Wasiirka waxbarashada oo isugu yeeray kulan degdeg ah

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa isugu yeeray saamiileyda tacliinta si ay kaga qayb galaan shir degdeg oo ku saabsan dib u furka goobaha waxbarashada.

Kulankan oo maanta qabsoomaya ayaa la filayaa in lagu shaaciyo taariikhda ay ardayda dib ugu laabanayaan dugsiyada.

Xarumaha waxbarashada ee Kenya ayaa la xiray bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan si looga hor tago faafidda cudurka COVID19.

Prof. Magoha oo lagu eedeyay inuu jahwareer ku abuuray ardayda iyo waalidiinta ayaa marar badan sheegay in dugsiyada la furayo keliya kaddib marka laga guulaysto coronavirus.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda waxbarashada 7-dii bishan ayaa lagu xusay in kulanka maanta uu yahay mid heer qaran.

Warbaahinta maxalliga ee Citizen ayaa dhankeeda ku warramaysa in qodobada diiradda la saari doono ay ka mid yihiin in ardayda fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare loo ogolaan doono inay dib ugu laabtaan dugsiyada.

Sido kale waxaa suurtagal ah in dhammaan jaamacadaha iyo machadyada dalka la furo.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.