ayaa ka digtay in laga bilaabo Sabtida dalka uu la kulmi karo roobab culus oo in ka badan 30 milimitir ah kuwaas oo socon kara 24 saac gudahood.

Agaasimaha Waaxda Saadaasha Hawada,dalka Stella Aura ayaa sheegtay in maanta ila iyo arbacada la rajaynayo inay roobab xoogan ku dhuftaan galbeedka dalka iyo bartamaha oo ayna Nairobi ku jirto.

Waxaa ayna ka digtay in wabiyada ay biyo badan keen karaan maadaama roobab badan ay ka da’I doonaan qeybo ka mid ah dalka.

Waxaa qeybo ka mid ah dalka ka da’ay roobab khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed ah gaystay.

Ila iyo hadda gudaha dalka waxaa roobabka ugu geeriyootay ila iyo 12 qof iyadoona uu saameyn ku yeeshay 29 ismaamul.

Dadka u dhintay roobabkii dalka ka da’ay waxaa ka mid ah saraakiil ka tirsan ciidamada booliska.

Dadka ku nool wabiga agagaarkiisa waxaa loogu baaqay inay u guuraan dhul uu joogiisu sareeyo.



This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.