Wasiirka arrimaha gudaha oo la kulmay saraakiisha xarunta qaran ee dembi barista

Wasiirka arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’I ayaa kulan la qaatay xubnaha xarunta qaran ee baaritaanada ku sameysa falal dambiyeedyada.

Waxay mas’uuliyiintan isla eegeen siyaabaha lagu xakameyn karo gabdhaha xilli hore uurka loo yeelaya.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta uu amar ku bixiyay in talo laga soo saaro wax ka qabashada dhacdooyinka noocan ee sii kordhaya.

Wasiirka ayaa sido kale kulan la qaatay haweenka hoggaamiyaasha ah ee baarlamaanka iyo guddiga qaran ee jinsiyadda iyo sinnaanta.

Waxay dhinacyadan ku taliyeen in deegaannada hoose laga billaabo qaabab dhibaatooyinkan wax looga qabanaya.

Haweenka ayaa sido kale soo jeediyay inuu jiro nidaam adag oo lagu heli karo caddeymaha gaar ahaan marka qofka uu dembiga dhowr mar gaystay.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.