Dumarka Xoogsatada Ah Iyo Bajaajta!! (Maqaal)

Dumarka Soomaaliya burburkii kadib, waxay dusha u riteen inay Qoyskooda ka samatabixiyaan Gaajada, maadama ay waayeen Mas`uuliyadii Ragga laga rabey. Taasi oo sabab u noqatey dagaaladii Dalka & Dadkaba aafeyey waxaana lagu waayey Aabe badan oo ka tagay Agoon, kuwana naafa noqdey halka kuwa kalena waxyeelooyin maskaxeed ka soo gaarey dagaaladii taasina sabab u noqotay shaqo la`aan. [expander_maker more="Read more" less="Read less"]sidaa awgeeda waxa lama huraan noqatey inay Dumarka ay guntiga u xirteen siday ugu heli lahaayeen Masaarifta Qoyskooda waxa u sii dheer Barbaarinta Caruurta. Haweenka intii xirfadaha fiican lahaa ka sokow inta kale waxay u bareereen in ay xoogooda ugu shaqeeyaan caruurtooda, qoyskana u baahi tiraan nolol iyo waxbarasho intaba. Haweenka shaqooyinka ay u kaceen waxa ka mid iibinta Qaadka, Shaaha, Dhar Dhaqista, Jaarinimada iyo Xamaaliga. maadama Shaqooyinkaasi oo dhan ay yihiin kuwa dhib badan kala kulmaan waxayna Door weyn kaga qeyb qaataan baahida Bulshada iyo tii maareynta nolol maalmeedkooda. Hablaha ku nool magaalada Muqdisho kana xoogsada Suuqyada waa weyn ayaa saamayn badan ku yeelatay Baajaajta (Tuk-Tuk) ku soo badatay Magaalada, ayagoo ku waayey shaqadii Xamaalnimada oo dushooda ku qaadi jireen raashiinka, Bagaashka, Macuunta & dhamaan waxyaabaha ay qaadi karaan waxayna ku qaadayeen Dambiil weyn oo loo yaqana Maroogsin ayagoo ku geynayaan Xaafadaha dhow dhow iyo Isgosyada Baaburta laga raro iyadoo shaqadaas ay kulmaan Qatar badan sida Dhabar xanuun, Dhiig bax & Xiliga uurka taasoo marka dambe ay u dhul Dhacaan . Ganacsatada Bajaajta keeney waxay shaqo u abuurtey dhaliyaro badan oo shaqo la aan haysay, waxayna faaiido u noqotay dadka ka ganacsada Shidaalka iyo Bulshada oo qiimo jaban ku raacaan halka baabuurta Tagaasida ay qaali tahay. Soomaali waxay ku maahmaahda (Faa’iida kastoo jirta qofbay Khasaaro u tahay!). Dumarkani waxay kaloo cabasho ka sheegteen in Guryihii dharka ay u dhaqayeenna ka dib markii dadka qaar ay keensadeen Qasaalado sababtey in ay waayeen Dhaqaalihii yaraa ee ay heleyeen iyadoo tii Jaarinamadana ay ku adkaatey sugitaanka Kharashkii ay heli jireen bisha taasoo la ogyahay in aysan ku filneyn waxayna doorbideen inay maalintii xoogagooda qaatan, waxaana Xaafadaha dhexdooda aad ka maqaleysaa “Yaa Dhar loo dhaqayaa “. Dhibaatooyinkan iyo kuwa ka badan waxa keenay inaysan haysanin Waxbarasho xirfadaysan, madaama Haweenkii hore xirfado badan ku xaamalan jireen sida: Falkinta Saliga iyo Dermaha, Babisyada, Dambiilaha, Xarqaanka iyo farsamooyin kale aad u badan taasina keentay ayagoo Dumarka haysteen Daryeel dhan kasta leh. Aqoon la aantani ayey hooyo badan Qatar u gashay. Sidoo kale Tiknoloojiyada Casriga eek u soo kororey Dunida waxay shaqo la’aan dhigeen Malaayiin Ruux oo Dunida ku nool oo u badan marka waxaan leeyahay Dumarka Soomaaliyeed kligiin Dhibaatada idiin ma haysato waa in aad Samartaan oo Dadaalkiina aad sii wadaan ee aad ugu adeegeysaan Bulshadiina. Haweenka oo ah kuwo ugu nugul dhibaatooyinka kala duwan ee dalka ka jira waa in loo furaa meelo lagu barro Xirfado laguna wacyi galiyo inay wax bartaan taasina ka kaafin doonta waxay tabanayaan. Mas`uulayadaasina waxa ay saaran tahay bulshada oo muhim tahay in la iska kaashado. Waxana idin leeyaha Soomaliyeey Wadajir ayaa baahida looga baxaa ee Walaalkaaga intuu Gaajaysan yahay keliga ha dhergin!. Xigasho  [/expander_maker]

Maqaal: Dumarka Guryaha Dumiya!

Guryihii ayaa si joogto ah u dumaya, kaaga darane qoysaskii ugu qiimaha badnaa rag yo dumarba ayaa burburaya. Waxay noqotay arrin dadkii wareerisay oo tafsiir loo waayey. Ka dib guddi arrintaan soo baara oo ka salgaara ayaa loo xulay. Kulamo badan oo kala gaar gaar ah ayay la yeesheen raggii iyo dumarkii is furay. Guddigii waxay ogaadeen inay jiraan koox dumar ah oo isku xiran oo u labbistay inay qoysaska kala furaan. [expander_maker more="Read more" less="Read less"]Ka dib kooxdii ayay soo heleen, waxayna goosteen inay salgaaraan sababta dumarkaan ku bixisay kala dirka qoysaska. Dood iyo dabagal badan ka dib dumarkii waxay caddeeyeen inay iyagu sharkaan ka dabeeyeen, sababtuna ay tahay in aysan iyagu niman haysan, nin walbana uu oranayo gabar yar ha la ii soo raadiyo, annaguna waxaan go’aansanay inaan iyagana isa seejino. Guddigii dantu waxay ku kalliftay inay naagihii u dhaartaan haddaysan dhibaatada joojin, waxaana lugu yiri risiqa Ilaahay doonta, shar wax luguma helee, sidaas ayaana ololohoodii ku dhammaaday. Ragow isbarbardhiga dumarkii shiray ee go’aansaday inay shuruud la’aan guursadaan iyo kuwaan shiray ee go’aansaday inay qoysaska dhisan dumiyaan. Gabagabadii dumarka guryaha dhisan dumiya waxaa ka farabadan kuwa guryo dhismi lahaa hor-istaaga oo dicaayad iyo kala shakisiin ula taagan ee aynu ka foojignaano dhagartooda. Taa macneheedu maaha inaysan jirin rag shaqadaas ka qaybqaata.[/expander_maker]

 

Musalsalladda Iyo Saamaynta Ku Leeyihiin Qoyska Qeybta 2-AAD.

Carruurta Musalsalku wuxuu ku keeni karaa;

1-      Dadaalla’aan dhinaca Waxbarashada

2-     Ka mid noqoshada Ardayda ugu liita fasallada

3-  Macallimiinta oo had iyo jeer bannaanka fasalka uga saaraya markaay arkaan Carruurtii oo fasalka ku sheekeyneysa [expander_maker more="Read more" less="Read less"]

4-    Jecleysi saa’id ah fasaxyada Iskuulka iyo Dugsi Qur’aanka

5-    U deg degid shaashadda uu ka fiirsanayo musalsalka, sida in la yiri waa waqtiga salaadda

6-    Caasi waalidiinimo

7-    Xanuunno dhinaca neerfaha mararka qaarkaasiiba

8-    Hammi la’aan dhinaca horumarka

9-    Aqlaaq darro iyo dhaqan xumo Kuwa qaan gaarrada ah dhammaan qeybahaas iyagaoo la wadaaga ayaa waxaa u sii dheer in musalsallada uu qalbiyadoodu aad u soo jiito kuna abuuro dareen rabitaan jinsiyadeed (GALMO), taasi oo ugu dambeyn keeni karta xiriir laba jinsi aan sharci ku saleysneyn, oo ay ka dhalan karto faafifadda cudurro halis ah, sida HIV AIDS, dhalashada ilmo aan aabbe lahayn iyo xiriirro qalloocan oo dhallinta ku dhexfaafa.

Waxaa soo raacataa in dhallinyaradu ay ku saamoobaan habdhaqanka Jilayaasha musalsalka, sida erayadan oo kale “Hebel waad shidantahay, caadi ma tihid, waxaadba iila qaab ekaatay jilihii filimkii hebel, Wallee Atoore hebel maba lagaayaqaanno, isagaadba ka sidataa IWM” oo ah hadallo ka mid ah kuwa ay is dhaaf sadaan dhallintu marka ay arkaan saaxiibkoodoo u labisan ama ku hadlaya hadal u qaab eg filimadii ay isla daawadeen. Sameynta Haweenka Haweenka oo udub dhaxaad u ah bulshada, ahna barbaariyaha koowaad ee ubadka ayaa saameyn aad u balaaran ay ku yeeshaan musalsalladu, qaarkoodna inta ay aad ula dhacaan jilayaasha ayey ugu magacdaraan carruurtooda, waxaad magaalada ka maqlee cunuggan waxaa lagu sammiyey Muhannad, gabadhan yarna waxaa lagu sammiyey Nuurra, Samar ama Nasiim, intuba waa magacyo aan rasmi u ahayn Jilayaasha Haweenka qaareedaa wada Musalsallada ayaa nafsadahooda la jila qiyaal aan run ku saleysneen, waxay isku dayaan in ay iskudabbaqaan Nolosha Qoyska Musalsalka iyo tan Qoyskooda, markey arkaan in aanay isqabaney nin labadaasi nolol ayey billaabaan muran iyo qeylo joogta kuna biyo shubta kala tag lammaane (FURRIIN).

Haweenka Musalsalku wuxuu ku keeni karaa;

1-      Dayicidda Xanaannada Qoyska

2-      Furriinka oobata

3-      Dhaqaalaha qoyska oo hoos u dhaca marka loo eego telefishan oo iskadaaran muddo badan

4-      Muqaalafo

5-      Dirir joogta ah labada qof ee nolol wadaagga ah ka dhex aloosan mar walba

6-      Kalsooni darro ragga seygood ah ay ka qabaan

7-      Qiyaano iyo gogol dhaaf

8-   Ku fikirid nolol qiyaali ah liddiku ah qoyskeeda Ugu dambeyntii si guud Waxyaabaha xun ee laga dhaxlo musalsallada waxaa ka mid ah; –         Qiyaanid lammaane –         La falgalin ubadka, haweenka iyo qoyska diinaan Islaamahayn, tani waa saameynta ugu weyn Musalsallada lagu arko waxaana u badan ee lagu dhax arko Musalsalladda dalalka Meksika (Mexico) iyo Hindiya –         Faafin dhaqan aan kan Soomalida ahayn –         Jiil dhaqammo kale ku dhiirrada, oo dhalan rog iyo uu u dhaco dhaqan guur –         Qamriga oo la banneysto ama loo moodo ilbaxnimo iyo hormar, halka uu maandooriye iyo ka yahay dhimir dile, iskabadantihiina ayba keento cudurro halis u ah caafimaadka. –         Dilka qof kale, oo aadan u ogayn waxa iyo sababta aad u dishay, marka lagareebo muran yar ama doodaan qiimo lahayn oo idin dhexmartay. –         Qiyaanada oo dhaqan iyo noqotay caado –         Qoyska oo aan is adeecin, war iyo talana aan iska maqal, oo is garabyaac iyo ku nool is daba mar. –         Waqti lumis iyo waayo badan oo la galiyo wax aan dheef iyo lahayn natiijo la taaban karo, marka lagareebo xiiso maaneed iyo khiyaalo aan muuqan.

Talo:-

1-      Inaad iska dhaafto gabi ahaan musalsallada, haddii aadan joojin karaynna aad yareyso fiirsashadooda, taasi oo ugu dambeyn kuu sahleysa in aad awooddo inaad iska joojiso dhammaan.

2-      Saacadaha guud ahaan taleefishinka la fiirsanayo oo la xaddido, laguna aaddin xilliyada waajibaadka ay jiraan sida salaadaha, casharro aqrisashada iyo dib u eegista waxay ubadku maanta la soo bartay.

3-      Waalidiinta soomaaliyeed waa in aanay carruurtooda u fasixin wax walba oo laga soo daayo taleefishinada, haddii aanu ahayn waxyaabo maankooda kobcinaya

4-     In haweenku aanu tusaale ugu soo qaadan raggooda jilayaasha musalsalladii ay daawadeen, maxaayeelay, waxay idin dhaxalsiin kartaa kalsooni darro iyo isku qanacsanaan la’aan soo dadajiya kala tag qoys dhisan.

5-      Haweenku waa in ay waqtiyada ay daawadaan musalsalallada ay taabadalkeeda waqti la qaataan seygooda, caruurtooda, ama ay aqriyaan Buugaag.[/expander_maker]

 

Ha Guursan Haweenka Noocaan Ah (Maqaal)

In aad ku guuleysatid barkaaga kale (xaas wanaagsan) hawl fudud ma ahan, rag badan waxay doon-doonayaan haweeney wanaagsan si buuxdana u buuxineyso waxa ay ku taamayaan. ragga way ku kala aragti duwanyihiin sida ay u dooranayaan midda nolosha la wadaagi laheyd, balse inta aad ku guda jirtid raadinta haweeneyda nolosha kula wadaageyso waxaad la kulmeysaa noocyo haweenka ka mid ah waxaana lagaa doonayaa in aad ka fogaatid kuwaa ayaga a ha:[expander_maker more="Read more" less="Read less"]

1- haweeney sii qorsheysay nolosheeda si faahfaahsan, sida dharka aad u iibin doontid, caruurta mustaqbalka aad yeelan doontaan magaca loo bixinayo, guriga ay degeyso, meesha ay ku noolaan doonto, sida ay noolaan doonto iyo wixii la mid ah. Haddii aad dooneysid guur caafimaad qaba, haddaba gabadha kugu fureyso arrimaha guurka iyo qoys sameynta ka hor inta aadan baranin waxaa iska cad in aysan aheyn tii kugu habooneyd, sababtoo ah ma daneyneyso adiga shaksiyadaad nooca aad tahay, iyo waxyaabaha aad daneyneysid, kaliya waxay daneyneysaa in aad ku guursatid sida ugu dhaqsiyaha badan, wuxuuna ku dhamaan doonaa xiriirkiina fashal.

2- Gabar Qurux badan balse aan caqli badneyn: ragga waxay ku kadsoomaan waqtiyo badan oo noloshooda ka mid ah quruxda gabdhaha, balse gabadhu haddii aysan awood u laheyn in ay ka hadasho ama ay cabirto fekerkeeda waxay si tartiib tartiib ah u lumineysaa daneyntaadii, waxay halis u tahay in hadalkaaga oo dhan ay u fasirato fahamkeeda gaarka ah, sidaa daraadeed waxaad u diyaar garowdaa waqtiyo culeys badan noloshaada ka mid ah.

3- Gabdhaha jecel in aadan ka maqnaan: qofka ragga ah wuxuu u baahanyahay in uu helo waqti uu kaligiis noolaado ama uu nasto, waxaa laga yaabaa inaad xiriir la yeelatid gabadh aan kuu ogoleyn in ay ku siiso fursad aad ku keliyowdo, gaar ahaan maalmaha hore ee isbarashada, waxayna kallifeysaa inaad dareento cirriiri, waxay sameyneysaa wicitaano fara badan dhanka telephone-ka ah iyadoo aysan jirin sabab la taaban karo, waxaa haboon in aadan wax xiriir ah la yeelanin gabadha noocaan ah.

4- Gabadha booyinta badan: waxaa haboon in aad ka fogaatid inta karaankaaga ah gabadha booyeysa si ay u hesho waxay dooneyso, habdhaqanka noocaan ah waa nooc ku ciyaarista caadhifada iyo daandaansi ah, in aad xiriir la yeelatidna waxay kugu qasbeysaa inaad mar walba hor istaagtid in ay booyso, taasoo xumeyn karta xiriirka mustaqbalka.

5- Gabadh Khiyaano badan: haddii aad xiriir la sameysid gabadh qof kale xiriir la leh (shukaansato), xusuuso in adigana ay kuu khiyaani karto sida ay u khiyaaneyso qofka kale, sidaa daraadeed waa in aad u diyaar garowdaa in aad la kulmi doontid dhaawac dhanka damiirka ah.

6- Gabadh lacag jecel:  waxaa laga yaabaa in aad aragtid gabadh yar oo uu qabo ama shukaansaneyso nin da` ah, balse hantiile ah, waxaa hubaal ah in gabadhaas aysan ninka daneyneynin balse ay daneyneyso hantidiisa, haddaba haddii ay kaaga muuqato in ay si weyn u daneyneyso shaqada aad qabatid, iyo dhaqaalaha kaa soo galo, mararka qaarna ay ku weydiisaneyso haddiyado qaali ah, waa in aad ka carartaa, tani kuma daneyneyso adiga ee waxay daneyneysaa hantidaada.

7- Gabadh war badan: ragga waxay jecelyihiin in ay haasaawe la yeeshaan gabadh bulsho ah, awoodna u leh in ay kaftanto isla markaana la furi karto sheeko caadi ah, balse qofna ma jeclo in uu ag joogo gabadh war badan oo aan xaddidneyn, waxaa laga yaabaa in xiriirka uu wanaagsanaado maalmo balse waqti ka dib wuu xumaanayaa, maa daama ay ka sheekeyneyso wax kasta , laga soo bilaabo waxa ay ku soo quraacatay ilaa waxyaabaha suuqa looga sheekeysto, waxay marka dambe ku gaarsiineysaa in aad jecleysato inaad dhegaha ka fureysato ayadoo kuu sheekeyneyso. Haddaba ragga guurdoonka ah waxaa lagula dardaarmayaa in ay ka fogaadaan inta karaankooda ah gabdhaha noocaan ah si ay ugu guuleystaan sameynta xiriir loo aayo ama la mahdiyo.[/expander_maker]

 

Haweenka Ma Ilaahood Baa Dulmiyey? W/Q: Sh. Axmed Faarax Dheeli.

Walaalayaal run ha moodinina qaylo dhaanta gaalada iyo inta ay ku qaraabtaan oo oranaysa haweenka islaamka ayaa dulmiyey oo isugu biyo shubanaysa allaah baa dulmiyey , khayr haday cid u galayaana gabdhohooda ayey sharfi lahaayeen, hadaba xaqiiqooyinkaan yaanan marna ka been sheegin oo aan iska qaadan waxa cadowgu noo yeerinayo:- [expander_maker more="Read more" less="Read less"]

1) haweeneey kasta ninbaa dhalay, nin kastana gabarbaa dhashay, inta kalena waa lamid adeere + eedo, abti+habar, xaas+ninkeed, IWM, hadaba goormaa dadka la kala faquuqay , ninku markuu gabadha dulminayo ma hooyadiis iyo walaashii buu dulminayaa eleen nin kasta intaasaa ku xeeran.

2) haduu jiro nin xun oo reerkiisa dayaca oo aan masruufan oo dhibaateeya sidoo kale waxaa jira haweeneey xun oo intoo kale samaysa. wanaaguna waa sidoo kale.

3) imaanka, taqwada, janada, naarta, danbiga , qabriga, xisaabta iyo inkaloo badan waa loo siman yahay oo isku si ayaa allaah ula wada xisaabtamayaa.

4) waxaa jira shaqooyin loo kala soocay raga iyo dumarka oo ayana aan ahayn cunsuriyad ee ku saabsan qolo walba meesha ay ku haboon tahay , maadaama haweenkii ay gaar yihiin shaqooyin adadag oo ragu aysan qaban karin sida uurka, dhalmada , nuujinta, barbaarinta ilmaha, agaasinka guriga , diyaarinta jiilka bari aduunka maamulaya rag iyo dumarba ayaa laga khafiifiyey shaqooyinka banaanka sida biilka reerka, jihaadka, jamaacada masjidka, qaalinimada, madaxa guud ee umada, IWM

5) waxaa jira meelo raga loo badiyey sida dhaxalka xaaladaha qaar, magta, laakiin sida xaqiiqda ah meelahaas laftigooda gabdha ayaa lagu dhaqaaleeyey oo siyaado wadata maxaa yeelay tusaale wiil iyo gabar ayaa abahood ka dhaxlay 3000$, gabadhii waxaa la siiyey 1000$ wiilkiina 2000$ . isla markiiba labadiiba waa guursadeen wiilkii 1000 meher baa looga qaatay 1000$ arooskii bay ku baxday biilkiina inuu shaqeeyaa laga rabaa, gabadhii kunkeedii waxaa loogu daray kun kale biilna lagama rabo , marka labadaas qof yaa loo roonaaday.

6) meelaha qaarkood allaah wuxuu fadliga iyo dheeriga siiyey gabdhaha sida xaqa waalidka hooyadu 3 darajo ayey dheer tahay aabaha, koriimada gabadhahana waxaa loo balan qaaday waaridka in naarta looga xijaabayo.

7) jaahiliyadii hore gabdhaha waa nolol duugi jireen jaahilyadaani ayagoo nool bay dileen waxayna ka dhigteen badeeco si fool xun ay ugu shaqaystaan sharaftoodana ay duugaan markay qaawiyeen kadib ayey ka dhigteen xoghayn ay shahwadooda ku gutaan meel walba xuna ay galiyaan dhibaatadaasna maanta waxaa og gabdhaha reer yurub.

8) islaamku labadaba waa ka badbaadiyey markay yartahay aabeheed ayaa lagu amray inuu xafido oo koriyo oo u shaqeeyo markay waynaatona ninkeeda.

9) waa jiraan dhibaatooyin lagula kaco gabdhaha muslimka ah oo mujtacooda kaga yimaada laakiin islaamka iyo allaah labaduba bari bay ka yihiin ciladahaasna anagoon kala saarin rag iyo dumar aan lawada dagaalano.

10) gabadhu mujtaceeda ayey ka mid tahay xumaan iyo samaan tusaale dagaaladii sokeeya ee soomaaliya ragu hubkay qaateen dumarkuna kama sokayn dhiirigalin , abaabul, dhaqaale intaba.

W/Q: Sh. Axmed Faarax Dheeli         Doorka Muhiimkaa Ee Haweenka Soomaaliyeed Ay Ku Leeyihiin Dhaqaalaha Dalka. Marka hore waxaa mahad iska leh alle oo ii ogaaday inaan idin soo gaadhsiiyo maqaalkani, marka xigta waxaan salaamayaa dhamaan umada soomaaliyeed meelkasta oo ay ka joogaan dunida dacaladeeda marka xigta waxaan ugu bishaaraynayaa umadda muslimiinta bisha barakaysan ee aanu ku dhex jirno anigoona ugu hambalyeynaya lehna Ramadaan Kariim meelkas oo aad joogtaanba walaalayaal.Hadii aan ka hadlo duluucdayda rasmiga ah ee maqaalkani ku salaysan yahay waa Doorka Muhiimkaa Ee Haweenka Soomaaliyeed Ay Ku leeyihiin Dhaqaalaha Dalka. Hadaba waa aniga oo ah Wariye Abdirahman Wadani oo idin leh akhris wacan. Hadii aynu yara jaleecno taariikhda dhow ee umada soomaaliyeed intii aanay dagaalada iyo dhibaatooyinku ka dhicin guud ahaan dalka soomaaliya dadku waxa ay haysteen hab nololeed kala gadisan oo marka aad eegto isku sar go’an yacni dadka qaarkood waxay ahaayeen Reer Miyi, Reer Magaal, iyo Beeraley. Nolosha dadkaasi waxa ay ahayd mid dagan oo ay ku qanacsan yihiin, balse arintu waxa uu is badalay kadib markii ay ka dhaceen guud ahaan ba dalka dhibaatooyin iyo dagaalo kuwaas oo saamayn weyn ku yeeshay nolosha qoysas badan, isla mar ahaan taana dhaxal siisay haween badan oo bulshadeena ka tirsan in ay ka tagaan noloshoodii hore, iyagoona bilaabay In ay door muhiima ka qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka. Haweenkan ayaa dhamaantood waxa ay u is taageen in ay daboolaan baahiyaha qoysaskooda inta ay dhexda marada iskaga xidhaan ayaa waxa ay la yimaadeen dadaal dheeri ah, iayagoona u is taagay sidii ay kusoo saari lahaayeen quutul daruuriga yaw miga ah ee qoysaskooda. Hadaba inta loo yaqaano Murug maalka ama waxa lagu yidhaahdo afka qalaad (Working Class) waxa ay ubadan yihiin haween, hadii aynu tusaale soo qaadano waxaa kamid ah:- Haweenka Iibiya Jaadka ama Qaadka, Khudrada, Caanaha, Hilibka, Dhuxusha, Bacad layaasha, iyo waliba kuwa haysta Dukaamada yar-yar ee ku dhex yaal xaafadaha. Taasina waxay muujinaysaa in haweenka soomaaliyeed ay noqdeen qaar daboola ama dabara baahiyaha qoysaskooda waxaana xusid mudan in haweenkaasi dhamaantood ay soo mareen marxalado kala duwan intii ay kusoo dhex jireen bahda muruq maalka, iyadoona taasi ay jirto ayaa hadana waxay ka qayb qaataan Nabada iyo Horumarka dalka. Waxa kale oo ay ka qayb laxaad leh ka qaataan korinta iyo kobcinta ubadkooda oo ay la jecel yihiin in ay helaan waxbarasho taya leh iyo nidaam sax ah. Maqaal (Doorka Muhiimkaa Ee Haweenka Soomaaliyeed Ay Ku leeyihiin Dhaqaalaha Dalka) Haweenka oo dhib welba maraya ayey jecel yihiin in ay kusoo kordhiyaan bulshada awlaad taya leh oo bertoole noqota kuwii mustaqbalka dalka si sax ah uga qayb qaadan lahaa. Hadaba taariikhda cusub ee soomaalida maanta ayaa ka badalan tii hore, iyadoona ay jiraan dhibaatooyin iyo bur bur weyn oo saameeyey idil ahaan ba dalka, isla mar kaasna noloshu ay noqotay mid aad u adag oo ka duwan tee hore. Hadaba hadii aad wax ka weydiiso haweenka soomaaliyeed ee ah muruq maalka waxa ku kalifay in ay u dhabar adaygaan dhibaata kastana oo la soo darista xiliyada ay ku jiraan maxalada quutul daruuri saadiska ah ee muruq maalka waxa ay kuugu jawaabayaan ” Ma jirto meel kale oo aan ciir sano dhibaata kasta oo nagu dhacda waa inaan u dul qaadanayaa maadaama aanu haysan meel kale amaba aysan jirin cid kale oo aan isku halay nayno”… Hadaba akhtiristow iyadoo taasi jirto ayaa hadana marwalba haweenka soomaaliyeed ay udhabar adaygaan masuuliyada saaran waxayna markasta isku dayaan in ay kor u qaadaan dadaalkooda ku waajahan wakhtigan haatan lagu guda jiro. Waxaad arkaysaa mararka qaadkood in haweenka soomaaliyeed ay Maamul Goboleedada ka jira gudaha dalka soomaliya in ay qayb ka qaateen haweenku siyaasada iyo horumarka dalka, iyagoona ka dhex muuqda golayaasha kala duwan ee siyaasada. Haweenka soomaaliyeed ee maanta waa kuwo dadaal xoogan ugu jira siday uga mid noqon lahaayeen bulshooyinka la yaqayaan ee dunida maanta ka jira, mar walbana waxa ay xooga saaraan in ay noqodaan kuwa lagu daydo oo daboola baahi kasta oo ka jirta dalka. Waxaad arkaysaa qoysas badan oo debada ay u jiraan Rag iyo Haween balse hadana markasta ay haweenku yihiin kuwo u dabac san qoysaskooda oo ka fakara baahiyaha jira iyo sida ay u maarayn lahaayeen. Haweenka soomaaliyeed ee maanta jooga qaarkood waxay hogaan ka yihiin ganacsiga soomaalida iyo fulinta mashaariic midha dhal ah oo ay dalka ka fuliyaan. Hadaba waxaa la odhan karaa haweenka maanta jooga waxay door muhiima ka qaateen horumarka dalka oo halyey walba oo dadka wax u qabtaaba dalka hooyo ayaa dhashay. Horumarkasta oo ay gaadhaan raguna waxaa sabab u ah haween hore ayuu u yidhi abwaan soomaaliyeed “Hadaan aqalku dayr lahayd ogow daadkaa u gala, hadaan ragu dumar lahayd ogow dib jir buu noqon lahaa”… Waxaa midhahaasi uu abwaan ku tiriyey ka muuqda in dunidu ay tahay mid ku dhisan laba dhinac ama Lab iyo Dhag. Horumarkasta oo uu halyey kastaaba gaadhaa hooyo ayaa horseed u ah. taasina waxay ina tusaysaa in haweenku ay yihiin laf dhabarta dhaqaalaha dalka. Hadaba akhristayaasha qiimiga naga mudanow waxaa intaas kusoo afmeerayaa Maqaalkaasi ku saab sanaa Doorka Muhiimkaa Ee Haweenka Soomaaliyeed Ay Ku leeyihiin Dhaqaalaha Dalka. Soo Diyaariye:– Abdirahman Wadani

Isbedelka Xadaraada Iyo Xuquuqda Dumarka. Xilligii samaan jaahiliga (Islaamka ka hor) ruuxa dumarka ah qabaa’ilka Carbeed waxay u arkayeen waxaan qiimo lahayn oo way quudhsan jireen, haddii qofka yar ee reerka u dhashaa uu noqdo gabadh waxay Aasi jireen iyadoo nool) !! Sidoo kalena qofka dumara ee gabawday ama islaantuba wax sharaf ah kumay lahayn bulshada dhexdeeda, waxa kale oo caado iska ahayd inay inanta gashaantida ah ku qasbi jireen in ay jidhkeeda ka ganacsato, si ay reerka xoolo ugu soo shaqayso. Dhinaca dhaxalka xaq uma lahayn qofka dumri in wax laga siiyo dhaxalka, ninkeeda wax xuquuq iyo tix gelin ah kumay lahayn,inta goor ee ay gabadhu furmaysaana ma lahayn tiro go’an iyo xad lagu yaqano. Sidoo kale Dumarka guursi-gooduna ma lahayn tiro iyo xad go’an oo uu ku joogsado , ninkuna inta kolba uu dono ayuu guursan jiray, inay doorato ninka ay guursanaysona wax xaq iyo xuquuq ah umay lahayn gabadhu. Marka Aaabuhu geeriyodo Haddii uu ka tago gabadh iyo carruur bah kale ah oo aanay dhalin gabadhaas uu ka dhintay waxa dhici jirtay in wiilka ugu weyn ee bahdaas kale uu guursan jiray hooyadood oo ah gabadha aabihii ka dhintay ee aan isaga dhalin, isagoo u arkayay inay tahay dhaxalkii aabihii oo ay la mid tahay xoolaha iyo hantida kale ee aabihii ka tegay. Reer Galbeedku xorriyadda dumarka ee manta ay ku faanayaana waagii hore doodoodu waxay ahayd qofka dumari ruux bay leedahay sida raga iyo ma laha.!! Waxay taariikhdu inoo sheegaysaa in dawladihii hore ee Giriigu ay gabadha xaqiri jireen waxaanay ruuxa dumara u arkayeen wax hoose oo aan qiimo lahayn, waxaanay xaaladdu gaadhay heer gabadha la qabo iyo ta inanta ahba loo iib geeyo suuqa oo la weydaarsado lacago yar oo aan macno wayn lahayn. Waxay ahayd gabadhu mid laga xayuubiyay xuquuqdeeda madaniga ah iyo ta dhaqaaleba. Waxay ahaayeen qaar u diiday inay wax dhaxasho, haddii la guursadana ninkeeda ayaa geli jiray halkii aabbaaheed oo may lahayn masuuliyad iyo go’aan qaadasho madax banaan, Sidoo kale xaq umay lahayn inay ku tasarrufto xoolaheeda amaba ay gasho heshiisyo baayacmushtari oo aanu ninkeedu ogolayn. Sidaasi ayuu ninku u ahaa mid si toos ah oo buuxda gacanta ugu haya gabadha. Sidaas-sayna ahayd xaaladda qofka dumara ilaa ALLAAH (swt) uu dawladoodii, xorriyaddoodii iyo dhaqankoodiiba ku burburiyay gacmaha, ninkii la odhan jiray Filib iyo inankiisii Askandar Almaqdooni. Waxa iyana taariikhdu inooga warrantay in boqortooyadii reer Ruum la mid ahayd ta Giriiga halka ay gabadhaha ka taagnayeen. Wadaaddada masiixiyiinta reer Yurub qudhooda ayaa waxay gabadha u arkayeen wax xun oo ah tiirka sharku cuskado, waxay la ahayd inay tahay isha ay xumaanta iyo macsida oo dhami ka soo burqanayso iyo inay tahay albaab ka mida albaada jahannama. (Subxanalllah.) Waxyaabaha kale ee ay gabadha ka aaminsanaayeen waxaa ka mid ahaa in ay iyadu sabab u tahay dhaq-dhaqaajinta dareenka ninka, iyo in quruxda gabadhu tahay hubka ibleyska oo aanu jirin hub kale oo u dhigma oo shaydaanku adeegsan karo.! Xaaladdaasi foosha xun ee murugada leh iyagoo haweenku ku jira ayuu Islaamku soo baxay wuxuuna ku dhawaaqayay: “ Xorriyada haweenka, hadday tahay dhinaca cibaadada, guurka, dhaxalka, waxbarshada, shaqada iyo dhawrsnaanta gabadha.” Hadaba Inta aynaan u gelin sida uu Islaamku sharaf iyo qiimo wayn ugu yeelayo gabadha, taariikhda cusub ee Reer Galbeedka aan wax yar ka soo qadano: Sida uu ku qoray ninka la yiraado Herberat Sbenser kitaabkiisa la yidhaahdo cilmiga bulshada Masaaridii hore waxay gabadha u arkayeen inay tahay saldhiga sharka iyo ta sababta masaa’ibta iyo balaayooyinka ka dhacaya Dunida.! Sanadkii 1805, oo ah wakhti aan siiba fogayn Dastuurka Ingriisku wuxu ninka u ogolaanayay inuu Xaskiisa ka iibin karo nin kale haddii uu naco ama dhibaato dhaqaale la soo daristo, Mar danbe ayaa la soo saaray Sharci xaarantinimeeyay qodobkaasi. Waxaana dhacday in nin Ingiriisi ku iibiyay xaaskiisii shan boqol oo gini sanaddii 1930kii, looyaradii difaacayay ayaa waxay ku doodeen in qaanuunka Ingiriisku boqol sano ka hor uu ninka u ogolaanayay in uu iibin karo Xaskiisa haday iyadu ogolaato, sidaas darteedna ay iyadu ogolaatay oo aanay denbi ahayn. Maxkamadii ayaa iyana waxay ugu jawaabtay qaanuunkaas waxa la baabiiyay sanaddii 1805tii, waxaana lagu beddelay qaanuun kale oo xaaraantinimeeyay falkaas ah iibinta gabadha, markii muddo la isku haystay fal denbiyeedkan, mar danbe ayay Maxakamadu ku dhowaaqday xukunkiisii oo noqday toban bilood oo xadhig ah. Sida uu qoray wargeyska qadiimiga ah ee Xadaaradda Islaamka sanadkeedii 2aad Xaashidda 1078, in nin Faransiis ahi Xaskiisii ka iibiyay nin kale isagoo kula heshiiyay inuu hafto ku bixiyo lacagta (Installment), waxayna sheekadu ku soo xidhnatay markii ninkii daynta lagu lahaa bixin waayay lacagtii inuu dilo ninkii uu Xaskiisa ka iibiyay. Nolosha fiican ee gabadha wanaagsan ee soo saaraysa faca tarbiyada iyo akhlaaqda leh oo waxtarka u leh bulshada mustaqbalka dhow, kuma imanayso iyadoo la raac raaco tilaamaha ay bixinayaan kuwo iyaba ay burburtay qoysaskoodi iyo dareenkii ruuxiga ahaa ee hablihii ay la dhasheen kuwii ay dhaleen kuwii dhalay iyo kuwii iyaga u dhaxayba. Kuwaasi oo dhamaantood hortooda ku niyad jabay, oo aan helin dariiqa badbaadada iyo xuquuqda raaxada nolosha. La soco Qaybaha Kale.. Qorra Naciima Cabdi Galiixe Haweenka Soomaaliyeed Rag Uma Maqna. Waxaan ku bilaabayaa magaca Allaha sharafta iyo maqaamka weyn dumarka ka siiyeey diinta Islaamka ee ilaalisa xuquuqda uu qof walbaa leeyahay. Ugu horeyntii waxaan si tiiraanyo leh ugaga tacsiyeyenayaa gabadha Soomaaliyeed ee sharafteeda sida xun loogu xadgudbay laguna bahdilay ayada oo dalkeedii hooyo joogta, oo waliba joogta xaafadeedii ay ku nooleyd, lagana yaabo inay kuba dhalatay kuna ilma dhashay. Waxaan leeyahay walaal ilaahay dhibkaaga dheef hakaaga dhigo wixii kugu dhacayna ilaahay ayaa kuu qorey waase wax ay masuuliyadeeda leeyihiin raga Soomalaiyeed guud ahaan gaar ahaana kuwii inta ku soo qabtay kuu geeyey niman ajnabi ah, hadan kaaga soo tagay ee aan ku ilaalin, kuna badbaadin markii lagu xumeeyey, waxaaan ku leeyahay raga Soomaaliyeed sidaas ma wada aha raalina kama wada aha adiga iyo kuwa kula midka ah ee la dhibaateeyey, waxaana kuu balan qaadaynaa inaan xaqaaqa u istaagi doono ilaa kuwii ku dhibaateeyey cadaalada la horkeeno, anagoo isticmaalayna awood kasta oo ana leenahay iyo si kasta oo aan kuugu gurman karno. Marka labaad waxaan canbaareynaya oo waliba aad iyo aad u canbaareynayaa falkaas naxdinta leh ee bahdilka ku ah dhammaan bulsha weynta Soomaaliyeed, dawladda, ciidamada iyo qaraka Soomaaliyeedba. Waxaan ku baaqayaa oo aan ku baaqayaa, oo aan ku baaqayaa in la soo qabto dhammaan wixii ku lug lahaa falkaan lagula kacay hooyada Soomaaliyeed ee Sharafteedii lagu xadgudbay, lana Kufsaday, iyo kuwa kale ee aamusan ee lagu xadgudbey ee ayagana la sheegayo in ay ku jiraan gabdho yar yar oo aan wali guursan gabarnimadoodiina si xoog ah loogaga qaaday laguna bahdilay, qalbigooda iyo maskaxdoodana dhaawac aan bogsiimaha lahayn loo geystay. Ka dibna la hor keeno cadaaladda ayadoo la marsiinayo Maxkamadda ciidama qalabka sida lana marsiiyaa ciqaab aysan ka soo waaqsan. Waa inaan laga harin lana ogaado kuwa Amisom ka tirsan ee danbigu ku cad yahay ilaa laga marsiinayo xukunka ay mudan yihiin ee ah dilka toogashada ah waayo waxay toogteen, oo dileen qalbi ahaan iyo jir ahaanba Hooya Soomalaiyeed ee aan wax danbi ah galabsan. Madaxweyne Xassan hadda ka hor ayuu ku baaqay in askarigii haweenka Soomalaiyeed kufsada la dilo, waxaan maanta sugaynaa oo aan ka donaynaa inuu hadalkiisaas ka dhabeeyo oo uu tiirka soo istaajiyo kuwii ka danbeeyey ama ku lugta lahaa Kufsiga loo geystay walaasheen iyo kuwa kale ee aamusan. Waxaan kaloon leeyahay waa in dhammaan xukuumaddu ay gabadhaas u so tacsiyeeyaan oo ay isbitaalka ama guriga ay degen tahay ugu tagaan oo ay ku soo booqdaan, ayna diyadeeda oo shan jibaaran bixiyaan si ay u muujiyaan sida ay ugaga xun yihiin. Kuma qancayno idaacado laga hadlo iyo guddiyo loo saaro soo baaritaankaa dhacdadaan xanuunka badan, waxaan ku qanci karnaa in aad dhammaantiin haddaad tihiin golaha wasiirada iyo Madaxtooyadaba oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha [/expander_maker]

DAWLADDA GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA, INAAD U SOO TACSIYEYSAAN GABADHA SHARAFTEEDII LAGU XADGUDBEY.

Waxaan kaloon codsanaynaa in dhammaan la baaro xeryahaha ciidamda AMISOM kiisaska xadgudubyada ah ee ka dhaca ayadoo la kaashanayo adduun weynaha iyo hayadaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo kuwa maxaliga ah ee Soomalaiyeed haddiinaan adinku awoodin taas, si loo aruuriyo xadgudubyada ay geysanayaan ciidamada Amisom, iyo kuwa Soomaaliyeed ee aan aqoonta u lahayn waxa uu askariga u yahay iyo qiimaha uu shacabka u leeyhaya iyo xaqa lagu leeyahay intaba.

KUFSIGA HAWEENKA SOOMALAIYEED YAA KA MASUUL AH?

Kufsiga haweenka Soomalaiyeed waxaa masuul ka ah raga Soomalaiyeed ee u diiday in dalkoodii dago, oo ay xasiliyaan si sharafta haweenkeena iyo caruurteena aan ugu xafidno. Dalkoodii oo ay sharafta ku lahaayeen kuna asturnayeen. Kuwa dalkoodii lagu dhex kufsanayo, kuwa dalalka dariska ah lagu kufsanayo, kuwa saxaaraha Yemen iyo Libia lagu haysto. kuwa South Afrika ayagoo uurka leh lagu kufsanayo oo hadana lagu dilayo, kuwa South Sudan iyo SPLA [expander_maker more="Read more" less="Read less"]ay duurka ku haystaan oo ilmaha u dhaldhalaya ayagoo katiinado lugaha ugaga xirxiran, iyo kuwa wadamadaan reer galbeedka ku xumaanaya ama ku duloobay, dhammaan waxaa masuul ka ah raga Soomaaliyueed nooc walba oo ay yihiinba, hadday yihiin siyaasiyiin, oday dhaqameedyo, culima`awdiin iyo aqoon yahayba. Marka aan leeyahay raga Soomalaiyeed anigaa lambar kow ka ah, war ragoow sida aan isku dhaano oo aan ilaahay ka baqno masuuliyadeenana aan qaadano haddii kale magaca iyo maqaamka aan sheeganayno aan iska dhigno, dumarkeenu rag weyn mahayaane. Waxaa masuul ka ah madaxda u dhaaratay inay qarankaan baabay u adeegayaan, dadkooda u adeegayaan, dalkooda difaacayaan,hadday ahaan lahayd sharafta dadkiisa io difaaca xuduudaha iyo waxa ku dhexloon ama ku dhex jiraba. Waxaa masuul ka ah nin walba oo ka shaqaynaya burburka dalkeena,dadkeena, iyo horumarkeena. Waxaa masuul ka ah Kuwii keenay ciidamada shisheeye, hadday joogaan iyo hadday dhinteen ama maqan yihiinba. Waxaa masuul ka ah kuwa u adeegaya shisheeyaha ee danaha dalal kale fulinaya ayaagoo qabiil ku shaqyanaya. waxaa masuul ka ah kuwa qabyaalada, goboleysiga, kala qoqobka, iyo qurunka u adeegaya. Waxan ugu baaqayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed mel walba oo ay joogaan inay arintaan foosha xun iyo kuwii ka horeeyeye ee dhacayba ay ka mudaharaadaan, kana dhiidhiyaan, oo ay muujiyaan inaysan u dulqaadankarin xadgudubyada lagula kacayo duamrkeena sharafta badan ee ah Hooyooyinkeen, walaalaheen, gabdhaheenii, iyo xaasaskeenii intaba. Ugu danbeyntii waxaan qoraalkaygaan ku soo koobayaa aniga oo ciil daraadiis aysan maskaxdaydu awoodin inay qoraalkaan sii wado diiqadda i haysa awgeed, oo aan wax badan oo xikmad ku fadhiya oo aan oran lahaa ay iga lumeen, xaalada aan ku jiro awgeed, balse waxaa rasuulkeena suuban NNK uu yiri hadal waxaa ugu kheyr badna midkiisa yar ee kheyrka iyo cadaaladda leh, ayaan doonayaa inaan su aashaan waydiiyo madaxda Soomaaliyeed ee la jaarka ah raga ku xadgudbay sharafta haweenkeena Soomalaiyeed.. Dhibaatooyinka Loo Gaysto Hawenka W/Q:Siciid Mahad Maxamed. Falalka ugu badan oo lagula kaco dumarka waxa kamida kufsiga oo ay ku waayaan sharaftooda iyo qadarintii ay ku dhex lahayeen bulshada dhexdeeda. Waxaa lagu tilmaama dumarku inay yihiin aas aaska kowaad ee qoyska hadana waxaa moodaa in aysan qaar kamida ku xushmeen haweenka oo ay xadgudub ku sameeyaan. Haweenku waa ay nala dhashen waana nadhalen waana ay noo dhaxaan inaan dhoorno maahee ma dhib bay naga mutaysteen. Dhibaatada Kufsiga uu u leyahay haweenka wa midaan lagu soo kobi karir hal warbixin ama hal qormo sidaa daraadeedna wa atn mar walba laga hadlo dhibaatadooda. Hadaba kufsigu waan maqalaa muxuu yahay kufsigu ? Kufsiga waa xadkudub xaga jinsiga oo lagula kaco haweenka iyadoona raali ka ahayn iyo in xoog lagu kufsado iyadoona jirkeeda loo gaysanayo jirdir mararka qaarna waxa dhacaa in ay u geeriyoodaan kufsiga loo gaystay. Marka kufsiga loo gaysto nolosheeda dambe waxaa ay ku noolaanaysaa nolol aan bini,aadan ku noolaan karin taas oo ah in ay nolosha oo dhan u cuntami waydo iyo in bulshada dhexdeeda isaga dhex baxdo taas oo sababta in bulshada ay ku dhex nooshahay ay u adegsadan erayo aan ku haboonayn hadana niyadeeda wax u dhimaya. Kufsigu waa shay xun diinteenuna raali kama ahaa mana banayn in haweenka kufsi lagula kaco ama lagu xadgudbo. Waa macquul in qaar kamida raga aysan aqoon xaqa dumarka sidaana ay ugula kacayaan kufsiga haday ogaan lahaayeen ciqaabta ay marayaan markay haweenka xadgudub ay kula kacayaan waa ay iska dayn lahaayeen. Iyada o aan ognahay in dumarku ayna dhaleen nala dhasheen hadana ay noo dhaxaan maxaan kufsiga iyo xadgudubka aan ugula kacnaa ? ma waxan ilawnay dhibaatadii iyo xanunkii ay nala soo mareen markay caloosha nagu wadeen iyo markay na dhaleen dhibkay nala soo maren? Kufsigu waa dhibatada ugu wayn oo lagula kaco haweenka taas oo sababta in ay naftooda kuwaayaan ama ay galaaftan oo ay kuwaayaan noloshooda. Tan uguwayn oo ay lakulmaan ayaa ah inay waayaan qof ay nolosha la qaybsato oo ay la aqal gasho taas waxaa u sababa falki ay kula kaceen qaar kamida dhalinyarada ay wada dagaanka yihiin oo hadana muslimin ah. Qola kasta ama bulsha walba waxa ay dhoortaa oo ay haysataan dhaqankeeda iyo hidaheeda hawenka waa lama taabtaan oo waxay u arkaan inay yihiin sidi muraayad o kale oo haday mar jabtana aan laysku keeni Karin. Bulshadaas ka sakaw diinteena islamanka ma ogola in aan qof haweena ku xad gudubno o aan hadana jir dil u gaysano taasina waa waxaan ka suuroowin qof leh niyad saafiyaa iyo qalbi dabacsan. Qofna ma ogola in uu walaashii hooyadii ama marwadiisa lagu xad gudbo hadaba maxaa hawenka kale loogu xad gudbayaa Mayna dhalin hooya anagoo kale ah? Dareenaka xaga jinsiga ah waa mid laga rabo inuu xagameeyo qofka donaaya inuu ku xad gudbo jinsiga kale taasina uu kari karo qofka Jecel inuu ku Xad Gudbo Qof walaashii oo kala ah . Haweenka lagula kaco Kufsiga waxaa mararka qaar ku dhacda inaan helin dad garab istaga ilaa heer Maxkamadeed oo Xaqeeda u doodaa walaw halka Qaar ayna helinba Dad wax kala Qabta dhibaatada ay martay. waxaa jira in mararka qaar la afduubto qofka haweenka kadibna laga ganacsado jirkooda ama Naftooda iyadoo qaarkoodna laga weebsado wadanada dariska la ah Goobta laga afduubtay. Bilooyinki u dambayay waxaa yaraaday Falalkii lagula kacayay Haweenka haba ugu badnaatee Falka Kufsiga ah oo in muda caado ka noqday Qaar kamida deeganada Dalka. haweenku meel walba oo ay dunida ka jogaan Kufsiga waa lagula kacaa balse waa kuwa aan Goos goos ah taas oo sababtay in Haween badan ay Naftooda halis galiyaan. Haweenka iyo Raga kee Xasuus Badan. Cilmi-baaris ay sameeyeen khubaro ka tirsan Jaamacadda McMaster University oo ku taal magaalada Ontario ee dalka Kanada, ayaa daboolka ka qaaday in dumarku ragga kaga wanaagsan yihiin xasuusashada magacyada iyo wejiyada muddo dheer ka hor aragtidooda iyo maqalkoodu ugu dambaysay Daraasadan lagu daabacay jariirada lagu magacaabo Psychological Science, ayaa khubaradu dadka ay baarayeen u isticmaalay qalab casri ah oo lagu baaro indhaha iyo maskaxdu siday u xasuusato waxyaabaha muuqaalada iyo magacyada ah. Tijaabooyinka dadka lagu sameeyey waxa kale oo ka mid ahaa in 120 weji la tusay, magacyadoodana loo sheegay ragga iyo dumarka cilmi-baarista ka qaybqaatay, 4 maalmood ka hor tijaabadooda, kaasoo markii dambe la waydiiyey sawirrada, 10 ka mid ah inay mar uun la kulmeen, sheegaana magacyadooda. Cilmi-barayaashu waxay heleen in dumarku awood badan u leeyihiin in ay magacyada iyo wejiyada si fudud u xasuustaan, marka ragga loo eego. Jennifer Heisz oo ka mid ah khubarada cilmi-baaristan diyaarisay ayaa Wakaaladda NBC News u sheegay in dumarku aad uga xasuus badan yihiin ragga, marka loo eego wejiyada iyo magacyada maalintii ay arkaan haddii ay muddo kadib la kulmaan. “Si fiican uma xasuusan kartid marka qofku maalintaas kugu horraysa muddo kadib kula kulmo, balse dumarku waxay xariifiin ku yihiin inay wejiyada iyo magacyada si dhib yar ku xasuustaan,? ayey tiri Heis Haweenka Gobolka Haylaan Oo Ka Hadlay, Dhaliileyna Gudniinka Fircooniga Ah. Wasaarada Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland ayaa maanta shir looga hadlayo ka hortaga Gudniinka fircooniga ah ku qabtay hoolka shirarka ee dugsiga Al- Mubaarag ee degmada Dhahar, shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen dhamaan ururada hoyooyinka culimaa'udiinka iyo gudoomiyaha cusub ee gobolka Hayland Maxamed Jeenatlo gudoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag Faarax Maxamuud aw Yuusuf. Shirkan ayaa waxaa soo abaabulay gudoomisada Ururka Haweenka ee gobolka Sanaag Faadumo Maxamuud Yuusuf ayaa waxaa looga hadlayay gudniinka Fircooniga iyo sidii looga hortagi lahaa. Haweenkii goobtaasi isugu yimid ayaa waxay xirnaayeen dhar cas-cas oo ay ku qoranyihiin Gudniinka Fircooniga Waa la joojiyey iyo hadalo lamid ah. Masuuliyiintii kasoo qeybgashay shirkaasi ayaa sidoo kale ka hadlay arimaha bulshada ee gobolka Haylaan.[/expander_maker]

Maqaal: Waali Dhaqan Waa Sidee.

Waali dhaqanku wuxuu ka mid yahay, dhaqamada xun ee laga dhaxlo isticmaalka noocyada kala duwan ee maandooriyayaasha. Waali dhaqanka isu soo jiida Ragga & Dumarka si ka baxsan shareecada islaamka ayaa ku badan maandooriyaha qaadka.Waali dhaqanka khamrigu wuu ka badanyahey ka qaadka oo waa waali rasmi ah iyo doqoniimo wada socda oo dadka isticmaalaa cagahooda ku raadsadaan. Inta badanna raga iyo dumarka wada cabbaa wey kala waashaan wuxuuna sababi karaa dil, kufsi iyo danbiyo kale oo ka sii waaweyn. Mujtamaca Soomaalidu wuu ka feejiganyahay Waalidhaqanka khamriga. [expander_maker more="Read more" less="Read less"]Hadaba Waali dhaqanka qaadka ayaa aad ugu badan bulshooyinka Soomaalida. Wuxuu ku baahay marka laga billaabo madax sar-sare oo xilal ka haya Dawlada ilaa kuwa ugu hooseeya iyo bulshada qaybaheeda kala duwan oy ku jiraan ardayda dugsiyada wax ka barata. Sidaasoo ay tahay, hadana bulshada badankeedu ma dareensana oo waxayba u haystaan wax iska caadi ah. Wacyi galina laguma dayin lagu baraarujinayo jiritaanka iyo waxyeelada waali dhaqanka qaadka marka laga reebo, dagaalka weyn iyo halganka dabargoynta ah ee uu kula jiro Caqliweyne Abukar Awale (Qaad Diid). Waali dhaqan waa sidan: Iyadoo aan la soo koobi kareynin  dhibaatooyinka qaadka, ayaa halkan tusaale ahaan waxeynu ku eegaynaa, waali dhaqan isu soo jiidaya wiil arday ah iyo gabadh dhalinyara ah oo labaduba qaadka cuna.Waali dhaqanku isla gabadhaa lafteeda wuxuu ka fogeynayaa, nin gayaankeeda ah oo aan qaadka cunin oo in badan isku dayey in uu guursado. Wixii rag u kaco, Dumarkuna ku raacaan Rabbina aqbalo, waa rumoobaan. Caqliweyne Abukar Awale (Qaad diid). 2013 Waa goor casar liiq ah, oo cadceedu godka sii galeyso. Hawwo macaan baa dhacaysa oon aad u qaboobeyn. Saakana roob baa da’ay, waana la filayaa, xilliguna waa barwaaqo sooran. waa magaalo yar, dugsi weyni ku yaallo iyo meherado dhawra. Qaadkii cusbaa ayaa soo dhacay. Wiiggii mar ama laba goor ayaa la keenaa. Waa bahal cajiib ah. Waayadaa lama arag. Garaababa maleh. Subaggaa da’ayah. Midh laga tuuri mayo. Qori waliba fartaasuu buurrida la’egyahay. Waa dhagayare. Waa qori cas. Waa kii wiilasha lagu dhali jirey. Waa kii …waa kii ayaa meel walba la isla dhex marayaa. Mid cuna iyo midaan cuninba amaantiisaa la wada hayaa. Waa balaayo baase, markuu soo galo magaalada,  shanqadhaa korodha. Dadka iyo gaadiidka tirada yar ee magaaladu leedahaa is dhaafdhaafa. Ka heli karaa horuu ka qaataa oo wuu fadhiistaa. Kaan heysanna meel uu ka sii amaahdo iyo macaamiishuu baadh-baadhaa. Ardaygu tacliinta kuma xuma, waliba inta kale badi wuu ka sittaa. Dadaal ma leh intuu qaadka bartay, fahmo badan baase ilaahey siiyey. Kartibuu u dhashey, qaadkuuse ku walfey oo dib u riixayya. Magaalada waxaa ku taala meherad weyn oo waxyaabo kala duwan lagu iibiyo oo qaadku ka mid yahey. Qayb walba dad gaar ah baa ka shaqeeya, guudkana gabadh baa ka wada maamusha. Gabadhu waa mulkiilaha ganacsiga. Waa gabadh ilaahey joog iyo jamaalba u dhameeyey. Waxeyse sida ardayga ku walaftey qaadka. Shaqadeeda wali wey ka adagtahay. Waxey ka mid tahay dadka yar ee  faro ku tiriska ah een qaadku shaqada u diidin. Waxaanse ka maqneyn waalidhaqanka qaadka. Markuu soo dhacayba intey yara baxday ayey deg-deg u soo cuntey in yar oo uurbeyso ama iney le’eg. Aqalkeedaan fogeyne dhakhsey meheraddii ugu soo noqotay. Ardaygii maalinkaa wali mijintii ma soo qaban. Qaadkaa sittee, meelo hore uu wax ka sii yara qaad qaatay ayuu is yidhi u doono. Wali muu gasariirine, hadana wuu ka yara maagey. Wuxuu yidhi, marbey maankayga ku soo dhacday, ma u tagtaa gabadhii lahayd meheradda magaalada u weyn. Misana waan ka yara maagey. Waxaan is idhi taasi kulaba hadli meyso, hadana yeelkadeede isku qaad. Misana waan ka yara maagey. Waxay ku amaahiso daaye, armey ku ceebeysaa oy dadka kale ku maqashiisaa. Qaadkay ammaanayeenbaa maskaxdayda ku wareegayee, soo mar qudha ismaan arag anigoo dhextaagan macdaarkii magaalada u weynaa. Calool adayg waa rag wehelkiiye, intaan qaadka la dhameysan, maamulaha guud iyo mulkiilaha u tag. Iskaba daayoo kaba seexo. Iskuulkaagii iska tagoo wax is ka akhriso soo intaba  ismaan odhan. Meel aanan fileyn soo maamulihii kamey soo bixin. Saanee: naa bal warran, miyaan la isba salaameyn. Seytee: miyaad igaba sugtey. Saanee: maxaan kaa sugaa, waxaan is lahaa gacantaa lagaa salaamayaa, waa lagu soo dhaweynayaa oo wan baa laguu qalayaa. Seytee: wax ka badan baad istaahishaa, laakiinse, soo horta in lagu arkaa kama horeyso. Saanee: hawlahaa igu badnaa, imtixaanana waanu lahayn. Seytee: iska daa waanad na rabine, jaarkayganba waad timaadaa oo halkaasaad ka noqotaa. habeyn dhaweydna, halkaasaaban kaa maqlayey oo waxaad qaadeysey hees aan jeclahay. Saanee: naa waa mar-mar aan soo yara maro. Waayo anigu meelahan oo kale ma fadhiisto, ee waxayaga intaanu iskuulka kula noqonno ayaanu qalaylka ku liqnaa.  Waxaanse ku weydiiyey, waa tee heesta aad jeceshahay. Seytee: waa hees aan aniguba qaado, adiga wax kuu geeyey garanba maayee. Waa hees ay qaado fannaanada weyn ee Hibo Maxamed. Waa hees wiil ay jeceshahay, si ay ugu sheegtana garan la’dahay. Saanee: oo magaceed.Seytee: magaceeda anigaa kuu sheegi doonee, maxaa ku fadhiisinaya iskuulka, aqalkaygaan ku soo tusayaaye, halkaa kaalay markaad rabto inaad fadhiisatid. Mar danbana qalayl iyo rafaad ha ku qayilin. War ileyn tanoo kale. Indhahaan kaga brig-brig siiyey. Anigii baa rumeysan waayey waxaan arkayo ama maqlayo. Heestan ay sheegeysana markiiba gartay. Macnaheeda iyo ujeedadana markiiba maleeyey. Maskax garaadaa i shaqaysay. Mijin horoon ka amaahday oo maankeygaba ka baxday iyo mas’alooyin horaan xasuustay.  Arday aanu saaxiib nahay baa, mar sii horeysay oo muddo laga joogo igu yidhi: Gabadhaasi markaan arkaba wey ikaa weydiisaa. Waxay tidhaahdaa salaan diiran iga gaadhsii. Aniguna hoostaan ka odhan jiray: faan weynaa, ma anigaa ayaankaaba leh. Mar walba waxaan u qaadan jirey inuu ila kaftamayaa. Anigoo xishooday oo isku yara meeraystay bay aragtay. Iska fadhiiso waan kuu soo noqone, bay si hoose ii tidhi. Wax yar dabadeed waxaan is arkay anigoo maqsin weyn oo muraayado badan dhextaagan. Minanku minankaagii waaye, waan inna soo maamulayaa, shaqaalahana waan la soo ballamayaa ee isa sii kala bixi (ma awalbaan isku jirey) hadaad wax u baahatana, halkaa taabo, shaqaalahaa kuu imandoontee soo la ima odhan. Oo macawis udgoon iyo maryihii qaadka la ima odhan, waa kuwaase qaado. Soo oon heer sare ah, qaboow iyo kulayl ba leh mac-macaan ku jiro la ima  cunsiin. Macdan baa la iga baadhayaaye soo maydhasho wacan la iima diyaarin. Soo laamaha qaar fiidkaba maan sii feen-feenan. Soo maamulihii mashruucan oon waa hore miliilicay, maankaygase ka weyneyd iimay soo noqon. Magaalada oo dhanbaa sida koobka aduunka tartan ugu jirtee, anigoon is reeb-reeb soo marin soo cidla kamaan helin. Soo markaa labadiinu  mirqaankii miliiniyamka oon laba gaadhin iyo mawjado dhaa-dheer wada fuulimeysaan. Soo heestay jecleyd iyo kuwo kaleba wada qaadi meysaan. Soo galinka danbe labiga dhawr goor ka soo boodimeysid. Adigoon fileyn, soo waagu sidaa ku baryimaayo. Soo diigii waabari ciyi mayo. Arday baad tahaye soo hoosta ka nixi meysid. Waa goor horee, iska joog, barqadaad kiciye sii yara fadhi soo lagu odhanmaayo. Miyir ma jiree, tani waa maskax miidhan, maxay macluumaad haysaa (halkey maskaxdiyo & macluumaadku joogaan) markalaad soo noqondoontaaye la sii yara joog soo is odhanmeysid. Manhajkaagii markaa soo ku seegi meysid. Maalinta danbe mid macalinoo camal xun, oo maadada ingiriiska dhiga soo kalimaad badan marqudha ku weydiin maayo. mid-mid u macnee soo ku odhan maayo. Muraad kaluu leeyahee soo iskakaa maagi maayo. Mar danbaan  wax ogaaday. Shaw macallinku shaluu sheeda iga arkay. shaw intaan shooladda ku jireyba shaydaan baa u waramaayey. Shaw shilimadiisa badanaa halkaasaa shubata. Shaw tiraba shan goor mar-marsiinyo aan macno lahayn iyo maanaa guurba gaadhey, ganacsato weyn baan ahay, ninba uma baahni iyo muran soo mutuxan baa lagu masheysiiyey. Soo Waali dhaqanka qaadku aniga iyo macalinkii iskumuu kaayo dhufan. Soo iskuulkiiba igamuu eryin. Soo isbatoorihii bileyska iigumuu yeedhin. Soo magaalada ka wajaaf, habluhuu kharibayaaye kumuu odhan. Soo mooradii muraayado badan, madrasaddii iyo magaaladii mar la igama wada musaafurin.[/expander_maker]

Dumarka Uma Fiicna Isticmaalka Aalada Facebook Sababtaan.

Waxaa la ogaaday islamarkaana lagu cadeeyay daraaso ka soo baxday Wadanka mareykanka taasi oo sheegtay in gabdhaha ku qaata waqtiga badan isticmaalka adeega aalaada facebook ay yihiin kuwa ugu badan marka loo bar-bardhigo gabdhaha aan isticmaalin feecebook kuwa haysta dhibaato iyo hoos u dhac sidoo kalene ay yihiin kuwa aan raashinka u qaadanin si toos ah, ayadoo intaas ay usii dheertahay inay nacaan guurka. Waxaana lagu cadeeyay in 80% gabdho ah oo lagu sameeyay tirakoob daraasadeed ay yihiin kuwa gala adeega caanka ah ee facebook marki ay ugu yartahay hal-sac maalintii, waana kuwa ku qaata waqtiga intiisa badan isla markaana raadiya sawirada asxaabtooda. Ugu danbeyntii waxaa la tilmaamayaa in markasta oo ay badato waqtiga ay isticmaalayaan adeega facebook gabdhuhu ay ka dhiganto in uu ku sii bato borobleemka hoos udhaca iyo sidoo kale kalsooni darada.

Maqaal:- Dhibaatooyinka Loo Gaysto Hawenka W/Q:Siciid Mahad Maxamed.

Falalka ugu badan oo lagula kaco dumarka waxa kamida kufsiga oo ay ku waayaan sharaftooda iyo qadarintii ay ku dhex lahayeen bulshada dhexdeeda. Waxaa lagu tilmaama dumarku inay yihiin aas aaska kowaad ee qoyska hadana waxaa moodaa in aysan qaar kamida ku xushmeen haweenka oo ay xadgudub ku sameeyaan. Haweenku waa ay nala dhashen waana nadhalen waana ay noo dhaxaan inaan dhoorno maahee ma dhib bay naga mutaysteen. Dhibaatada Kufsiga uu u leyahay haweenka wa midaan lagu soo kobi karir hal warbixin ama hal qormo sidaa daraadeedna wa atn mar walba laga hadlo dhibaatadooda. [expander_maker more="Read more" less="Read less"]Hadaba kufsigu waan maqalaa muxuu yahay kufsigu ? Kufsiga waa xadkudub xaga jinsiga oo lagula kaco haweenka iyadoona raali ka ahayn iyo in xoog lagu kufsado iyadoona jirkeeda loo gaysanayo jirdir mararka qaarna waxa dhacaa in ay u geeriyoodaan kufsiga loo gaystay. Marka kufsiga loo gaysto nolosheeda dambe waxaa ay ku noolaanaysaa nolol aan bini,aadan ku noolaan karin taas oo ah in ay nolosha oo dhan u cuntami waydo iyo in bulshada dhexdeeda isaga dhex baxdo taas oo sababta in bulshada ay ku dhex nooshahay ay u adegsadan erayo aan ku haboonayn hadana niyadeeda wax u dhimaya. Kufsigu waa shay xun diinteenuna raali kama ahaa mana banayn in haweenka kufsi lagula kaco ama lagu xadgudbo. Waa macquul in qaar kamida raga aysan aqoon xaqa dumarka sidaana ay ugula kacayaan kufsiga haday ogaan lahaayeen ciqaabta ay marayaan markay haweenka xadgudub ay kula kacayaan waa ay iska dayn lahaayeen. Iyada o aan ognahay in dumarku ayna dhaleen nala dhasheen hadana ay noo dhaxaan maxaan kufsiga iyo xadgudubka aan ugula kacnaa ? ma waxan ilawnay dhibaatadii iyo xanunkii ay nala soo mareen markay caloosha nagu wadeen iyo markay na dhaleen dhibkay nala soo maren? Kufsigu waa dhibatada ugu wayn oo lagula kaco haweenka taas oo sababta in ay naftooda kuwaayaan ama ay galaaftan oo ay kuwaayaan noloshooda. Tan uguwayn oo ay lakulmaan ayaa ah inay waayaan qof ay nolosha la qaybsato oo ay la aqal gasho taas waxaa u sababa falki ay kula kaceen qaar kamida dhalinyarada ay wada dagaanka yihiin oo hadana muslimin ah. Qola kasta ama bulsha walba waxa ay dhoortaa oo ay haysataan dhaqankeeda iyo hidaheeda hawenka waa lama taabtaan oo waxay u arkaan inay yihiin sidi muraayad o kale oo haday mar jabtana aan laysku keeni Karin. Bulshadaas ka sakaw diinteena islamanka ma ogola in aan qof haweena ku xad gudubno o aan hadana jir dil u gaysano taasina waa waxaan ka suuroowin qof leh niyad saafiyaa iyo qalbi dabacsan. Qofna ma ogola in uu walaashii hooyadii ama marwadiisa lagu xad gudbo hadaba maxaa hawenka kale loogu xad gudbayaa Mayna dhalin hooya anagoo kale ah? Dareenaka xaga jinsiga ah waa mid laga rabo inuu xagameeyo qofka donaaya inuu ku xad gudbo jinsiga kale taasina uu kari karo qofka Jecel inuu ku Xad Gudbo Qof walaashii oo kala ah . Haweenka lagula kaco Kufsiga waxaa mararka qaar ku dhacda inaan helin dad garab istaga ilaa heer Maxkamadeed oo Xaqeeda u doodaa walaw halka Qaar ayna helinba Dad wax kala Qabta dhibaatada ay martay. waxaa jira in mararka qaar la afduubto qofka haweenka kadibna laga ganacsado jirkooda ama Naftooda iyadoo qaarkoodna laga weebsado wadanada dariska la ah Goobta laga afduubtay. Bilooyinki u dambayay waxaa yaraaday Falalkii lagula kacayay Haweenka haba ugu badnaatee Falka Kufsiga ah oo in muda caado ka noqday Qaar kamida deeganada Dalka. haweenku meel walba oo ay dunida ka jogaan Kufsiga waa lagula kacaa balse waa kuwa aan Goos goos ah taas oo sababtay in Haween badan ay Naftooda halis galiyaan.[/expander_maker]

Tanina Ma Xuquuqda Haweenkaa?(Dumarka Ilqabadka Leh Oo Shaqadoodu Halis Ku Jirto)

Hanaanka Dimuqraadiyada ee aduunka xiligan lala kufaa kacayo ee ay garyaheenka ka yihiin wadamada reer Galbeedka waxaa lagu san duleynayaa dalal badan oo ka mid ah waxa loo yaqaan Dunida sexaad, tiiyoo ay sii dheer tahay u durbaan tumidda dimuqraadiyada oo xiligan si weyn looga tumayo wadamada Islaamka. Dimuqraadiyada oo ah xoog xiligan dunida awood badan ku yeeshay ayna dabeesheedu ruxayso meelo badna oo caalamka ka mid ah waxaa ka mid ah in xuquuqda dumarka la ilaaliyo, [expander_maker more="Read more" less="Read less"]iyagoo qolyaha ay maankooda ka soo maxaatey hanaanka dimuqraadiyadu ay ku dhaliilayaan Islaamka in aanu siin xuquuqdii loo baahnaa dumarka, arintaasi oo ah eedeyn sal iyo baar aan laheyn oo lagu doonayo in maskaxda looga xado ummadaha Islaamka, iyadoo aynu ognahay in soo ifbixidii Nabigeenna Muxamed Nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee uu kaalin weyn ka qaatey sidii Islaamku u siin lahaa haweenka xuquuqdooda shakhsiyadeeda. Tusaale ahaan Islaamka ka hor haweenku waxay ahaayeen kuwa duleysan oo xitaa nolasha lagu aasi jirey, laakiin wixii ka dambeeyey soo ifbixidii shulcada Islaamka waxaa hanaqaaday qayimka bulsho ee haweenku leeyihiin taasi oo ah mid ku cad Qur’aanka Kariimka ah sida ay inoo muujinayso Suurad dhameystiran oo ALLE Subxaanu Watacalaa uu kaga hadlayo Dumarka, suuradaasi oo ah An-nisaa isla markaana sidata magaca Haweenka. Taasi waxay daliil cad u tahay sida Islaamka u sharfay dumarka uuna aqoonsan yahay shakhsiyadooda & kartidooda iyadoo waliba halgamadii kala duwanaa ee Islaamku soo marey ay haweenku ku lahaayeen kaalin aad u mug weyn. Dimuraadiyada reer Galbeedku xiligan ku doodayo 70 sano ka hor haweenku xitaa awood uma laheyn inay ka qayb galaan doorashooyinka, waxaana ay ahaayeen kuwa ku dulman bulshada dhexdeeda, laakiin iyagoo ka tuusaalo qaadanaya sharafta Diinta Islaamka siisey aadmiga guud ahaan gaar ahaan haweenka waxay qolyaha hogaanka u haya Dimuqraadiyadu ku fakareen in ay qaadaan talaabooyin ay ku muujinayaan inay ilaaliyaan xuquuqda haweenka. Dad badan oo dunida ku dhaqan ayaa laga dhaadhiciyey in Islaamku aanu siin xuquuqdii loo baahnaa haweenka, laakiin waxaa muhiim ah in la ogaado inaanay aheyn xuquuqdu in qofku nolashiisa xad la’aan uu sameeyo wixii uu doono, balse looga baahan yahay in fuliyo wixii wanaag ugu jiro aduun iyo aakhiro, mana ahan xoriyada in la is qaawiyo oo haweenka cawradooda banaanka la soo dhigo iyadoo laga duulayo sheekada ah xuquuqda shakhsiga. Hadaba dhacdo ku cibro qaadasho mudan loogana baahan yahay in dadka Islaamka ah u yeeshan fiiro dheer ayaa dhawaan ka dhacdey wadanka Mareykanka, waxay aheyd markii maxkamad ku taal gobolka dalkaasi ay go’aan ku soo saartey in madaxda shirkaduhu shaqada ka eryi karaan haweenka ilqabadka wanaagsan leh (Qurxoon), iyadoo taasi laga dhigay mid sharci Melissa oo filaysay in kiiskeedu uu iyada qiimo u leeyahy ayna heli doonto xuquuqdeeda shaqaalenimo oo lagu xadgudbay, iyadoo ku dooday in Knight uu ahaa saaxiib u dhaw & Aabe isla markaana shaqadeeda ay ku wayday dumarnimo oo kaliya. Balse James Knight wuxuu ku dooday in dhamaan xaruntiisa dadka ka shaqeeya ay yihiin haween, laakiinse Melissa sababta uu shaqada uga saaray ay tahay soo jiidasheeda quruxdeeda iyo in uu kordho xiriirkooda shaqo oo sal u noqon kara burburka qoyskiisa. Dooda oo soctey mudo aad u dheer waxaa ugu dambeyntii maxkmadu u saartey gudi ka kooban 7 xaakin, iyagoo go’aan ku gaaray  21-bishii bishan in masuulka shaqada uu u leeyahay xaq in uu shaqada ka saari karo qof kasta oo lagu helo in uu leeyahay soo jiidasho badan, waxaana xukunkaasi uu dhabaha u xaarey in Mellisa ay ku waydo halkaasi xuquuqdeedii iyadoo loo cuskay inay tahay qof qurxoon oo soo jiidasho leh. Su’aasha iswaydiinta mudanse waxay tahay xuquuqdii haweenka ee naloo sheegayey in Dimuqraadiyadu ilaalinayso wa waxay noqotey in qof dumar ah shaqadeedii looga saaro waad qurux badan iyo soo jiidasho ayaad leedahay, waana su’aal u bahan in la iswaydiiyo.[/expander_maker]

Murugo: Hooyo Caruurteeda Faqri Awgii U Iibisay.

Hooyo u dhalatay Dalka Hindiya oo lagu Magacaabo Gauri Shah ayaa waxa ay iibisay cunugeedii Afaraad oo ahaa wiil kadib markii ay ku dhashay isbitaalka, iyada oo ku bedelatay £130 oo u dhigantay qiyaas ahaan $200 (laba boqol oo doolar). Hooyada ayaa waxa ay wiilkeeda u gacan gelisay qoys caruur la’aan ahaa, waxa ayna sheegtay in arintaani ay ku dhaqaaqday kadib markii aabaha dhalay afarta caruurta ah uu ka dhuuntay markii ay yeelatay uurka wiilka hada ay dhashay ayna weysay waxa ay ku quudiso caruurteeda. Gauri Shah ayaa hoosta ka xariiqday in ay ku noolyihiin iyada iyo caruurteeda xoogaa yar hooyadeed oo da’ ah maalintii ay tuugsi ku keento arintaas oo iyada ku riday jaha wareer. Dowlada Hindiya ayaa waxa ay ogaatay arinta ku aadan iibsiga cunuga waxa ayna durbadiiba kasoo celisay reerkii laga iibiyay inkasta oo ay diiday hooyadu in cunugeeda ay qaadato iyada oo ku andacootay in aysan heli doonin wax ay siiso sidaa darteed ay dooneyso in laga celiyo. Waxaa lasiiyay hooyada laba bilood oo ay uga fiirsato in cunugeeda ay dib ula wareegto iyo in kale waxaana wiilkii yaraa la geeyay goob lagu xanaaneeyo caruurta.

Maqaal Xiiso Badan (Hidiyo Dhaqan Waa Hangool‏)

Waxay ahaayeen dad bulsho ah oo hal abuur leh…  marka xoolaha la maalo. inta ay ka foofayaan maqashaa  mareegaha luqunta loogu xiraa  ..awrka rarayga ah iyo hayinka lagu guuro xoolaha lama soofaane,,ka  sarmanka  iyo hareeriga ku yaalaa sabada guriga bay dheemaalka ka gurataan ..  qof kasta oo guriga jooga waxaa u muuqda halka ay awrtu daaqayso  nirgaha ka reebka ah  ee aan wali socod baran iyo halaha dhalay ee ramaga ah  waxaa markaa iyagana ka war haya  dumarka iyo caruuraha guriga jooga… geela ragaa raaca adhigana dumarkaa raaca  marka lakala agaasimo xoolaha  maysinkastaana uu foofo. [expander_maker more="Read more" less="Read less"]Duqaydii iyo wax garadkii degmadu waxay isugu yimaadaan  geedka  marka waayeelku kulmo doodu waxay ku bilaabataa  ararasho kaftan iyo awaalo waran  way kala garqaataan oo way isku garabaan inkastoo aan la duubayn oo camarado  video aanu jirin hadana waxaa geedka lagaga hadlo ayaa guryaha caawa lagaga sheekaysanayaa oo dumarka iyo dhalinyaradu ku haasaawaan  waxaa laga soo warinayaa  nin walbaa wuxuu ku hadlay   oo mararka qaar  maahmaah noqda dhalinyartuna way tarmisaa oo halhays buu noqdaa cid kastaa way tartantay oo way kala dheereeyeen  laba kastaa way legdantay oo way kala adkaadeen  nin kastaa kaalinta uu mujtamaca kaga jiro waa la yaqaan waa dad han wayn oo aan jeclayn wax lagaga gar helayo inuu golaha keeno  nin kastaa hadalkiisu sumad gaara ayuu leeyahay waa la yaqaanaa waxaa ka suurooba  waxaa uu oron karo iyo meesha uu tagi karo Meesha aan wanaag laga rabin waxaa loo diraa mid garta yucub u celiya  oo isna beesha kaalin ku leh  hadiyo goorna beeshu markay gudoonka saluugto ayay is margaagshe wakiilataa  beeshu mar walba waa garyigil waxayna diyaar u tahay inay geedka iyo golaha ragu joogo timaado  laakiin afhayeenada beeshu waa kuwo loo tababaray wakhtiga adag  markaa nin walba maalin ayaa lagu guuraa nin hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday  qofku wuxuu ku garami jiray maahmaahyaha si ay xeerbeegtida iyo guurtidu ay ugu garaabaan  suuganta iyo ararashadu waxay keentaa qofku wax aanu xaq u lahayn in loo xukumo  wixii maalintaa  la kala helo ayaa lagu gawracanyahay.  qofna xaq uma leh in uu racfaan ka qaato maxkamad sare oo loo dacwoodaana ma jirto, dadkuna waxay ka warsugayaan dooda iyo sida ay u dhacayso  iyo gudoonka xeerbeegtida mar hadii lagu dhawaaqo natiijada qofna xaq uma leh inuu ka hor yimaado . sidaa darteed waxay baran jireen hadalka si aan looga gar helin. Ninka suldaanka ahi  maleh ku xigeen iyo gole wasiir toona  waxaa uu leeyahay rag guurti ah oo uu la tashado laakiin go aanka kaligii baa leh  cidina kama hor iman karto, lagulama  xisaabtamo, hadiyo goor waa lagu ururaa  hadalkiisana waa la maqlaa waxayna aaminsanyihiin cidii ka hortimaada inay eedayso oo waxay arkaan inuu karaamo leeyahay  hadii uu cadhoodo beesha oo dhan baa la cadhoonaysa  hadii uu dagaal galo waydiin maayaan sababta dagaalka  waxaad moodaa bulsho heegan ku jirta oo sugaysa suldaankooda amarka uu bixiyo  .Dunjigiin hadaan cali garaad duub cad wada saaray .asaan duunyadiyo xoolohii idinla daawaystay .asaan dawlad kaa dhigay maxaad duule igu raacday , waxay ahaayeen dad illaahay yaqaan laakiin aadane aan waxba u ogayn . xabashigu waa cay ferenjiguna waa cay saancadkuna waa cay inkastoo dad illaahay abuurtay  aanay mudnayn in la caayo waxaa muuqata inay ahaayeen dad aan weelasha gaalada wax ku cunin  jidhkooda aaan taaban iyagoo lafahooda uga baqaya inay najaaso ka soo gaarto ee aanay kibirba ka ahayn.waxay ahayd runtii dad mudnaa inay ina dhalaan oo aan  ku faano  waxaan ka sheekanaynaa waalidkeen iyo taariikhdii soomaliya[/expander_maker]

Haweenka Soomaaliyeed Wa Africa Wey Ka Tilmaansan Yihiin.

Haweenka Soomaaliyeed qiimaha aay ku leeyihiin bulshoweynta iyo kallinta aay weligood kaga jireen hawlaha qoysga iyo qaranka wa mid aan abaalkeeda la gudi karin  nasiid darro  ma qirno mana siino mamuuska aay bulshoweynta ku leeyihiin dadka ku hadala AfSoomaaliga iyo waxay  dumarka Soomaaliyeed qarniyo dhiib lasoo derseen ka mid tahay dhaqanka foosha xun ee gudniinka fiirconiga ah  cafimaad ahaan aay haweenka Soomaaliyeed kala kulman. Waxtarka dadkii iyo dalkoodi hoyo dib u dhisa dalka iyaaga ugu dhaqaale ururis badan waxaan maanta halkan kusoo qaadanaya haweenka magac iyo [expander_maker more="Read more" less="Read less"]mamuuska sare ku leh bulshada Soomaaliyeed wax qabad dacaadnimo iyo xilkaasnimo inta aan ka xusi karo   oo wada hayeey mudan xitiraam iyo  bilad sharafeed Markii aan intaas oo dhan eegay waxaan garawsaday oo aqoonsaday in haweenka Soomaaliyeed meel kastoo aay xil ka qabtan ku fican yihiin siyaasad dhaqaalle  qoys qaran intaba  oo aay weligood ahayeen indhaha iyo masgaxda ummadda ku hadasha AfSoomaaliga. Qaybta warbaahiinta waxay kaga jiran baal dahab ah   haddi aan tusaale usoo qaato   weriyaasha dumarka ah ee caan ku bulshoweynta  wax ka mida   Marwo Deeqa Kalombi    bahweynta Somali Channel TV     Horncable  Nicmo Samiiree Ex BBC   Somali reporter  Sahra Muse Weheliye Sidaas darteed iyaan maansadan ugu deeqay uguna hibeeyey Dr’ Adna Adan  Ex Somaliland Foreign Minister  ku caan ah adeega bulshada cafimaadka Marwaada Kowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Amina Weris  Xussen Jirde  ku caan ah adeega danyarta agoomaha curayamiinta Somaliland Wasiirka Waxbarashada Iyo tacllinta Sare ee Sland Wasiir Sam-Sam  wax qabad hor leh dedaal fiirfircooni Dr’ Xawa Abdi  Madiina Hospital  Moqdisho Somaaliya   nafteeda u huurtay daweynta dadkeeda wixii colaado iyo dagaal ba’aan kasoo socoday Koonfurta soomaaliya meelna aan uga bixin bad-baadisay kuman-kuman qof ku mutaysatay bilad sharaf caalami ah Noel Peace price Aqoonyahanad  Pioneer Hargeysa University Fowiza Xaji Adan  Ex’ Somaliya FM & Dupty PM Haweenka Soomaaliyeed xishooda bay Huwan yihiin Hormuud bay inoo yihiin Naskoodey inoogu haabeen Hee’se laga tiriyeyoo Haddraawa tilmaamayoo Ammaan ku hagogeyoo Aabaha ka horraysiiyo Hidaha dhaqankiiyo wanaag Raabiiba u hibeeyeyoo… Hub_qaadkaay ugu siidtan Afrikaba ka hinasdayoo Habeen bilanay dhasheen Hodo iyo karaamo leeyihiin Hiilka raggo kale leeyihiin Heshiis qaran bay galan Nabadey horseed u yiin Murtida aanu ku hal malnoo iyo Suugeyntay noo haggaan Abaar Dhaxaan iyo haraad Colaadahu markaay holcaan Iyaaga noo hiiliyo reeraha Haqab tiro nabad ku heshiisiin karo Safiirnimo wey hantan Hayeey la tilmaansadiiyo Maxaay Hanad noo dhaleen Maxay ragii kii u liidta Hoyo hebelow hayeey iyo ammaan ugu hiilliyeen[/expander_maker]

Habka Ugu Haboon Ee Aad U Kasban Karto Qalbiga Lamaanahaaga.

Waxaa jirtay daraasad aan faafiyey waa dhexe oo aan ugu magac daray ((Habka ugu haboon ee doorashada lamaanahaaga)). Hadaba mawduucaas wuxuu soo jiitay dad badan oo soomaaliyeed , meelo badana waa la igala soo xiriiray , waxaanan dareemay in baahi badan loo qabo mawduucyadan ku saabsan qoyska, sidaa awgeed waxaan goostay inaan halkii kasii wado, oo aan daraasad ka sameeyo qodobka taas ku xiga oo ah : Hadii qofku uu ku guulaysto lamaane wanaagsan, rag iyo dumar labadaba inay muhiim tahay sidii uu ku kasban lahaa qalbigiisa, inkastoo mashquulaadkaygu badan yahay ayaamahaan, [expander_maker more="Read more" less="Read less"]hadana waan isku dayayaa inshaa allaah. Daarasadaani waxay aad u qusaysaa qoysaska u dhisma sida lagu yaqaan reer, oo ah inuu qof walba masuuliyadiisa leeyahay ee kaga hadli mayno xaaladaha qaabkaas khilaafsan sida gabadhu inay hayso masuuliyadii ninka laga rabay, oo reerka dibada uga soo shaqayso ninkuna uusan waxba isla hayn , ama duruufo kale hortaagan yihiin in la dhaqan galiyo barnaamijkaan, taas wax badan baa is badalaya. Sidoo kale arimaha keena wanaaga iyo kuwa dhibka keena ee aan halkaan ku sheegi doono inta badan waa sida qaalibka ah ee way jiri karaan xaalado naadir ah oo khilaafsan. Tusaale ahaan dadka qaar wuu uga daraa wanaaga badan oo loo sameeyo oo waxay ku fiican yihiin la xisaabtanka adag, taasina waa xaalad naadir ah oo qofkaas u gaar ah. Waxaa kaloo asal u ah daraasadaan shareecada islaamka iyo tajribada biniaadamka ee aan ka hor imaanayn diinta , wixii diinta kasoo horjeedaana wax kasoo qaad maleh . Waxaa kaloo igu jirta inshaa allaah inaan mawaadicdaan mustaqbalka buug ku aruuriyo oo uu buugaasi noqdo mid loogu noqdo arimaha qoyska oo xataa jiilasha danbe ka faaiidaystaan. Muhimadaarintaan Inta badan qoysaskeena soomaaliyeed xil gaar ah iskama saaraan in wiilka iyo gabadha labaduba isku taxalujiyaan qaabkii uu qof walba qofka kale qalbigiisa u kasban lahaa ama u abuuri lahaa jacayl iyo kalsooni dhex marta qoyska cusub, sheekadu ayaamaha hore farxad iyo raynrayn iyo kalsooni xad dhaaf ah ayey ku bilaabataa kadibna tartiib tartiib ayey hoos ugu dhacdaa ilaa nolosha reerku isku badasho mid dhib badan oo ku astaysan maahmaahdii oranaysay (( nin iyo naagtiis colna maahan nabadna maahan)). Dagaal iyo canaan iyo caraatan joogta ah kadibna laga yaabo in qoyskuba burburo haduu dhisnaadana wuxuu soo saaraa caruur ku kortay jawi colaadeed oo aan daganayn , taasoo dhaqankooda saamaysa , wixii ay qoyskooda ka barteen ayeyna bulshada kula dhaqmaan waana dhibaato usoo hoyanaysa umada oo dhan. Hadaba qodobadan soo socda ayaa na tusaya muhimada in labada qof ku noolaadaan jacayl iyo isku kalsoonaan:-

1) Hadii aad aad u dhuuxdo aayada quraanka ah ee allaah uga hadlay isjacaylka dhexyaal qoyska oo sheegaysa in caalaamadaha waaweyn ee jiritaanka allaah lagu garan karo ay kamid tahay inuu raga u sameeyey haween ay isku jinsi yihiin oo xaasas u ah, wuxuu allaah ka dhigay sababta uu qoyskaas u sameeyey inay tahay inaan ka helno xasilooni aan ku dagno oo dhibaatooyinkii aduunka oo dhan aan uga raaxaysano jir ahaan, nafsi ahaan iyo waliba shahwo ahaan ,wuxuu kaloo sheegay in allaah na dhex dhigay jacayl iyo isu naxariisasho, hadaba hadii arimahaas la waayo oo qof walba is yiraahdo qofka kale ka cadgooso ama iska dhici ama shaki iyo is dhaleecayn joogto ah waxay noqonaysaa in macnihii guurka allaah ugu talo galay oo dhan meesha ka baxo waana guul daro.

2) Sidoo kale hadaad u fiirsato dhaqankii Nabi Maxamed NNKH iyo xaasaskiisii waxaad ogaanaysaa inay udub dhexaad u ahayd is jacayl is qadarin isu naxariisasho, waxaanan ku amran nahay inaan ku dayano dhaqankiisii NNKH, waana inaan daraasayno hab dhaqankaas kuna dabaqno nolosheena.

3) Waxaa kaloo ku tusaya mawduucaan muhimadiisa sida shareecadu u qaadaa dhigtay oo ugu samaysay qawaaniinta iyo nidaamka aan qaybo kamida kaga hadli doono qormadaan inshaa allaah.

4) Caqliga saliimka ah ayaa tusaya muhimada arintaani leedahay, maxaa yeelay marna ma sina in reerku is jacayl isqadarin iyo xurmo ku noolaado iyo in lagu noolaado nolol dhibaato leh, xataa hadaan dhibaato jirin oo qof walba masuuliyadiisa kasoo baxo laakiin aan xiiso iyo kalgacal jirin ayaaba culays ah.[/expander_maker]

Dumarka Iyo Dhaqaalaha Somaliland !!!

Wakhti aan fogayn ayaa waxaan qoray maqaal ku saabsanaa doorka dumarka iyo siyaasadda Somaliland. Markii maqaalkii aan soo bandhigay ayaa jawaabo badan oo kala duwan aan ka helay dad badan oo dunida daafaheeda ku kala nool, kuwaasi oo ii muujiyay dareeno iskugu jira dhiirrigelin, tusaalayn, taageerid iyo tallooyin ay ku jirto hogo tusaalayn. Haddana waxaan go’aansaday in aan maqaal kale soo saaro, kaas oo aan kaga hadlayo arrimaha dumarka iyo dhaqaalaha. Haddaan maqaalkayga gudogalo, waxaan horta ku yara eegayaa taariikhda dhaw ee Somaliland intii aanay dagaaladu ka dhicin dhulkeena, waxa jiray hab-nololeed kala gadisan oo waliba marka aad si u eegto isku sar go’an. Waxaan uga jeedaa dadkeenu waxay kala ahaayeen reer miyi, reer magaal iyo beeralay, nolosha dadku haysteena mid waliba waxay ahayd mid dagan oo ay ku qanacsan yihiin, balse arrintu waxay isbeddeshay markii ay dalka ka dhaceen dhibaatooyinka iyo dagaaladu, kuwaasi oo si toosa saamayn ugu yeeshay hab-nololeedkeena, taas oo dhaxalsiisay bulshadeena in dumar badan noloshoodii hore ka tagaan, iyagoo bilaabay inay door muhiima ka qaataan habka dhaqaalaha dalka oo ay dumarkii intay dhexda iska xidheen noqdeena soo saaraha qawtal-daruuriga in badan oo ka mid ah qoysaska Somaliland, gaar ahaan inta loo yaqaan muruqmaalka (working class) waxay u badan yihiin dumar. Haddaan tusaale soo qaadano, waxa ka mid ah dumarka iibiya jaadka, khudrada, caanaha, dhuxusha, iyo kuwa dukaanada yaryar haysta, taasi waxay muujinaysaa in dumarku noqdeen qaar daboola baahiyaha qoysaskooda, waxaana xusid mudan warbixino kala duwan oo aan ka soo xigtay haayadaha qaramada midoobay inay tibaaxeen wax soo saarka haweenku inuu udhigmo %70 dakhliga ka soo xarooda dalka gudahiisa. Iyada oo ay cadahay in dumarku yihiin asaaska dhaqaalaha dalka, waxaa haboon in ay qayb ku yeeshaan hab socodka siyaasadda dalka, maadaama siyaasada iyo dhaqaaluhu ay yihiin laba shay oo is xambaarsan. Hadaba iyada oo ay sidaa tahay ayaa hadana waxay mar walba qayb ka qaadanayeen nabadda iyo horumarinta dalka, waxaa kale oo ay ka qayb qaadanyeen korinta iyo kobcinta carruurtooda oo ay waxbarasho iyo nidaam sax inay helaan xooga saarayeen, iyagoo dhib walba u marayay inay bulshada ku soo kordhiyaan awlaad tayo leh, barina noqda kuwii mustaqbalka dalka si sax ah uga qaybqaadan lahaa, haddaba taariikhda cusub ee Somaliland waxay muujisay in dumar fara badan ay door mihiim ah oo wax ku oola ka qaataan hab-socodka dhaqaalaha ee Somaliland, waliba iyagoo abuura shaqooyin kala gadisan. Somaliland oo maanta maraysa meel lagu diirsan karo, isla markaana dumarku ka yihiin tiir muhiim ah, waxa isweydiintu tahay; maxaa dumarow inala gudboon? su’aasha jawaabteedu waxay tahay in aynu sida aynu uga qaybqaadanayno dhaqaalaha, aynu uga qaybqaadano siyaasadda, taana waxaynu ku heli karaa inaga oo ka qaybgala hoggaanka tartanka siyaasada ee dalka. Doodaha ragga qaar yidhaahdaan in aan weli la gaadhiin wakhtigii dumarku ay talin lahaayeen lama joogo oo aqoontooduna uma saamaxayso, ayaa waxaa burinaaya sida qiimaha leh ee muddooyinkan dambe aqoonta dumarku u korodhay. Tusaalena waxaa inoogu filan sannadkii 2011 ardayadii ugu saraysay jaamacadaha Somaliland waxay ahayd gabadh, ardyadii dugsiyada sare ee Somalialnd ugu saraysayna waxay ahayd gabadh, waana wax aan la iska indho tiri karin qaybta laxaadka leh ee ay dumarku ku leeyihiin bulshadeena, ta kale waxaa hubaal ah 20 kii sanno ee u dambeeyey ay aqoonta dumarku sare u kacday, ha ahaato kuwa dalka gudihiisa wax ku bartay iyo kuwa qurbaha wax ku bartayba, taasi oo dumar ahaan noqonaysa mid aynu kalsooni badan kaga heli karno ama kaga helnayba bulshadda Somaliland dhexdeeda. Maqaalkan iyo maqaalkii ka horreeyeyba waxaan ku iftiimiyay doorka kala duwan ee ay dumarku ku leeyihiin bulshadda, ha ahaato siyaasadda, dhaqaalaha iyo waxbarashada. Markaa waxay iila muuqataa in la gaadhay wakhtigii ay dumarku noqon lahaayeen hormuudka dalka Somaliland ay baahiyaha badani ka jiraan, nuglaanta faraha badanina ay saamaysay oo taasi oo waliba inta badan ka timaad dhinaca ragga qaar, sida ka muuqata dumarka meelihii loo igmaday waxay ka muujiyeen waxqabad lagu faani karo. Xukuumadda Axmed Siilaanyo oo kursiga ku fadhiday muddo ka badan sannad iyo badh ayaa kursiga uu ku fadhiyo waxaa sababteeda qayb laxaad leh ku lahaa dumarka, iyada oo wakhtigii tartankii ololaha doorshada lagu jiray uu madaxwayne Siilaanyo ku baaqi jiray inay dumarku heli doonaan 25% saamiga dawladdiisa, laakiin se xukuumadiisa maanta kama muuqato 25%, waxaa halkaa inooga muuqata marka dumar ahaan la eego 5% in ka yar. hadaba madaxwayne Siilaanyo waxaan leeyahay madaxwayne awalbaa waxaanu iskaga qanacsanayn 25%, maantana 5% inkayar baad na siisay oo aanay dumarku u qalmin, taana waxaan u leeyahay markaad dhinac walba ka eegto dumarku waa tiirka ay ku tagan tahay Somaliland, markaa ma la odhan karaa sidii aanu kuugu caano lisnay noogu maad hambayn? Gabagabadii waxaan leeyahay rag iyo dumarba aan ka wada shaqaysano dalkeena, umadeenan inoo baahana aan wax u wada qabano, inaga oo gacmaha is haysana, shaqadana yaan lagu koobin ragga oo kaliya ee si isku miisaman ha loo qaybiyo, samiga dumarkana ha ka badheedho xukumadaadu in ay si xaq soora ugu qaybiso ragga iyo dumarka. Dumarkana waxaan odhan lahaa waa inaynu had iyo jeer muujina dedaal xooggan, aqoonteenana kordhina, markaa hadii aqoonteenu korodhana waxaynu helaynaa dhaqaale, maadama uu dhaqaaluhu yahay hagaha nolosha had iyo jeer, siyaasadda iyo dhaqaluhuna is xambaarsan yihiin.

Sidee Loo Daweeya Maseyrka Ama Hinaasaha Dumarka Marka Lala Guursado.

Niman badan oo leh xaasas ayaa doona in ay guursadaan gabdho kale arintaas oo ah mid soo jireen ah waxaa muhiim ah in la isweydiiyo . Horta ninow maxaa kugu kallifaya inaad adoo marwo wanaagsan qaba mid kale u guursato? Way jiraan duruufo ama duruuf mar marka qaar kugu kallifaysa inaad xaas 2aad guursato, laakiin waxaa jira waxyaalo badan oo wax laga qaban karo. Horta ma u sheegtey inaad la guursaneyso. Maya, inteenna badan waan qarsannaa. Laakiin waxaa fiican inaad u sheegto, si haddii sababta kugu kallifeysa ay dhankeeda tahay ayna wax ka qaban karto aad u siiso fursad ay wax kaga qaban karto. Haddiise aya tahay duruuf aysan waxba ka qaban karin, sida dhalmo la’aan, jirro wakhti dheer ah IWM, isku day inaad ku qanciso oo iyadoo raalli ka ah aad la guursato, inkastoo ay adag tahay iney raalli marna ka ahaato, laakiin iskudey samee. Haddiibase ay dhacdo inaad la guursato horey ugu sii sheeg ama ha u sheegine, ogow iney maseyreyso kuna tala gal isbeddel weyn oo reerka ku dhaca. Waa run masayrku waa jirro dawadiisuna waa Alla ka cabsi iyo samir badan. Sidaas darteed waxaan kula talinayaa raggu markay xaaska la guursadaan oo ay maseyrto iney la yimaadaan samir badan. Waa inaad fahamtaa in dhibka aad adigu keentey illeen adaa la guursadey gabadhan maseyrsane. Ha u arkin iney iyadu khaldan ee ogow khaladka inaad adigu leedahay. Waxaad kalood ogaataa in gabadhani la maseyreyso jacayl ay adiga kuu qabto, waayo, haddeysan ku jeclayn dan kaama gasheen haddaad 3 kale xataa la guursato. Marka waa qof ku jecel oo aad kuu rabta, rabtana siday kuu jeceshahay inaad u jeclaato keligeed oo aanay gabadh kale jaceylkaaga la qaybsan. Ogow qoftani ineysan caadi ahayn oo isbeddel weyn ku dhacay. Intaas haddaad fahamto waxaa lagaa rabaa inaad ku dadaasho sidaad ku dejin lahayd adoon la buuqin, lana dagaalin. Waxay u baahan tahay inaad wakhti badan siiso. Waa inaad ka ilaalisaa oo aadan marna ka hadlin xaaskaaga cusub. Haba soo hadal qaadin. U samee wax alla waxay kaa dalbato intaad awoodo, aan ka ahayn furriin. Ogow hubkeeda ugu weyn waa ama aniga ama iyada. Taas marna ha yeelin. Marna ha kula buuqin carruurta hortooda, hanaba la buuqin, Waayo xal ma aha buuqu. Waxaad isku deydaa inaad la kaashato haddey jirto qof dumar ah oo ay saaxiib yihiin, laakiin ah qof diinta ku fiican, aadna ogtahay iney sida wanaagsan wax ugu sheegeyso. Haddaba waxaan ku soo gabagabeynayaa: 1- Xaaskaaga haddey tahay qof gudaneysa waajibkeeda hooyonimo iyo naagnimo ha la guursan haddeysan jirin duruuf kale oo qasab kaaga dhigeysa inaad la guursato, ee sii dhiirrageli si ay u sii fiicnaato. Yuusan ku hoggaaminin damacaaga iyo jaabkaagu. 2- Waa inaad la timaadaa samir iyo dulqaad badan. Marna xalku ma aha dagaal iyo buuq. 3- Ha ka dhigin xal inaad furto marnaba. Ogow qofka wax furaya waxna xidhaya waa adiga, waana awood Ilaahay ku siiyey maadaama aad nin rag ah tahay. Marka awoodaas ha ku ciyaarin.

Haweenka Soomaaliyeed Hal Maalin Oo Dabaal Daga Ma Mudna.

Waxaa Aduunka laga xusaya maalinta 8, Maarso ama march oo loo Asteeyey Maalinta Haweenka Aduunka oo Soomaaliyana ku jirto waxaa is waydiin mudaan Haweenka Soomaaliyeed ma` xaqbaa inaan hal”maalin u Aqoonsano?. Ummaadd kastaa waxay leedahay haldoor laf dhabar u` ah jiritaankooda aniga oo Anan ka hadlayn ummaddaah kale waxaan rabaa inaan qormadaan ku eego Haweenka Soomaaliyeed iyo haybadda ay mudan yihiin inaan lagu soo koobi karayn hal”maalin oo loo calaamadeeyo waayo hal bawlaha Umadda Soomaaliyeed ama hal doorka ummadda Soomaaliyeed? Haweenkeena Soomaaliyeed waa kuwo qaali nagu ah oo` aan lagu soo koobi karayn Hal`maalin inay leeyihiin taas badalkeed haweenka Soomaaliyeed waxaay naga mudan yihiin inaan maalin kasta saacad kasta iyo xili kastaa inaan xusno kuna dadaallo daryel kooda iyo wanaagoodda waa hadii aan nahay Raga Soomaaliyeed oo baryahaan fartu ku godan tahay. Haweenka Soomaaliyeed waa laf” dhabarka Ummadda Soomaaliyeed tariikhada Hablaha Soomaaliyeed waa mid gun adag leh waxaan tariikhada ku hayaa xiligii Gobonimmo doonka haweenka Soomaaliyeed inay ahayeen kuwo ka feejig naa raga ayaga oo ka mid ahaa haldoorkii ku hawlanaa in Ummadda Soomaaliyeed ay helaan xornimadooda. Xiligii Gumaysiga Xiligii Gumaaysiga lala dagaalamayey Haweenkeena Soomaaliyeed ayaga oo ilamaha Korinaaya ayaga oo uur leh ayaga oo dumara ayey hadana waxay ahayeen kuwo Garaab tagnaa ragooda Soomaliyeed waxaana Qarkood geeriyoodeen ayaga oo la dagaalamaya Cadowgii Ummadda Soomaaliyeed waxaa kale oo jirtay inay xabsiyadii Gumaysiga galen kuna dhinteen kuna umuleen ayaga oo ku jira xabsi gudihiisa. Alle ayaa gudi kara xaquuqdda hooyada Soomaaliyeed Allaha wayn ayaa gudi kara xaqa ay leedahay Hooyo Soomaaliyeed allaha wayn ayaa Gudi kara Hablaheena xaqa ay inagu leeyihiin hal,maalina kuma fila inaan u Calaamadno ee xili kasta waxay naga mudan yihiin wax qabaad xushmo iyo u hagar bixiid joogtaa nin kasta oo Soomaaliyana waa waajib saran taas. Qayb kamida qaybaaha Haweenka Soomaaliyeed ay dheeryihiin haweenka Aduunka kale Geesinimo Qodobka koobaad waa geesinimo buuxda oo ay ku kal soonyihiin naftoota oo ay amiin san yihiin inay damaanaad qaadi karto mas,uuliyadda umad dhan waxaana markhaati kuku filaan markii Dawladii Soomaaliya Bur,burtay halka kaliya ee loo baxsaday waa haweenka Soomaaliyeed dal iyo dibad`baa , ayaga oo dusha u ritay badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed alle ayaa wax badbaadiya laakiin waxay quudiyeen kumanaan Soomaaliyeed. Isku xirka bulshada Soomaaliyeed Qodobkaka labaad ee ay uga duwan yihiin hablaha aduunka hablaha Soomaaliyeed Gabadha Soomaaliyeed waxaay isku xirtaa bulsha ama labo Qoys taas oo ah in uu guursdo nin ka soo jeeda qabaa,iil kale kadibna labada qabaa,iil ay dhex marto Xididtinimo` Xididtinimo waa hab xiriir oo ka dhexeeya labo bulsho oo, ay isku xirtay Gabar Soomaaliyeed waana habka hablaha Soomaaliyeed ay uga duwan yihiin Haweenka Aduunka. Marti soorka Marti soorka Gabadha Soomaaliyeed xiliga ay timaado marti ama dad safara Gabadha Soomaaliyaad waxay karti buuxda u leedahay inay marti soor u samayso martita ku soo hoyatay hoygeeda ama Qoyska ay hooyada u tahay hadii uusan joogin mas,uulka Reerka waxaa mas,uuliyada qaatata Hooyada Soomaliyeed ayada oo martita ku maamuusta hanaan heersara miyi iyo magaalaba taasina wa hanaan kale oo ay uga duwan yihiin haweenka aduunka kale. Gabo`gabo Waxaan ku soo koobaya Haweenka Soomaaliyeed ma` mudna maalin kaliya ee waxay mudan yihiin in maalin kasta ayaga la xuso waxay mudan yihiin in la hormariyo Caafimaadkooda Waxbarashooda iyo daryeelkooda Haweenka Soomaaliyeed waa wax soo saarka dhammaan wax kasta oo ummadeena faa,iido u leh hadii ay noqon lahayd dhaqaale nabaad raadinta ayaga oo ku cabira hab suuganeed daryeelka qoysaska Soomaaliyeed dal iyo dibaad.baa waxaa waajib inagu ah inaan ogaano hal bawlaha ummadeena inuu yahay Haweenka Soomaaliyeed. Xuquuda Waa. Qore Cabdi Nuur Faarax Maxamuud

“Haweenka Soomaaliyeed, Dumar Aan Rag Lahayn

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allaha sharafta iyo maqaamka weyn dumarka ka siiyeey diinta Islaamka ee ilaalisa xuquuqda uu qof walbaa leeyahay. Ugu horeyntii waxaan si tiiraanyo leh ugaga tacsiyeyenayaa gabadha Soomaaliyeed ee sharafteeda sida xun loogu xadgudbay laguna bahdilay ayada oo dalkeedii hooyo joogta, oo waliba joogta xaafadeedii ay ku nooleyd, lagana yaabo inay kuba dhalatay kuna ilma dhashay. Waxaan leeyahay walaal ilaahay dhibkaaga dheef hakaaga dhigo wixii kugu dhacayna ilaahay ayaa kuu qorey waase wax ay masuuliyadeeda leeyihiin raga Soomalaiyeed guud ahaan gaar ahaana kuwii inta ku soo qabtay kuu geeyey niman ajnabi ah, hadan kaaga soo tagay ee aan ku ilaalin, kuna badbaadin markii lagu xumeeyey, waxaaan ku leeyahay raga Soomaaliyeed sidaas ma wada aha raalina kama wada aha adiga iyo kuwa kula midka ah ee la dhibaateeyey, waxaana kuu balan qaadaynaa inaan xaqaaqa u istaagi doono ilaa kuwii ku dhibaateeyey cadaalada la horkeeno, anagoo isticmaalayna awood kasta oo ana leenahay iyo si kasta oo aan kuugu gurman karno. Marka labaad waxaan canbaareynaya oo waliba aad iyo aad u canbaareynayaa falkaas naxdinta leh ee bahdilka ku ah dhammaan bulsha weynta Soomaaliyeed, dawladda, ciidamada iyo qaraka Soomaaliyeedba. Waxaan ku baaqayaa oo aan ku baaqayaa, oo aan ku baaqayaa in la soo qabto dhammaan wixii ku lug lahaa falkaan lagula kacay hooyada Soomaaliyeed ee Sharafteedii lagu xadgudbay, lana Kufsaday, iyo kuwa kale ee aamusan ee lagu xadgudbey ee ayagana la sheegayo in ay ku jiraan gabdho yar yar oo aan wali guursan gabarnimadoodiina si xoog ah loogaga qaaday laguna bahdilay, qalbigooda iyo maskaxdoodana dhaawac aan bogsiimaha lahayn loo geystay. Ka dibna la hor keeno cadaaladda ayadoo la marsiinayo Maxkamadda ciidama qalabka sida lana marsiiyaa ciqaab aysan ka soo waaqsan. Hooyo Amran oo Sheegtey in Ciidamo ku Labisan Dareyska Dowladda ay Xoog ku Kaxaysteen, islamarkaana lageeyey oo lagu Kufsadey Xero ay Degen yihiin Ciidamada AMISOM (Dhacdo Xanuun Badan)Hooyo leh Afar Caruur oo mid ay Nuujineyso Magaceeda ku sheegtey Amran ayaa iyadoo oo Miyir La’ waxaa la keeney Isbitaalka Xayaad ee Magaalada Muqdisho ka dib markii Ciidamo ku labisan Dareyska Ciidamada oo ku sugnaa Agagaarka Isbitaalka SOS ay Joojiyeen maalinkii Koowaad ee Ciidul Fidriga markii lagu Amrey in ay qaado Niqaabka ama Indha Shareerka , markii ay iska qaadey ayaa lagu yiri waxaa laguu qabaa Dacwad ee waa in aad Ciidamadaan raacdaa,hase yeeshee Amran waa ay diidey , waxaana Xoog lagu saarey Gaari oo ay sheegety in markiii la saarayey Indhaha laga Xirey si aysan u ogaan halka loo wado. Halkan ka akhri… Waa inaan laga harin lana ogaado kuwa Amisom ka tirsan ee danbigu ku cad yahay ilaa laga marsiinayo xukunka ay mudan yihiin ee ah dilka toogashada ah waayo waxay toogteen, oo dileen qalbi ahaan iyo jir ahaanba Hooya Soomalaiyeed ee aan wax danbi ah galabsan. Madaxweyne Xassan hadda ka hor ayuu ku baaqay in askarigii haweenka Soomalaiyeed kufsada la dilo, waxaan maanta sugaynaa oo aan ka donaynaa inuu hadalkiisaas ka dhabeeyo oo uu tiirka soo istaajiyo kuwii ka danbeeyey ama ku lugta lahaa Kufsiga loo geystay walaasheen iyo kuwa kale ee aamusan. Waxaan kaloon leeyahay waa in dhammaan xukuumaddu ay gabadhaas u so tacsiyeeyaan oo ay isbitaalka ama guriga ay degen tahay ugu tagaan oo ay ku soo booqdaan, ayna diyadeeda oo shan jibaaran bixiyaan si ay u muujiyaan sida ay ugaga xun yihiin. Kuma qancayno idaacado laga hadlo iyo guddiyo loo saaro soo baaritaankaa dhacdadaan xanuunka badan, waxaan ku qanci karnaa in aad dhammaantiin haddaad tihiin golaha wasiirada iyo Madaxtooyadaba oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha DAWLADDA GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA, INAAD U SOO TACSIYEYSAAN GABADHA SHARAFTEEDII LAGU XADGUDBEY. Waxaan kaloon codsanaynaa in dhammaan la baaro xeryahaha ciidamda AMISOM kiisaska xadgudubyada ah ee ka dhaca ayadoo la kaashanayo adduun weynaha iyo hayadaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo kuwa maxaliga ah ee Soomalaiyeed haddiinaan adinku awoodin taas, si loo aruuriyo xadgudubyada ay geysanayaan ciidamada Amisom, iyo kuwa Soomaaliyeed ee aan aqoonta u lahayn waxa uu askariga u yahay iyo qiimaha uu shacabka u leeyhaya iyo xaqa lagu leeyahay intaba. KUFSIGA HAWEENKA SOOMALAIYEED YAA KA MASUUL AH? Kufsiga haweenka Soomalaiyeed waxaa masuul ka ah raga Soomalaiyeed ee u diiday in dalkoodii dago, oo ay xasiliyaan si sharafta haweenkeena iyo caruurteena aan ugu xafidno. Dalkoodii oo ay sharafta ku lahaayeen kuna asturnayeen. Kuwa dalkoodii lagu dhex kufsanayo, kuwa dalalka dariska ah lagu kufsanayo, kuwa saxaaraha Yemen iyo Libia lagu haysto. kuwa South Afrika ayagoo uurka leh lagu kufsanayo oo hadana lagu dilayo, kuwa South Sudan iyo SPLA ay duurka ku haystaan oo ilmaha u dhaldhalaya ayagoo katiinado lugaha ugaga xirxiran, iyo kuwa wadamadaan reer galbeedka ku xumaanaya ama ku duloobay, dhammaan waxaa masuul ka ah raga Soomaaliyueed nooc walba oo ay yihiinba, hadday yihiin siyaasiyiin, oday dhaqameedyo, culima`awdiin iyo aqoon yahayba. Marka aan leeyahay raga Soomalaiyeed anigaa lambar kow ka ah, war ragoow sida aan isku dhaano oo aan ilaahay ka baqno masuuliyadeenana aan qaadano haddii kale magaca iyo maqaamka aan sheeganayno aan iska dhigno, dumarkeenu rag weyn mahayaane. Waxaa masuul ka ah madaxda u dhaaratay inay qarankaan baabay u adeegayaan, dadkooda u adeegayaan, dalkooda difaacayaan,hadday ahaan lahayd sharafta dadkiisa io difaaca xuduudaha iyo waxa ku dhexloon ama ku dhex jiraba. Waxaa masuul ka ah nin walba oo ka shaqaynaya burburka dalkeena,dadkeena, iyo horumarkeena. Waxaa masuul ka ah Kuwii keenay ciidamada shisheeye, hadday joogaan iyo hadday dhinteen ama maqan yihiinba. Waxaa masuul ka ah kuwa u adeegaya shisheeyaha ee danaha dalal kale fulinaya ayaagoo qabiil ku shaqyanaya. waxaa masuul ka ah kuwa qabyaalada, goboleysiga, kala qoqobka, iyo qurunka u adeegaya. Waxan ugu baaqayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed mel walba oo ay joogaan inay arintaan foosha xun iyo kuwii ka horeeyeye ee dhacayba ay ka mudaharaadaan, kana dhiidhiyaan, oo ay muujiyaan inaysan u dulqaadankarin xadgudubyada lagula kacayo duamrkeena sharafta badan ee ah Hooyooyinkeen, walaalaheen, gabdhaheenii, iyo xaasaskeenii intaba. Ugu danbeyntii waxaan qoraalkaygaan ku soo koobayaa aniga oo ciil daraadiis aysan maskaxdaydu awoodin inay qoraalkaan sii wado diiqadda i haysa awgeed, oo aan wax badan oo xikmad ku fadhiya oo aan oran lahaa ay iga lumeen, xaalada aan ku jiro awgeed, balse waxaa rasuulkeena suuban NNK uu yiri hadal waxaa ugu kheyr badna midkiisa yar ee kheyrka iyo cadaaladda leh, ayaan doonayaa inaan su aashaan waydiiyo madaxda Soomaaliyeed ee la jaarka ah raga ku xadgudbay sharafta haweenkeena Soomalaiyeed.. SUAAL KU SOCOTA MADAXDA DAWLADDA DHAMMAANTOOD.. MUDANAYAAL HADDAAD TIHIIN , MADAXWEYNE, RA´IISAL WASAARE, RAIISAL BAARLAMAAN , WASIIRO,IYO XILDHIBAANO INTABA. FADLAN LABADAAN SU`AALOOD SHACABKA SOOMAALIYEED UGAG SOO JAWAABA. Hooyada Soomaaliyeed ee la kufsaday waa hooyo 4 caruur ah leh, kuwaas oo aad madax u tihiin, waxay idin su´aalayaan hooyadeen waa la kufsaday? Sharafteedii waa lagu ciyaaray? Maqaamkeedii waa lagu xadgudbay? Qiimaheedii waa la dilay? Nafteediinaa waxaa loo geystay murugo, tiiraanyo, xanuun aan waligeed ka hareyn ayada , aabaheen, anaga oo ay hooyadeen tahay, iyo qoyskeeediiba? Haddaba hadaad madaxdii dalka tihiin, 1. MAXAAD U SOO DHICISEEN HOOYADEEN? BAHALADDII HILIBKEEDA QAYBSADAY, KUWII SOO XERA GALIYEY, KUWII U XOOG SHEEGTAY, INTABA WAY JOOGAAN, WAY NOOL YIHIN WALI DAREESKII CIIDAMDA AYEY WATAAN HADDAY AMISOM YIHIIN IYO HADDAY SOOMAALI KU SHEEGBA YIHIIN? MAXAAD U QABATEEN HOOYADEEN? MAXAADSE DHIBKA NA SOO GAARAY NAGALA QAYBSAN KARTAAN? 2. Waxaan kaloon idin su´aalaynaa waxaad leedihiin haween xaasaskiina ah, gabdho aad dhasheen, hooyooyin, iyo gabdho walaalihiin ah. haddii intaasba ay dhibka noocaan ah soo gaari lahaa ilaahay kuma keenee, sideed yeeli lahaydeen? xanuun noocee ah ayaad dareemi lahaydeen?,Maxaaad ku dhaqaaqi lahaydeen? Jawaabta haddiinan hayn waxaan ka sugeynaa umadda Soomaaliyeed, ee damiirka leh, haddii aad jawaab haysaana waxaa ka jawaabaya ficilada aad samaysaan iyo sida aad ugaga dhiidhisaan, ficilkaas oo gaashaan u noqon doona haween badan oo Soomalaiyeed oo dhibaato noocaan oo kale ah ku soo socotay. Waxay kaloo daweyn doontaa qaar badan oo horey dhibaato loogu geystay oo aan cidina ka warheyn ama la xishoonaya inay banaanka u soo baxshaan, kuwaas oo ku dhiiran doona inay hadlaan oo murugada ka baxaan oo ay dhibkooda soo bandhigaan si ay ula qaybsadaan inta damiirka nool leh ee wali aan qalbiga, iyo jirkaba ka dhiman. Ugu danbeyn waxaan ku baaqayaa in la sameeyo xarun dawli ah oo aruurisa xadgudubyada dagaalka, kuwa kufsiga, kuwa dhaca, kuwa dilka, iyo hanjabaadaha intaba. Waxaan kaloon ku baaqayaa in la furo xafiiska arimaha bulshada PUBLIC OFFICE, loona magacaabo hawlwadeeno iyo sharciyaqaano ay dadku u soo gudbiyaan wax kasta oo ay tabanayaan oo xadgudub ah, iyo dhib kasta oo noloshooda ku taxluuuqa. Waxaan leeyahay dumarku bulsho walba dhexdooda waxay ku leeyihiin sharaf iyo mudnaan lama taabtaan ah oo haddii lagu xadgudbo ay ka dhacaan dagaalo lagu hoobto ayadoo la difaacayo sharafta bulshadaas oo ay haweenku huwan yihiin. Waxaad ogtihiin in Nabigu, csw uu Madiina yuhuudii ugaga saaray xadgudub uu nin Yahuudi ah uu gabar muslimad ah kula kacay, ka dib markii uu cawradeeda fayday, ayey gabadhii muslimada ahayd qaylisay oo tiri yaa Muslimiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin, ka dib waxaa meesha ka dhawaa nin asxaabi ah, ninkii asxaabigaa aha aayaa ninkii yahuudka ahaa aqoorta ka jaray ileyn waa nin raga oo nool, oo damiir leh, oo aan u dulqaadan karin in gabar walaashiis ah ay kuwa duli ahi ku saqajaamaan, ayaguna inta iskugu soo rogmaden ayeye dileen oo uu sharaf ku shahiiday, sharafna u soo jiiday dhammaan islaamkii oo dhan, gabdhii msulimada ahaydna au ogaatay qiimaha ay leedahay iyo inay tahay qofka dunida ugu sharafta badan maadaama nafta la jecel yahay darteed loo haligay, sharafteedana laga hor mariyey in ay intii ay aduunka dusheeda ku ciishoon lahayd darteed loo dhinto oo adduunkaan la jecel yaahy loogaga tago, sidaas ayaa Madiina looga raray Yahuud. Waxaad kalood taariikhda Islaamka ku aqrisateen markii Hindiya Islaamku qabsanayey casrigii UMMAWIYIIHNA in ay arintaasi timid ka dib markii gabar Muslimad ah oo ganacsato ah lagu dhibaateeyey, ka dibna ay ciidamdii Islaamku ay duulaan ku qaadeen halkaas oo ay boqoradii Hindiya ku qabsadeen Islaamkuna halkaas ku gaaray sidaas, Waad ogtihiin Bariga dhexe iyo inta ay Hindiya isku jiraan, IYADOO WAQTIGAAS AY CAASIMADDA iSLAAMKU AY AHAYD Dimashiq ( Suuriya), masaafadaas oo aan gaaadiid dheereeya la wadan ayaa lug inta lagu tagay dadkii gabadhaas Muslimada ah dhibaateeyey lagu soo qabsaday oo saldanadoodii iyo dhulkoodii iyo diimahoodiiba lagu duugay. Intaasi iyo inkale oo badan oo aad og tihiinba waxay muujinayaan Sharafta ay Gabadhu leeyihiin. Waa su´´aale miyeysan hooyadaani ahayn gabar muslimad ah oo Soomaaliyeed? Miyeysan rag lahayn? Miyeysan qof bani aadam ah ahayn?Miyeysan xuquuq lahayn? miyeysan, miyeysan, miyeysan,,,,,,,,,,,,,,,,, Waxaan leeyahay •HAAWEYDA DUMAR WAA WAXAAN LABA HILMAAMEYNE •WAAD KA HADAL YAREYSAA HADDII UU HALYEEY LUMA E •MARSE HADDII HAWEENKII NA DHALAY HAYBAD LAGA QAADAY •WAX KALOOBA NOO HARAY MA JIRO HAAWAD BAAN NAAHYE •SOOMAALI HANAD WAXAY LAHAYD MAANTA LA HILMAANYE •HOYGEEDI BAA LAGU HILHILAY HOOYO SAAFIYAHE •HADDAYNAAN HALQUDHA NOQON RAGAA LOO HAWINAYAAYE •SOOMAALAAY HAL DIIDAYE MAXAA HOOGA UGU JEESHAY`? •HILINKAAD LAHAYD IYO MAXAA HORUMAR KUU DIIDAY? •HAYBADAADI SHARAFTIYO MAXAA HIILKA KAA QADIYEY? •HORUKACA ADUUNYADA MAXAA KAA HAKIYEY KHEYRKA? •IN HAWEENTU SHARAFTEENA TAHAY AMASE HOYGEENA •OO AY NA SOO WADA HABTOO HOOYO NOO TAHAYBA •AMA AY HU NOO WADA XIDHAN IYO TAHAY HALBEEGEENA •DUMARKEENA INAAN LOO HAWOON HO E MAXAA DIIDAY? •BAL MAXAA RAGEEROOW HALYEEY HANADA LOO WAAYE?

Madaxda W/Waxbarashada Puntland Oo Xooga Saaray Sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa Waxbarashada Haweenka.

Tan iyo markii wasaarada Waxbarashada dowlada Puntland hogaankeeda loo magacaabay Dr. Cabdi Farax Siciid (Juxa) iyo waliba masuuliyiinta kale ee ka hoosaysa, ayaa waxaa isbadal wayn ku yimi guud ahaan waxbarashada Puntland, hadii ay noqon lahayd tayadda aqoonta ardayda Puntland, midaynta manaahijta waxbarashado ee gobolada Puntland, helitaanka waxbarasho heer jaacamadeed oo dibada ah iyo waliba kobcinta garaadka dadka aan awoodin waxbarashada tooska ah waana tan kaliya ee lagu amaani karo madaxda wasaaradaasi. Marka laga soo tago arimahaasi oo idil madaxda wasaarada waxbarashada Puntland waxay xooga saareen labadii sano ee ugu danbeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta gabdhaha ama dumurka iyo waliba waxbarashada Qoyska ,iyadoona lagu tilmaamay gabar wax la baraa in la baray qoys dhan oo jaahil ah ,waxaana arimahaasi oo dhan dhexda u xirtay madaxda iyo waliba quburo dhanka waxbarashada dumarka ku xeel dheer. Kullan la oran karo arimaha looga hadlay way miisaan wayn yihiin oo xitaa waxay taabanayaan waxbarashada gabdhaha iyo muhiida ay qoyska u lee dahay ayaa ka dhacay xarunta wasaarada waxbarashada Puntland,waxaana kasoo qayb gallay madaxda ugu saraysa wasaarada waxbarashada ,Quburo dhanka waxbarashada ku xeel dheer,waalidiin ,macalimiin iyo masuuliyiin kale oo ka socda Hay'ada Sev the chel ,waxaana kullan kaasi looga hadlayay sida kor loogu qaadi karo waxbarashada Gabdhaha iyo waliba qoyska. Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Puntland Mudane Maxamad Cabdiwahaab oo kullanka iyo waliba muhiida waxbarashada dumarka ku dheereeday ayaa sheegay madaxda wasaarada waxbarashada inay ku seexdaan kuna soo toosaan sidii heer muuqda loo gaarsiin lahaa haweenka iyo waliba qoyska ,wuxuna intaasi dabo dhigay wasaarad ahaan inay door lixaad leh ka qaateen kob cinta waxbarashada dumarka iyo waliba heer gaar siintooda. Shirkaani kuma koobka waxbarashada Gabdhaha ,waxaa sidoo kale lagu xoojinayaa sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada qoyska iyo dadka aan awoodi karin dhaqaalaha lagu baxsho,waxaana dhanka kale wacyi galino ballaaran loogu soo jeediyay waalidiinta soomaaliyeed inay dhankooda ka qaataan horumarka waxbarasho. Sanad kasta waxaa kor u kaca waxbarashada dumarka ,iyadoona ay arintaasi qiimayn ballaarani ku sameeyeen qaar ka tirsan madaxda wasaarada waxbarashada,waana arinta ugu muhiimsan maadaama ay kor u kacday waxbarashada Gabdhaha. Faadumo Shugri oo wasaarada waxbarashadda u qaabilsan dhanka Jandarka ama Jinsiga qoyska kana mid ahayd dadkii ka qayb gallay kulankaani oo ay isigu yimaadeen mutacalimiin waxbarasho,waxayna sharaxaad dheer ka bixisay waxbarashada qoyska iyo dumarka, iyadoona waalidiinta ku wacyi galisay inay kor u qaadaan waxbarashada gabdhadooda. Faadumo ayaa sheegay aasaska qoyska inay ku xiran tahay aqoonta lamaana siiba dumarka,waxayna sheegtay hooyo aqoon la'aan ah inaysan waligeed ku aayeen dhalleenkeeda iyadoona arintaasi tusaale ahaan ugu soo qaadatay sida looga baahan yahay waxbarashada gabdhaha in kor loo qaado. Ugu danbayn madaxda wasaarada waxbarashada Puntland ayay ku amaantay qaabka wanaagsan oo ay ugu qayb qaateen sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta dumarka ,waana arinta maanta keentay in guud ahaanba laga hadal hayo Puntland. Dood cilmiyeedkaani oo ay ka hadllaan quburo kala duwan oo waxbarashada ku xeel dheer ayaa farta ku fiiqay inay lama huraan tahay waxbarashada haweenka ,maadaama ay yihiin aas aaska qoys walbiba oo aduunkaani saaran. Wasiir ku xigeenka Wasaarada waxbarashada Dowlada PuntlandMaxamad Maxamuud Idiris oo shirkaani soo xidhay ayaa sheegay dhankiisa inuu ku farax san yahay shirkaani looga hadlayo waxbarashada gabdhaha siiba sidii kor loogu qaadi lahaa hanaankooda horumarineed. Wuxuna sheegay korarka ardayda wax ka dhigata iskuulada %30 inay tahay dumarka waana tan la is oran karo waa arin wanaagsan oo loo baahan yahay inay intaasi ka sii bataan,wuxuna sheegay waxbarsahda inay u siman yihiin wiil iyo gabar basle uu tabar tar adag ka dhaxeeyo oo ku aadan aqoonta. Ugu danbayntii Wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland waxa uu baaq ku diray waalidiinta soomaaliyeed ,wuxuna sheegay in looga baahan yahay waxbarashada iyo ku dadaalistooda dhalaanka inay kor u qaadaan maadaama mustaqbalka dhow ay noqonayaan ubaxii soomaaliya. Madaxda Wasaarada waxbarashada Dowlada Puntland ayaa isku xil qaamay sidii waxbarashada Puntland heer wanaagsan oo loo gaar siin lahaa ,iyadoona xooga saaray sidii dalka soomaaliya gudihiisa loogu saxi lahaa imtixaanaadka shihaadiga ah. Qabsoomidda barnaamijkaani looga hadlayay kor u qaadista waxbarashada haweenka waxaa iska kaashaday Hay'ada QM, u qaabilsan bad baadinta dhallaanka ee Sev the chel iyo Tv-ga caalamiga ah ee HC xaruntiisa Garoowe

Dumarku Waa Calansidaha Ummadda! (Maqaal qiimo badan)

Cadaw ma laha oo Dumarku waa Calansidaha Ummadda Soomaaliyeed. Waa kuwa dhaliya xiriirka ehelnimo iyo isku dhafka bulsho. Waa macallinka afbara ubadka, haddana barbaariya. Waa ilaaliyaha Hantida iyo hab-waanaag Maamulka Qoyska. Waa kalkaaliyaha ragga iyo taakulaynta deriska. Maaraynta hufan, bilicda san iyo baraaraha qoysku gaaro iyagaa dhaliya, haddana ammaanta raggaa isa siiya. Sidatanu xaq-soor bulsho ma ahan ee caddaalad-xumada dumar lagu hayo dib haloogu noqdo Bulshada & Meekhaanka Dumarka  Dumarku waa udub-dhexaadka bulshada Soomaaliyeed. Kala guursashada iyo xididnimada ayaa ummadda isaga dhiga ul iyo diirkeed, iyagaana ammaantaas iska leh. Gabadhu beel way ka dhalataa mid kale way u dhaxdaa ayadaana gunudda xiriirka laba qoys, labo reer iyo labo beelood. Hormuudnimada hooyada waxaa markhaati cad u ah inay jiraan beelo ku abtirsada magacii hooyadood, haddana beel kale kasoo jeedday. Isir-wadaaggu ma dhinto oo muddo dheer buu soo taxnaadaa, wax badan ayaana laysugu taraa. Abaalka dumar bulshada u galo ma loo tixgeliyaa? Dumarka & Halgankii Xornimo doonka Dumarku xubno kuma lahayn dhallinyaradii 13kii SYL oo Hoggaanka u hayey gobonimadoonkii lagu guulaystay, haddana halgankoodu halkaas kama maqnayn. Xilqaadnimada iyo xaas-walwaalidnimada qoyska ka sokow, Qayb libaax baa dumarku ka qaateen halganka gobonima doonka oo qaatay muddo 17 Sano. Dhiiggoodii, waqtigoodii iyo hantidoodii bay u hureen waana dhaliyeen goolkii xornimada. Haddii dumar halgankaas ka maqnaan lahaa, haddii abaabulkooda iyo mashxaraddoodu goleyaasha SYL ka jiri lahayn, haddii caraadintooda iyo taakulayntoodu ay gaabin lahayd, gobanimadooniddu ma laxaadsateen. Libinta gobanimada lagu dhaliyy rag gaar uma ahay ee waa la wadaagay ee sidaas maloo qeexay? Xornimaa la qaatay, dumarkuna waa u mashxaradeen waana bogaadiyeen. Waxaa ku filnaatay halgankoodii inuu mirodhalay. Maxaa loogu abaal-guday? Ma la qiray dumar wuxuu galo iyo wuxuu gudo? Dadaalkoodii mala qiimeeyey? Xubintii maamulka dawladnimo ay xaqa u yeesheen mala siiyey? Nafti-hurenimadoodii mala taariikheeyey? Siiba Gobollada Koofureed, dumarku waa dadka barkiise, haddayna ka badnayn, ee miyaa taas la inkiri karaa? Cadkii Dumar lahaa waa la saabiley oo waxaa la siiyey broo-talyan. Gorgortan gumaystuhu la yimid baa keentay in jaalkoodii meelo lagu gufeeyo, dawladda Talyaaniguna ay kabto dawladda dalaandalka ah ee Soomaaliyeed. Dawladnimadii la qaatay dumar waa ku hungoobay, Iyaguna uma codayn ragna wax uma garan. Tagta daayo timaadda qabo, baa hal kudhagga raggu noqday. Caddaalad sugiddii dawladeed alif bay ka xumaatay, dibna looma sixin…! Hadda goori goor ma tahay in xaqa la sugo? Rag Keliyuhu Caddaalad Ma Dhalin Karaa? Siiba Gobollada Koofureed, kaalintii dumar soo cayaaray iyo mirihii dawladnimada ay ku yeesheen rag baa wada qaybsaday. Raggii shalay xornimada hortaagnaa oo gumaysi kalkaale ahaa baa ka sokemaray kuwii mudanka u lahaa inay maamulka dawladeed ka qayb-qaataan. Kuwii Shalay horseedka xornimo-doonka dhabarka ka tumaatiyi jirey baa loo dhiibay kafaddii caddaaladda. Dumar waa quustay waana iska qaanacay. War maxay ku dambayn ba dumar halqabsi u noqotay ilaa maantada aynu joogno. Dumarka & Kacaankii 21dii Aktoobar  Dawlad Kacaan ah baa dalka ka dhalatay, waxayna qaadatay nadaamka hantiwadaagga, kaasoo fara sinaanta dabaqadda bulshada. Waa’ cusub baa durmarka u baryey, waana lasoo dhaweeyey, siiba xagga xaq-sooridda, shaqo-siinta iyo tixgelinta guudba. Hase yeeshee, dib looma taariikhayn doorkii firfircoonaa ee dumar gobanimaddoonka kasoo qaatay. Soo dhaweynta iyo horumarka dumar helay rag uma wada riyaaqin, hase yeeshee seefta kacaanu af bay lahayd. “Ishii bugtoy ku bikaacso,” baa dumar halhays ka dhigteen. Bulsho Kabidda Dumarka Aabuhu dhalmada wiilka habayn qura ayuu ku leeyaha, korniimadiisana waa ka qayb-qaataan ilaa wiilku isku filnaansho gaaro. Wiil kasta oo ku dhinta geeri aan garawsho ahayn, hooyadu waa ka murugootaa cid kastaba haka dhashee; kii ay dhashay ama ehel u ahaydna waa u baroordiiqdaa ilaa ay god ka gasho. Burcad buu noqday oo hanti buu soo ruqsaday, aabbuhu waa u riyaaqaa oo wiilkaygu waa “dirac” bu ku ammaanaa, hooyana waa ka walwashaa oo waxay tiraahdaa war maxaa ka dambayn. Wixii ka dambeeyey burburkii iyo barakicii soo jiitamayey1990 ilaa maantada aynu joogno, kalkaalinta iyo babbaanita bulshada dumar baa ragga uga taagroon oo ka qaata door lixaad leh.  Ehelka iyagaa isu keenaa, haddana soo taakuleeya iyadoon abtirsi dhib loo raacin. Siiba dumarka qurba joogta ahu waxay quudiyaan inta nugulk ah oo dalka ku hartay. Waa naas irmaan oo buuxiya doorkii dawladu lahaan jirtey. Siiba Gobollda Koofureed, inta dumar xusluduubka ugu jirey siday danyarta u gargaari lahaayeen, raggu beentookhid iyo kala jiidasho weel maran bay qarni barkiis ku lumiyeen, welina xal nabad dhaliya gacanta kuma hayaan…! Dumar iyo Daacadnimo Maamulka dawladnimo karti iyo daacadnimo ayuu ku tanaadaa, kaalintaasna dumar baa kasoo dhalaali kara. Daacadnimo rag hoodo uma aha ee dumar baa ehel u ah. Dumarku fagaare la buuxo been kama sheego, dadb colaadeedna ma huriyaan. Dumarku ma laayo kumanyaal wiil oo aan weli curan si uu darajo u gaaro. Dumarku uma hanqaltaago waxayna lahayn, mana xadaan hantida ummadda ka dhexaysa. Waa lasoo arkay kumanyaal rag ah oo lagu soo eedeeyey laguna xiry xatooyo xoolo dadweye, haddaana lama heli karo qof dumar ah oo tuugonimadaas lagu xanto. Inta raggu ku faano, dumarku waa ka xishoodaan. “Waxaadan lahayn ku mintid, wax kugu filan baad heli doontaaye,” waa loollan xadgudub ah oo ragga ku gaar ah, dumarnkuna ka fiyow yahay. Maamulka dawladnimo ee dumarku hoggaamiyo, haddana ku tanaaday nabadayn iyo horumar bushadeed waxaa markhaati cad u ah haweenka reer Ruwaanda. 1994tii xasuuqii beelaha Ruwaanda ka dhacay Soomaali masoo main mana soo mari doonto. Dhacdadaas wixii ka dambeeyey, dumar baa xilkii dalka la wareegay, waayo raggiiba geeri bay u bateen. Sida Gobollada Koofureed, Ruwaanda dumarka ayaa ragga ka badan, iyagaana gacaat ku haya nabadda iyo horumarka dalkoodu gaaray. Boqolkiiba toddobaatan iyagaa barlamaanka u badan, inta badanna, shaqo kasta oo Ruwaanda ka socota dumar baa maareeya. Wax kale iska daaye, ciidan baa Ruwaanda noo soo dirtaa na kala ilaaliya si aanaan isu-layn. Dumarka Ruwaanda kama qiiro iyo tayo badna kuwa Soomaaliyeed ee baraarugsanaanta iyo is-xilqaamidda ayaa laysku dhaafay. Hala soo booqdo hana loo kuurgalo wacdaraha dumarkaasu dalkooda ay ka sameeyeen. Tanu waa yaabe…! War dadkayaga ayaa nolosha looga samraa? “Nin buka boqol u tali” bay Gobollda Koofureed maanta ku sugan yihiin. Wadaad iyo waranle wax kordhinwaaye, waddankuna waa naga dhexeeyaa. Dumarku ha faaqidaan waxa nabadda hortaagan, hana ogaadaan meesha ay xididdada ku hayso. Hala baadi goobo danta laga leeyahay xasarad abuurka ka taagan deegaamadaas. Dumar & Dawladnimo Nolosha miyyi loo eego, dhacdada reerka iyo tan dhexamarta bulshadaba waa door rageed, iyagaana horbooda meelmarinta arrimahaas, waxaana kamid ah kara: Colaad dhalinta, duulaan dumidda, shirka iyo wadaxaajoodka, garqaadidda, xaalbixinta, nabadcurinta, iyo diyo bixintaba. Waxaa kaloo kamid ah: Ceelqodidda, soo dhaaminta, sahaminta, sumadaynta xoolaha, gudidda wiilasha, u xoologoynta ehelka, gabdho-bixinta iyo sooryo qaadashada, guurka iyo yaradbixinta wiilasha, martisoorka socotada, iibka iyo ganacsiga, iwm. Inta badan dumarku hawlahaas waa ku lifaaqan yihiin oo waa ka qaybqaataan, hase yeeshee cod buuran kuma laha. Xaqiiqadu waa tan: Maamulka qoyska iyo maaraynta reerka dumarka ayaa ku xeeldheer, iyagaana ku leh, waana loo ogsoon yahay. Habkii magaalo iyo maamulkii dawladnimo waa la dhalan rogay. Hab-nololeedkii miyyi ka jirey baa hadda raadweyn ku yeeshay noloshii magaalo oo maamulkii dawladanimo rag buu u afduuban yahay. Maamul waa hibo dumar, ha ahaado mid miyyi ama mid magaalo. In nabad lagu noolaado dumarkaa ku leh, haddana lagama qayb-geliyo. In danyarta loo adeego, lana dhiso adeegyada bulshada dumar baa ku leh, haddana lagama talo-geliyo. In daacadnimo iyo dariswanaagnimo bulshadu ku wada nolaato dumar baa ku leh, haddana lama tixgeliyo. Dawlad-curinta iyo maamulkeeda rag saami uguma dhicin ee waa la marooqsaday, dumarkuna kama dabaaqtamin. Dumarku waa inayna ciidda madaxa ku aasan oo ismoodsiin doorkii ku habboonaa oo nabadaynta iyo xasilinta gobollada koofureed ka qaandan lahaayeen. Gunaanad Haddii jiilka da’dhexaadka maanta ah ay nabad iyo dawladnimo dalka curin waayaan, jiilka ka dambeeya oo loo kala turjumi doono, hidde iyo dhaqan-wadaanga ahayn, heshiis iyo is-afgarad  Soomaalinimo lagama sugi doono. Cayninta gobollada koofureed waa arrin u taal dumarka Soomaaliyeed, wax badan bayna qaban karaan, waxaana kamid ah: In Dumar isila tashado, samaysto cod qurah, abuuraan Kayd Dhaqaale iyo barnaamid lagu baadigoobo xasilinta xasaradaha nabad-diidka ee ka aloosan Gobollada Koofureed iyo xal-u-helidda damaca siyaasadeed ee danaysteyaashu isku hardinayaan. In Dumarku curiyo aragti cusub oo xal u noqon karta dibu-heshiisiinta arrimaha siyaasadda ee gobollada Koofureed, iyadoo lagala tashanayo: Waxgaradka bulshada, aqoonyahanka, Culamaa-u-diinta, siyaasiga daacadda ah, samajeclaha ummadda, iwm. Haddi kooxaha is-haya xal nabadeed oggol yihiin haloo kala dabqaado si loo heshiisiiyo xukunka dawlanimana loo qaybsado iyadoon wax la kalajiidan. Geed dheer iyo mid gaabanba dumar ha u fuulaan nabad-raadinta iyo xasilinta deegaamadaas. Haddii taasu socon weydo, dumarku ha samaystaan maamul howl-fulineed oo arursan, isla markaana ha adeegsadaan cid kasta oo ka taakulayn karta, xagga hawl-qabadka, ra’yi bixinta iyo aabaabulka wacyigelinta ummadda. Inay dejiyaan isla markaana fidiyaan aragtidooda ku wajahan nabadaynta Gobollada Koofureed oo qoraalladooda kusoo bandhigaan is-gaarsiinta caalamigaah, sida: BBCda, VOA, Sharqul-Awsad, iyo jaraa’idka ugu cod-dheer dunida inteeda kale, sida: NY Times, Washington Post, Coriere della Sera, Standard iyo Nation, The Inquirer, Al Ahram, iwm. Wufuud xal-doon ah ha u diraan ciddii diyaar u ah qayb-qaadashada xasilinta Gobollada Koofureed, ha ahaato xag wadatashi, xag taakulayn, xag u codayn talo nabadda dhalin karta. Ha lala kulmo kooxaha iska soo horjeeda oo isku haya xukunkun kala-jiidashada. In talo iyo dhedhexaadinba laga doono walaalahooda Puntland iyo Somaliland. In    looga sii gudbo la tashiga iyo xal u helidda ciddii diyaar u ah soo dhaweynta iyo u hambalyaynta dumarka, sida: African Unity, IGAD, UNka, Arab League, Islamic Organization, Barlamaanka ECda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykaanka, Barlamaanka Hoose ee Maraykanka, Vatican, iwm. Inay ku kalsoonaadaan dadaadkooda isla markaana u samraan, kana tallaabsadaan hagardaamooyinka iyo jid-gooyada loo dhigi doono. In Dumarku baadi goobaan sidii kaalmo dhaqaale loogu fidin lahaa dibu-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha ee Gobollada Koofureed oo nabaddu ka jirto si rajada dadku usoo noqoto shaqana loo helo.

Dumarku Waa Calansidaha Ummadda! (Maqaal qiimo badan)

Cadaw ma laha oo Dumarku waa Calansidaha Ummadda Soomaaliyeed. Waa kuwa dhaliya xiriirka ehelnimo iyo isku dhafka bulsho. Waa macallinka afbara ubadka, haddana barbaariya. Waa ilaaliyaha Hantida iyo hab-waanaag Maamulka Qoyska.

Waa kalkaaliyaha ragga iyo taakulaynta deriska. Maaraynta hufan, bilicda san iyo baraaraha qoysku gaaro iyagaa dhaliya, haddana ammaanta raggaa isa siiya. Sidatanu xaq-soor bulsho ma ahan ee caddaalad-xumada dumar lagu hayo dib haloogu noqdo

Bulshada & Meekhaanka Dumarka 

Dumarku waa udub-dhexaadka bulshada Soomaaliyeed. Kala guursashada iyo xididnimada ayaa ummadda isaga dhiga ul iyo diirkeed, iyagaana ammaantaas iska leh. Gabadhu beel way ka dhalataa mid kale way u dhaxdaa ayadaana gunudda xiriirka laba qoys, labo reer iyo labo beelood.

Hormuudnimada hooyada waxaa markhaati cad u ah inay jiraan beelo ku abtirsada magacii hooyadood, haddana beel kale kasoo jeedday. Isir-wadaaggu ma dhinto oo muddo dheer buu soo taxnaadaa, wax badan ayaana laysugu taraa. Abaalka dumar bulshada u galo ma loo tixgeliyaa?

Dumarka & Halgankii Xornimo doonka

Dumarku xubno kuma lahayn dhallinyaradii 13kii SYL oo Hoggaanka u hayey gobonimadoonkii lagu guulaystay, haddana halgankoodu halkaas kama maqnayn. Xilqaadnimada iyo xaas-walwaalidnimada qoyska ka sokow, Qayb libaax baa dumarku ka qaateen halganka gobonima doonka oo qaatay muddo 17 Sano. Dhiiggoodii, waqtigoodii iyo hantidoodii bay u hureen waana dhaliyeen goolkii xornimada. Haddii dumar halgankaas ka maqnaan lahaa, haddii abaabulkooda iyo mashxaraddoodu goleyaasha SYL ka jiri lahayn, haddii caraadintooda iyo taakulayntoodu ay gaabin lahayd, gobanimadooniddu ma laxaadsateen. Libinta gobanimada lagu dhaliyy rag gaar uma ahay ee waa la wadaagay ee sidaas maloo qeexay?

Xornimaa la qaatay, dumarkuna waa u mashxaradeen waana bogaadiyeen. Waxaa ku filnaatay halgankoodii inuu mirodhalay. Maxaa loogu abaal-guday? Ma la qiray dumar wuxuu galo iyo wuxuu gudo? Dadaalkoodii mala qiimeeyey? Xubintii maamulka dawladnimo ay xaqa u yeesheen mala siiyey? Nafti-hurenimadoodii mala taariikheeyey?

Siiba Gobollada Koofureed, dumarku waa dadka barkiise, haddayna ka badnayn, ee miyaa taas la inkiri karaa? Cadkii Dumar lahaa waa la saabiley oo waxaa la siiyey broo-talyan. Gorgortan gumaystuhu la yimid baa keentay in jaalkoodii meelo lagu gufeeyo, dawladda Talyaaniguna ay kabto dawladda dalaandalka ah ee Soomaaliyeed. Dawladnimadii la qaatay dumar waa ku hungoobay, Iyaguna uma codayn ragna wax uma garan. Tagta daayo timaadda qabo, baa hal kudhagga raggu noqday. Caddaalad sugiddii dawladeed alif bay ka xumaatay, dibna looma sixin…! Hadda goori goor ma tahay in xaqa la sugo?

Rag Keliyuhu Caddaalad Ma Dhalin Karaa?

Siiba Gobollada Koofureed, kaalintii dumar soo cayaaray iyo mirihii dawladnimada ay ku yeesheen rag baa wada qaybsaday. Raggii shalay xornimada hortaagnaa oo gumaysi kalkaale ahaa baa ka sokemaray kuwii mudanka u lahaa inay maamulka dawladeed ka qayb-qaataan. Kuwii Shalay horseedka xornimo-doonka dhabarka ka tumaatiyi jirey baa loo dhiibay kafaddii caddaaladda. Dumar waa quustay waana iska qaanacay. War maxay ku dambayn ba dumar halqabsi u noqotay ilaa maantada aynu joogno.

Dumarka & Kacaankii 21dii Aktoobar 

Dawlad Kacaan ah baa dalka ka dhalatay, waxayna qaadatay nadaamka hantiwadaagga, kaasoo fara sinaanta dabaqadda bulshada. Waa’ cusub baa durmarka u baryey, waana lasoo dhaweeyey, siiba xagga xaq-sooridda, shaqo-siinta iyo tixgelinta guudba. Hase yeeshee, dib looma taariikhayn doorkii firfircoonaa ee dumar gobanimaddoonka kasoo qaatay. Soo dhaweynta iyo horumarka dumar helay rag uma wada riyaaqin, hase yeeshee seefta kacaanu af bay lahayd. “Ishii bugtoy ku bikaacso,” baa dumar halhays ka dhigteen.

Bulsho Kabidda Dumarka

Aabuhu dhalmada wiilka habayn qura ayuu ku leeyaha, korniimadiisana waa ka qayb-qaataan ilaa wiilku isku filnaansho gaaro. Wiil kasta oo ku dhinta geeri aan garawsho ahayn, hooyadu waa ka murugootaa cid kastaba haka dhashee; kii ay dhashay ama ehel u ahaydna waa u baroordiiqdaa ilaa ay god ka gasho. Burcad buu noqday oo hanti buu soo ruqsaday, aabbuhu waa u riyaaqaa oo wiilkaygu waa “dirac” bu ku ammaanaa, hooyana waa ka walwashaa oo waxay tiraahdaa war maxaa ka dambayn.

Wixii ka dambeeyey burburkii iyo barakicii soo jiitamayey1990 ilaa maantada aynu joogno, kalkaalinta iyo babbaanita bulshada dumar baa ragga uga taagroon oo ka qaata door lixaad leh.  Ehelka iyagaa isu keenaa, haddana soo taakuleeya iyadoon abtirsi dhib loo raacin. Siiba dumarka qurba joogta ahu waxay quudiyaan inta nugulk ah oo dalka ku hartay. Waa naas irmaan oo buuxiya doorkii dawladu lahaan jirtey. Siiba Gobollda Koofureed, inta dumar xusluduubka ugu jirey siday danyarta u gargaari lahaayeen, raggu beentookhid iyo kala jiidasho weel maran bay qarni barkiis ku lumiyeen, welina xal nabad dhaliya gacanta kuma hayaan…!

Dumar iyo Daacadnimo

Maamulka dawladnimo karti iyo daacadnimo ayuu ku tanaadaa, kaalintaasna dumar baa kasoo dhalaali kara. Daacadnimo rag hoodo uma aha ee dumar baa ehel u ah. Dumarku fagaare la buuxo been kama sheego, dadb colaadeedna ma huriyaan. Dumarku ma laayo kumanyaal wiil oo aan weli curan si uu darajo u gaaro.

Dumarku uma hanqaltaago waxayna lahayn, mana xadaan hantida ummadda ka dhexaysa. Waa lasoo arkay kumanyaal rag ah oo lagu soo eedeeyey laguna xiry xatooyo xoolo dadweye, haddaana lama heli karo qof dumar ah oo tuugonimadaas lagu xanto. Inta raggu ku faano, dumarku waa ka xishoodaan. “Waxaadan lahayn ku mintid, wax kugu filan baad heli doontaaye,” waa loollan xadgudub ah oo ragga ku gaar ah, dumarnkuna ka fiyow yahay.

Maamulka dawladnimo ee dumarku hoggaamiyo, haddana ku tanaaday nabadayn iyo horumar bushadeed waxaa markhaati cad u ah haweenka reer Ruwaanda. 1994tii xasuuqii beelaha Ruwaanda ka dhacay Soomaali masoo main mana soo mari doonto. Dhacdadaas wixii ka dambeeyey, dumar baa xilkii dalka la wareegay, waayo raggiiba geeri bay u bateen. Sida Gobollada Koofureed, Ruwaanda dumarka ayaa ragga ka badan, iyagaana gacaat ku haya nabadda iyo horumarka dalkoodu gaaray.

Boqolkiiba toddobaatan iyagaa barlamaanka u badan, inta badanna, shaqo kasta oo Ruwaanda ka socota dumar baa maareeya. Wax kale iska daaye, ciidan baa Ruwaanda noo soo dirtaa na kala ilaaliya si aanaan isu-layn. Dumarka Ruwaanda kama qiiro iyo tayo badna kuwa Soomaaliyeed ee baraarugsanaanta iyo is-xilqaamidda ayaa laysku dhaafay. Hala soo booqdo hana loo kuurgalo wacdaraha dumarkaasu dalkooda ay ka sameeyeen. Tanu waa yaabe…! War dadkayaga ayaa nolosha looga samraa?

“Nin buka boqol u tali” bay Gobollda Koofureed maanta ku sugan yihiin. Wadaad iyo waranle wax kordhinwaaye, waddankuna waa naga dhexeeyaa. Dumarku ha faaqidaan waxa nabadda hortaagan, hana ogaadaan meesha ay xididdada ku hayso. Hala baadi goobo danta laga leeyahay xasarad abuurka ka taagan deegaamadaas.

Dumar & Dawladnimo

Nolosha miyyi loo eego, dhacdada reerka iyo tan dhexamarta bulshadaba waa door rageed, iyagaana horbooda meelmarinta arrimahaas, waxaana kamid ah kara: Colaad dhalinta, duulaan dumidda, shirka iyo wadaxaajoodka, garqaadidda, xaalbixinta, nabadcurinta, iyo diyo bixintaba. Waxaa kaloo kamid ah: Ceelqodidda, soo dhaaminta, sahaminta, sumadaynta xoolaha, gudidda wiilasha, u xoologoynta ehelka, gabdho-bixinta iyo sooryo qaadashada, guurka iyo yaradbixinta wiilasha, martisoorka socotada, iibka iyo ganacsiga, iwm. Inta badan dumarku hawlahaas waa ku lifaaqan yihiin oo waa ka qaybqaataan, hase yeeshee cod buuran kuma laha. Xaqiiqadu waa tan: Maamulka qoyska iyo maaraynta reerka dumarka ayaa ku xeeldheer, iyagaana ku leh, waana loo ogsoon yahay.

Habkii magaalo iyo maamulkii dawladnimo waa la dhalan rogay. Hab-nololeedkii miyyi ka jirey baa hadda raadweyn ku yeeshay noloshii magaalo oo maamulkii dawladanimo rag buu u afduuban yahay. Maamul waa hibo dumar, ha ahaado mid miyyi ama mid magaalo. In nabad lagu noolaado dumarkaa ku leh, haddana lagama qayb-geliyo. In danyarta loo adeego, lana dhiso adeegyada bulshada dumar baa ku leh, haddana lagama talo-geliyo. In daacadnimo iyo dariswanaagnimo bulshadu ku wada nolaato dumar baa ku leh, haddana lama tixgeliyo. Dawlad-curinta iyo maamulkeeda rag saami uguma dhicin ee waa la marooqsaday, dumarkuna kama dabaaqtamin. Dumarku waa inayna ciidda madaxa ku aasan oo ismoodsiin doorkii ku habboonaa oo nabadaynta iyo xasilinta gobollada koofureed ka qaandan lahaayeen.

Gunaanad

Haddii jiilka da’dhexaadka maanta ah ay nabad iyo dawladnimo dalka curin waayaan, jiilka ka dambeeya oo loo kala turjumi doono, hidde iyo dhaqan-wadaanga ahayn, heshiis iyo is-afgarad  Soomaalinimo lagama sugi doono. Cayninta gobollada koofureed waa arrin u taal dumarka Soomaaliyeed, wax badan bayna qaban karaan, waxaana kamid ah:

In Dumar isila tashado, samaysto cod qurah, abuuraan Kayd Dhaqaale iyo barnaamid lagu baadigoobo xasilinta xasaradaha nabad-diidka ee ka aloosan Gobollada Koofureed iyo xal-u-helidda damaca siyaasadeed ee danaysteyaashu isku hardinayaan.

In Dumarku curiyo aragti cusub oo xal u noqon karta dibu-heshiisiinta arrimaha siyaasadda ee gobollada Koofureed, iyadoo lagala tashanayo: Waxgaradka bulshada, aqoonyahanka, Culamaa-u-diinta, siyaasiga daacadda ah, samajeclaha ummadda, iwm.

Haddi kooxaha is-haya xal nabadeed oggol yihiin haloo kala dabqaado si loo heshiisiiyo xukunka dawlanimana loo qaybsado iyadoon wax la kalajiidan. Geed dheer iyo mid gaabanba dumar ha u fuulaan nabad-raadinta iyo xasilinta deegaamadaas. Haddii taasu socon weydo, dumarku ha samaystaan maamul howl-fulineed oo arursan, isla markaana ha adeegsadaan cid kasta oo ka taakulayn karta, xagga hawl-qabadka, ra’yi bixinta iyo aabaabulka wacyigelinta ummadda.

Inay dejiyaan isla markaana fidiyaan aragtidooda ku wajahan nabadaynta Gobollada Koofureed oo qoraalladooda kusoo bandhigaan is-gaarsiinta caalamigaah, sida: BBCda, VOA, Sharqul-Awsad, iyo jaraa’idka ugu cod-dheer dunida inteeda kale, sida: NY Times, Washington Post, Coriere della Sera, Standard iyo Nation, The Inquirer, Al Ahram, iwm.

Wufuud xal-doon ah ha u diraan ciddii diyaar u ah qayb-qaadashada xasilinta Gobollada Koofureed, ha ahaato xag wadatashi, xag taakulayn, xag u codayn talo nabadda dhalin karta. Ha lala kulmo kooxaha iska soo horjeeda oo isku haya xukunkun kala-jiidashada. In talo iyo dhedhexaadinba laga doono walaalahooda Puntland iyo Somaliland. In    looga sii gudbo la tashiga iyo xal u helidda ciddii diyaar u ah soo dhaweynta iyo u hambalyaynta dumarka, sida: African Unity, IGAD, UNka, Arab League, Islamic Organization, Barlamaanka ECda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykaanka, Barlamaanka Hoose ee Maraykanka, Vatican, iwm.

Inay ku kalsoonaadaan dadaadkooda isla markaana u samraan, kana tallaabsadaan hagardaamooyinka iyo jid-gooyada loo dhigi doono.

In Dumarku baadi goobaan sidii kaalmo dhaqaale loogu fidin lahaa dibu-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha ee Gobollada Koofureed oo nabaddu ka jirto si rajada dadku usoo noqoto shaqana loo helo.

 

Doorka Muhiimkaa Ee Haweenka Soomaaliyeed Ay Ku Leeyihiin Dhaqaalaha Dalka.

Hadii aynu yara jaleecno taariikhda dhow ee umada soomaaliyeed intii aanay dagaalada iyo dhibaatooyinku ka dhicin guud ahaan dalka soomaaliya dadku waxa ay haysteen hab nololeed kala gadisan oo marka aad eegto isku sar go’an yacni dadka qaarkood waxay ahaayeen Reer Miyi, Reer Magaal, iyo Beeraley. Nolosha dadkaasi waxa ay ahayd mid dagan oo ay ku qanacsan yihiin, balse arintu waxa uu is badalay kadib markii ay ka dhaceen guud ahaan ba dalka dhibaatooyin iyo dagaalo kuwaas oo saamayn weyn ku yeeshay nolosha qoysas badan, isla mar ahaan taana dhaxal siisay haween badan oo bulshadeena ka tirsan in ay ka tagaan noloshoodii hore, iyagoona bilaabay In ay door muhiima ka qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka.

Haweenkan ayaa dhamaantood waxa ay u is taageen in ay daboolaan baahiyaha qoysaskooda inta ay dhexda marada iskaga xidhaan ayaa waxa ay la yimaadeen dadaal dheeri ah, iayagoona u is taagay sidii ay kusoo saari lahaayeen quutul daruuriga yaw miga ah ee qoysaskooda. Hadaba inta loo yaqaano Murug maalka ama waxa lagu yidhaahdo afka qalaad (Working Class) waxa ay ubadan yihiin haween, hadii aynu tusaale soo qaadano waxaa kamid ah:- Haweenka Iibiya Jaadka ama Qaadka, Khudrada, Caanaha, Hilibka, Dhuxusha, Bacad layaasha, iyo waliba kuwa haysta Dukaamada yar-yar ee ku dhex yaal xaafadaha.

Taasina waxay muujinaysaa in haweenka soomaaliyeed ay noqdeen qaar daboola ama dabara baahiyaha qoysaskooda waxaana xusid mudan in haweenkaasi dhamaantood ay soo mareen marxalado kala duwan intii ay kusoo dhex jireen bahda muruq maalka, iyadoona taasi ay jirto ayaa hadana waxay ka qayb qaataan Nabada iyo Horumarka dalka. Waxa kale oo ay ka qayb laxaad leh ka qaataan korinta iyo kobcinta ubadkooda oo ay la jecel yihiin in ay helaan waxbarasho taya leh iyo nidaam sax ah.

Haweenka oo dhib welba maraya ayey jecel yihiin in ay kusoo kordhiyaan bulshada awlaad taya leh oo bertoole noqota kuwii mustaqbalka dalka si sax ah uga qayb qaadan lahaa. Hadaba taariikhda cusub ee soomaalida maanta ayaa ka badalan tii hore, iyadoona ay jiraan dhibaatooyin iyo bur bur weyn oo saameeyey idil ahaan ba dalka, isla mar kaasna noloshu ay noqotay mid aad u adag oo ka duwan tee hore.

Hadaba hadii aad wax ka weydiiso haweenka soomaaliyeed ee ah muruq maalka waxa ku kalifay in ay u dhabar adaygaan dhibaata kastana oo la soo darista xiliyada ay ku jiraan maxalada quutul daruuri saadiska ah ee muruq maalka waxa ay kuugu jawaabayaan ” Ma jirto meel kale oo aan ciir sano dhibaata kasta oo nagu dhacda waa inaan u dul qaadanayaa maadaama aanu haysan meel kale amaba aysan jirin cid kale oo aan isku halay nayno”…

Hadaba akhtiristow iyadoo taasi jirto ayaa hadana marwalba haweenka soomaaliyeed ay udhabar adaygaan masuuliyada saaran waxayna markasta isku dayaan in ay kor u qaadaan dadaalkooda ku waajahan wakhtigan haatan lagu guda jiro.

Waxaad arkaysaa mararka qaadkood in haweenka soomaaliyeed ay Maamul Goboleedada ka jira gudaha dalka soomaliya in ay qayb ka qaateen haweenku siyaasada iyo horumarka dalka, iyagoona ka dhex muuqda golayaasha kala duwan ee siyaasada.     Haweenka soomaaliyeed ee maanta waa kuwo dadaal xoogan ugu jira siday uga mid noqon lahaayeen bulshooyinka la yaqayaan ee dunida maanta ka jira, mar walbana waxa ay xooga saaraan in ay noqodaan kuwa lagu daydo oo daboola baahi kasta oo ka jirta dalka. Waxaad arkaysaa qoysas badan oo debada ay u jiraan Rag iyo Haween balse hadana markasta ay haweenku yihiin kuwo u dabac san qoysaskooda oo ka fakara baahiyaha jira iyo sida ay u maarayn lahaayeen.

Haweenka soomaaliyeed ee maanta jooga qaarkood waxay hogaan ka yihiin ganacsiga soomaalida iyo fulinta mashaariic midha dhal ah oo ay dalka ka fuliyaan. Hadaba waxaa la odhan karaa haweenka maanta jooga waxay door muhiima ka qaateen horumarka dalka oo halyey walba oo dadka wax u qabtaaba dalka hooyo ayaa dhashay.

Horumarkasta oo ay gaadhaan raguna waxaa sabab u ah haween hore ayuu u yidhi abwaan soomaaliyeed “Hadaan aqalku dayr lahayd ogow daadkaa u gala, hadaan ragu dumar lahayd ogow dib jir buu noqon lahaa”…

Waxaa midhahaasi uu abwaan ku tiriyey ka muuqda in dunidu ay tahay mid ku dhisan laba dhinac ama Lab iyo Dhag. Horumarkasta oo uu halyey kastaaba gaadhaa hooyo ayaa horseed u ah. taasina waxay ina tusaysaa in haweenku ay yihiin laf dhabarta dhaqaalaha dalka.

Wasiirada Haweenka Soomaaliya Oo Shaqo Siisay Gabdho La Nool Cudurka AIDS-Ka.

Wasiirada Horumarinta Haweenka iyo xuquuqda aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye oo kulan la qaadatay qaar ka mid ah haweenka la nool cudurka AIDS-ka iyo Gudiga ka hortaga AIDS-ka ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoo ujeedka kulankan uu ahaa sidii dadka la nool cudurkaas ay u heli lahaayeen xuquuqdooda.

Wasiirad Khadiijo ayaa shaqaaleysay labo gabdhood oo la nool cudurka AIDS-ka, waxaana ay sheegtay in dadka la nool cudurkan ay muhiim tahay in aan bulshada laga takoorin, isla markaana bulshada laga wacyi geliyo sidii ay ula noolaan lahaayeen.

“Annaga ka Wasaarad ahaan waan garab istaagaynaa, waana ka warqabaynaa, sida dadka kale ee ay xaquuqda u helaan ayay dadka xanuunka la nool ay xaq ugu leeyihiin, waxaana ku baraarujinayaa dadka la nool xanuunka cudurkan inaysan qarsan, dowladduna waxa ay u taagantahay inay wax u qabato bulshada” ayay tiri Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Wasiirad Khadiijo ayaa tan iyo markii loo magacaabay xilka Wasaarada Haweenka iyo xuquuqul Insaanka, waxay waday dadaalo ay ku dar dar gelineysay howlaha wasaarada, iyadoo balan qaaday inay horumarineyso haweenka Soomaaliyeed.

Tallaabaddan ay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ku shaqaaleysiisay labada gabdhood ee ka mid ah dumarka la nool xanuunka AIDS-ka ayaa waxa ay dhiira gelin u noqoneysaa dadka la nool cudurkaasi si aysan bulshada uga takoornaanin.

Wasiirka Haweenka Oo Ka Warbixisay Qorshaha Wasaaradda Ee Sanadka 2014.

Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka ayaa ka warbixisay qorshaha u degsan wasaaradda sanadkan iyo u diyaargarowga xuska maalinta haweenka aduunka ee 8 Marso.

Wasiirka Haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo la hadashay idaacada afka dowladda ku hadasha ee Radio Muqdisho ayaa ka warbixisay qorshaha wasaaradda ee sanadka 2014, iyadoo tibaaxday in qorshahaasi uu salka ku hayo barnaamijka xukuumadda ee R/wasaare C/weli uu la hortagay Baarlamanka.

Marwo Khadiijo oo hadalkeeda sii wadata ayaa hoosta ka xariiqday in lagama maarmaan ay tahay in siyaasad Qaran loo dejiyo arrimaha haweenka si loo yareeyobeey tiri xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda Aadanaha.

“Jamhuuriyadda Soomaaliya waxeey dhaxashay shuruuc lagu ilaaliyo xuquuqda aadanaha, Diinta Islaamkuna si weyn ayeey u ilaalisay xuquuqul Insaanka, dastuurka dalka u yaalana sidaasi si la mid ah ayuu u ilaalinayaa xuquuqda aadanaha, weyna ka go’antahay dowladda iney horumariso ilaalinta xuquuqda aadanaha” ayeey tiri wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye.

Dhanka kale wasiirka ayaa tilmaantay iney wasaaraddu diyaar garow ballaaran ugu jirto xuska maalinta haweenka Adduunka ee 8 Marso,  iyadoo xustay in uu meel wanaagsan marayo qaban qaabada xuska maalinta haweenka.

 

Warqado Lagu Daadiyay Dariiqyada Muqdisho Oo Hadalo Haweenka Ka Argagaxeen Lagu Qoray.

Kooxda Alshabaab ayaa la soo baxday dhaqan cabsi-gelin ah oo qaabka Maafiyadda oo kale ay u dhaqmaan,kadib markii Dariiqyadda Muqdisho ay ku soo daadiyeen Warqaddo ay Haweenka uga digayaan inay dilayaan hadii ay shaah ka  iibiyeen Ciidamadda Dawladda Federaalka ee biibitooyinka Shaaha ka caba.

Degmooyinka Heliwaa iyo Xamarweyne ayaa lagu arkay warqadahan iyadoo Haweenka Degmooyinkaas degan ay cabsi la soo deristay,waxayna saacadihii ugu dambaysay joojiyeen inay Shaah ka iibiyeen Ciidamadda Dawladda Federaalka.

Arntan cabsi-gelinta ayaa ku soo aadaysa xili Alshabaab ay la wareegeen inta badan Degmadda Heliwaa oo hadda noqotay saldhiga ugu weyne ee Kooxdaas,waana Degmadda lagu soo daadiyay Warqadahan Haweenka looga digayo Shaah inaysan ka iibin Ciidamada Dawladda Federaalka.

Ururka haweenka ayaa sheegay inaysan cabsi galin doonin hagardaama kooxda al shabaab ku hayaan haweenka soomaaliyeed ayna shaqadooda sii wadan doonaan.

womens-day-mogadishu-340_227 Marking International Women’s Day, Somali women organised mass marches, meetings and festivities throughout the country to celebrate the achievement of women and to demand more rights and greater representation in government, civil society and business.