Wajeer oo qaadaysa tallaabooyin dhowr ah kaddib markii laba kiis laga xaqiijiyay

Kaddib markii maalmo ka hor ismaamulka Wajeer laga xaqiijiyay laba kiis oo ah caabuqa coronavirus ayay dowladda ismaamulkaas guda gashay tallaabooyin dheeraad ah.

Barasaabka Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud ayaa mamnuucay in Wajeer looga soo gudbo ismaamul laga soo tabiyay kiisaska cudur sidaha.

Sido kale shacabka ayaa lagu booriyay inaynan tagin meelaha lagu badan yahay ee ay dadweynaha isugu soo baxaan.

Maamulayaasha gaadiidka dadweynaha , isbitaallada iyo dukaamada waaweyn ee laga adeegto ayaa laga doonaya inay diyaariyaan meel gacmaha lagu dhaqdo iyadoo la adeegsanaya saabuun iyo biyo.

Qoraal saacado ka hor la soo dhigay barta rasmiga ee waaxda ismaamulka Wajeer u qaabilsan dhanka isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in labada qof ee laga helay cudurka Covid-19 aynan xaaladooda caafimaad liidan.

Ilaa iyo hadda waxaa baritaan lagu sameeyay dhacaan gaaraya 27.

Sido kale gudaha ismaamulka Wajeer waxaa karantiil ku jiro 11 qof.

Dowladda hoose ee Wajeer ayaa sheegtay in la aqoonsaday laba ka mid ah dadka sida dhow ula macaamilay shakhsiyaadka uu cudurka soo ritay.



This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.