Shacabka waqooyi bari Kenya oo loogu baaqay inay nabadgalyada ka shaqeyaan

Shacabka ayaa waxa lagu dhiiriyay inay soo gudbiyaan maclumaad ku saabsan Kooxda Al Shabaab.

Isku duwaha ammaanka ee gobolka waqooyi bari Nicodemus Ndalana ayaa ku booriyay dadka deegaanka in ay feejignaadaan oo ay iskaa wax u qabso ku qabtaan macluumaadka ku saabsan Kooxda Al Shabaab ku waas dadka deegaanka ku dhax jiro.

Mr Ndalana ayaa balanqaaday in macluumaadka noocan ah markiiba lagu talaabo qaadayo maadaama dowladda ay xoojisay dadaalada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Waxaa uu dhanka kale xusay in macluumaadku uu fure u yahay ciribtirka kooxaha argagaxisada taas oo kaalin weyn ka qaadaneyso xoojinta amniga gobolka.

Wuxuu digniin adag u diray saraakiisha amniga ee lagu tuhmayo inay la shaqeeyaan kooxaha argagixisada.

Gobolka woqooyi bari ayaa waxaa saameeyay weeraro argagixiso oo lagu eedeeyay kooxda Al Shaabab gaar ahaana xadka uu dalka la wadaago dalka Somalia.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.