Sheekh Shariif “Khatarta Coronavirus ee dalkeenna waxay maraysaa xaalad adag”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in khatarta uu dalka ku haayo Cudurka Coronkavirus ay mareyso meel adag, kaddib markii dadka uu soo ridanayo cudurkan ay sare u kaceen.

Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ee ka imaanaya dhaqaatiirta Caafimaad.

“Khatarta cudurka Coronavirus ee dalkeenna waxay maraysaa xaalad adag oo u baahan in aad loo raaco talooyinka dhakhaatiirta caafimaadka ay noo soo gudbinayaan sida, Sanka iyo afka oo la xirto, in gacmaha oo saabuun lagu dhaqo,in Gacmaha oo laga ilaaliyo afka,sanka iyo indhaha iyo in la kala fogaado ugu yaraan laba mitir”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Cudurkan wax ka qabashadiisa ay awoodi waayeen dowladihii waa weynaa, isla markaana  Soomaaliya aysan awood u laheyn inay wax ka qabato.

“Xanuunka Covid-19 waxaa la itaal daran oo wax ka qaban la dowladahii aduunka ugu awoodda badnaa, sidaa awgeed Soomaaliya awood badan uma lahan ka hortagga cudurkaan, laakiin haddaan iskaashanno oo fariimaha caafimaadka aan wadajir u fulinno waxaan ku guulaysan karnaa ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Soomaaliya ayaa noqotay dalka ugu dhimashada badan cudurkan dalalka ku yaalla Bariga Afrika, waxaana la diiwaan geliyay dhimashada 32 ruux, iyo 480 ruux oo kiis ah dadka qaba cudurkaas.



This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.