Salah oo sheegay inay cafiyeen dadkii diley aabihiis Jamal Khashoggi

Wiilka uu dhalay weriyihii la khaarijiyay ee Jamal Khashoggi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inay cafiyeen dadkii ka dambeeyay dilka Jamal Khashoggi.

Qoraalkan oo lagu soo daabacay barta Twitterka maanta ayuu Salah Khashoggi ku sheegay in qoyskiisu ay cafiyeen dadkii diley aabahood 2018 xilli uu booqanayay qunsuliyada Sacudi Carabiya ay ku lahayd magaalada Istanbul.

“Habeenkan barakaysan oo ka mid ah bisha Ramadan waxaan xasuusanaynaa qowlkii Alle ee ahaa;Haddii uu qof cafiyo uuna heshiis sameeyo Alle ayaa u abaalgudaya,”

“Sidaa darteed Annagoo ah wiilashii Shahiidkii Jamal Khashoggi waxaan ku dhowaaqeynaa in aan cafinay kuwii diley aabaheen annagoo raadinaynaa abaalmarinta Alle.” ayaa la sii raaciyay qoraalka.

Jamal Khashoggi ayaa markii ugu dambeysey ee la arko waxaa uu galay gudaha qunsuliyada Sacudi Carabiya ee magaalada Istanbul,waxaana la aaminsan yahay in halkaa lagu diley jirkiisana la jarjaray oo aan la ogeyn illaa iyo hadda meel la geeyay.

Maxkamada Sacudi Carabiya ayaa shan ruux ku xukuntay dil halka saddex kalena xabsi ku xukuntay sababo la xiriira dilka Khashoggi.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.