Soomaaliya oo Kenya ugu hambalyeysay guusha kursiga Golaha ammaanka

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa waxa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ugu hambalyeeyay dowladda Kenya oo Jabuuti kaga guuleysatay kursiga aan joogtada aheyn Golaha Aammaanka Qaramada Midoobe.

Waxa uuna sheegay inuu rajeynayo in Kenya ay si buuxdo u matali doonto arrimaha Gobolka geeska Afrika iyo qaddiyadaha la xiriira.

“Aniga oo ku hadlaya magaca dadka iyo dowladda Soomaaliyeedba waxaan halkaan ugu hambalyeeynayaa jamhuuriyadda Kenya oo ku guuleysatay kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka, anigoo hubo in Kenya ay arrimaha gobolka si fiican ugu matali doonto kursigaas Ayaan leeyahay Hambalyo” ayuu wasiir Cawad ku yiri qoraalkiisa.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhexeeya is-fahmi waa siyaasadeed, oo la xiriira arrimaha badda , taas oo keentay in labada dalba ay isku dhaliileen qoraallo diblumaasiyadeed oo ay horay usoo kala saareen.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.