Al-Shabaab oo toban ruux dil toogasho ah ku fuliyay koofurta Soomaaliya

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa toban ruux ku fuliyay dil toogasho ah deegaano ka tirsan gobolada Bay iyo Jubbada Dhexe.

Degmada Jilib ayaa lagu toogtay shalay shan ruux oo lagu eedeeyay inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka Mareykanka iyo Sirdoonka Ingiriiska.

Shanta Ruux oo ay Al-Shabaab ku toogteen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Sacad Muuse Xaaji Daahir, Cabdow Mad Abow, Cabdulle Cumar Maxamuud & Cabduqaadir Caddaan Xasan.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaal degaanka Buula Fuulay ee gobolka Baay waxaa ay ku toogteen Shan ruux oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeeynayeen Sirdoonka Mareykanka.

Guud ahaan tirada dadka ee ay Alshabaab saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ay dil ku fuliyeen ayaa waxa ay gaareysaa illaa 16 ruux,waxayna u muuqataa in falkan toogashada ah uu jawaab u yahay xukun dil ah oo ay ciidamada maamulka Puntland ku fuliyeen illaa 21 ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Alshabaab.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.