Suudaan iyo Itoobiya oo ka hadlay xiisadda ka taagan xuduuda labada dal

Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Abdalla Hamdouk iyo dhiggiisa Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa ka wada hadlay xiisadda ka taagan xuduuda labada dal.

Sida ay soo warisay Wakaalada Wararka ee Sudan labada Hoggaamiye ayaa khadka taleefanka uga hadlay xalinta xiisadda xuduuda labada dal.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa isku raacay in guddi loo saaro xalinta xiisadda ka taagan xuduuda labada dal.

Suudaan ayaa dhowaan ugu baaqday Itoobiya in ciidamadeeda kala baxdo deegaanla Al-Fashaqa oo sanado labada dal ku muransan yihiin

Bishii hore ee April ayaa Askari u dhashay dalka Suudaan lagu dilay, saddex kalena la dhaawacay, kaddib weerar Ciidamada Itoobiya ku soo qaadeen.



This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.