Safiirka Qatar ee Soomaaliya oo gaaray Kismaayo iyo ujeedka safarkiisa

Waxaa goor dhow magaalada Kismaayo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Safiirka Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad, waana safarkii u horeeyay ee uu ku tago Kismaayo.

Safiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, sida Madaxweyne kuxigeenka, Wasiirada iyo xubno kale.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Safiirka Qatar ayaa xariga ka jaray mashaariic waxbarasho ay fulisay dowladda Qatar.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Safiirka Qatar uu la kulmo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Qatar ayaa saameyn weyn ku laheyd siyaasadda Soomaaliya saddexdii sano ee u dambeeyay, tan iyo markii xilka loo doortay Madaxweyne Farmaajo, waxaana siyaasiyiin dhowr ah ay eedeyn u jeediyeen in dhaqaalaha Qatar siiso dowladda Federaalka loo adeegsado burburinta maamul goboleedyada iyo dagaalada siyaasadeed.

Lama oga waxa ay xilligan Qatar ka bedeli doonto siyaasaddeeda gudaha, iyada uu muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo gabogabo yahay, isla markaana doorasho ku soo fool leedahay, waxaana taageerada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo siiso ku weysay maamulada iyo siyaasiyiinta qaar oo u arka in Qatar dhinac gaar ah u xaglisay.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.