Xulashada ardayda fasalka 1-aad ee dugsiyada sare oo billaabatay

Waxaa magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru uu shir uga socdaa saraakiisha sar sare ee wasaaradda tacliinta si loo soo xusho ardayda sanadkan ku biiraya fasalka koowaad ee dugsiyada sare.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ay badan tahay tirada ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe marka loo barbardhigo fursadaha ka bannaan dugsiyada sare.

Sidoo kale cudurka COVID-19 ayaa sababay in laga shaqeeyo sidii ardayda ay u kala fogaan lahayeen fasallada dhexdooda si uusan ugu dhex faafin caabuqa corona.

Waxaa uu qorshuhu yahay in arday tiro ahaan gaaraya 1.18 milyan oo sameeyay imtixaanka KCPE-da ay ku biiraan fasalka koowaad ee dugsiyada sare ee wadanka.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.