Wakiilka haweenka ee Isiolo oo dhaliishay tallaabadii lagu aasaasay xisbiga UPYA

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Isiolo Rehema Jaldesa ayaa sheegtay in kulan dhawaan ka dhacay magaalada Nairobi oo lagu shaaciyay xisbiga cusub ee UPYA aan laga qaybgelin dhammaan mas’uuliyiinta xoolo dhaqatada.

Waxay ku andacoonaysaa inay jiraan qaar ka mid ah hoggaamiyaasha dowlad deegaanada Isiolo iyo Marsabit oo aan shirkaasi lagu casuumin

Sidoo kale waxay carrabka ku adkeysay inay si buuxda u taageerayso maamulka talada haya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Uhuru Kenyatta balse sida ay hadalka u dhigtay ay lagama maarmaan tahay in isbeheysiyada iyo ururrada siyaasadeed ee la soo dhisaya laga talo-geliya madaxda kala duwan ee ismaamullada.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.