7 qof oo wadanka si sharci darro ku joogay oo la xiray

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay 7 qof oo soomaali ah oo lagu eedeyay in ay gudaha Kenya ku joogaan qaab sharci darro ah.

Waxaa laga qabtay wadada weyn ee xiriirisa Thika iyo Garissa xilli ay ku soo wajahnaayeen caasimadda dalka ee Nairobi.

Taliyaha booliska ee bartamaha Mwingi Peter Mutuma ayaa sheegay in shakhsiyaadkan ay ka soo safreen Dadaab.

Waxaa hadda lagu hayaa saldhigga booliska ee Mwingi ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.