Xubnaha beesha Caalamka oo war ka soo saaray doorashada Soomaaliya

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa ka hadlay doorashadii ka dhacday degaannada Hir-Shabeelle ee lagu doortay Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle, Madaxweyne, Madaxweyne kuxigeen iyo sidoo kale doorashada Guud ee Soomalaiya.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay inay si dhow ula Shaqeyn doonaan Madaxweynaha dooran ee Maaamulka Hir-Shabeelle, kana taageerayaan dhinaca amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Dhinaca kale Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada Soomaaliya ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo jawiga wadar-oggolka ee horseeday heshiisyo la gaaray intii lagu guda jiray wadatashiyadii u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Maamul Goboleedyada ee ka kala dhacay Magaalooyinka Dhusamareeb iyo Muqdisho.

Warka ka soo baxay Xubnaha beesha Caalamka ee Soomaaliya Taageera waxaa lagu sheegay in Saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya ay si dhow ula socdeen dhisiddii golaha baarlamaanka labaad ee Maamul Goboleedka Hirshabelle, doorashadii madaxweynaha ee dhowaan ka dhacday Jowhar iyo u diyaargarowga socda ee loogu jiro doorashooyinka federaalka Soomaaliya.

waxayna ku hanweyn yihiin in Madaxweynaha Hirshabelle ee dhowaan la doortay Cali Guudlaawe ay kala shaqeeyaan horumarinta dib u heshiisiinta, isu keenidda dhammaan beeelaha iyo bulshada reer Hirshabelle, la dagaallanka xagjirnimada rabshadaha wata iyo wax ka qabashada arrimaha dowlad-dhisidda iyo dhaqan-dhaqaale ee hortabinta u leh Hirshabelle.

Arrimaha ku saabsan codeynta/doorashada 2020/21 ee heer federaal, waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawiga wadar-oggolka ee horseeday heshiisyadii la gaaray intii lagu guda jiray wadatashiyadii u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Maamul Goboleedyada ee ka kala dhacay Dhusamareeb iyo Muqdisho,ayna dhiirigalinayaan wadahadal waara oo ku jaan-go’an habka-shaqo ee u degsan Golaha Wadatashiga Qaranka, wadahadalkaas oo lala yeesho saamilayda kale ee muhiimka ah si geedi-socodka doorashada loogu sii ilaaliyo tubtiisa, uuna u noqdo mid loo wada dhanyahay.

Waxay si gaar ah u sii adkeeyeen in xaqiijinta wadar-oggol laga gaaro dhismaha guddiyada maamulka doorashooyinka, oo ay tahay in boqolkiiba 30 ay ku jiraan matalaadda haweenka, xal laga gaaro khilaafaadka ku saabsan sida codbixinta doorashada federaalka uga dhacayso gobolka Gedo iyo [xal u helidda] kuraasta loo qoondeeyey beelaha Somaliland, dhamaan waxay muhiim u yihiin daahfurnaanta, sharciyadda, suurtagalnimada iyo hirgelin doorasho waqtigeeda ku dhacda ee geedi-socodka doorashada.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen madaxda DFS iyo DGXF, guddiyada maamulka doorashooyinka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah inay qaadaan dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo in ugu yaraan boqolkiiba 30 Xildhibaanada iyo Senetarada ka imaanaya beel kasta ay yihiin haween isla markaana doorashadu ku dhacdo waqtigeeda.

Beesha Caalamku waxay sheegtay inay sii wadi doonaan la shaqaynta dhamaan saamilayda Soomaaliyeed si looga doodo hirgelin hufan oo la hirgeliyo doorasho federal ah oo nabdoon, lagu kalsoonyahay oo ay hogaankeeda leeyihiin dadka Soomaaliyeed, taasoo ku salaysan wadar-oggol iyo ballan-qaadyadii uu sameeyay Golaha Wadatashiga Qaranka.

War-saxaafadeedkaan waxaa Wada Jir u soo saaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), wadamada Canada, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Qadar, Sweden, switzerland, Turkey, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.