UHURU KENYATTA oo hoggaamiyaasha Afrika ugu baaqay inay iska kaashadaan Covid-19

Uhuru Kenyatta ayaa madaxda kale ee wadamada qaaradda Afrika ku booriyay inay ka wada shaqeyaan la dagaalanka cudurka Covid-19.

Waxaa uu Mr. Kenyatta soo jeediyay in la wadaago xogta la xiriirta Coronavirus sido kalena la iska kaashado uruurinta kheyraadka lagula tacaali karo.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu ka qeyb galay kulanka midowga Afrika ee nabadda iyo ammaanka.

Sido kale waxaa uu beesha caalamka uga mahadceliyay taageerada ay u fidisay dalalka qaaradda.

Hasa ahaate waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in dowladaha iyo shacabka Afrika laga doonayo inay ka midoobaan dadaallada ka dhanka ah cudurka saameynta yeeshay.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay in la dareemo culeyska cudurkan safmarka ah uu ku keenay xita wadamada dhaqaale ahaan ugu wanaagsan caalamka.

Dalal ay ka mid yihiin Koonfur Afrika iyo Masar ayaa ballanqaaday inay 61 milyan oo doolar ku bixinayaan wax ka qabashada cudurka ee qaaradda Afrika.

Mr. Kenyatta ayaa dhanka kale walaac ka muujiyay kiisaska maalinlaha ah ee Coronavirus ee sii kordhaya.

Waxaa uu xusay in 10 wadan oo ku yaalla Afrika in laga diiwaangeliyay kiisas kor u dhaafaya 1000 .

Waxaa uu dhigiisa Koonfur Afrika ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ,Cyril Ramaphosa uga mahadceliyay in muddo hal bil gudaheed ah uu qabanqaabiyay 4 shirar oo ku saabsan cudurka covid-19.

Kulanka online ah waxaa sido kale ka qeyb galay madaxweynaha Masar Cabdel Fattax el-Sisi (Egypt), Paul Kagame (Rwanda), Idriss Deby (Chad), Andry Rajoelina (Madagascar), Felix Tshisekedi (DRC), Cali Bongo Ondimba (Gabon), Ibraahim Boubacar Keita (Mali) iyo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat.



This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.