Al-Shabaab oo weeraray fariisin Ciidanka NISA ku leeyihiin duleedka Beledweyne

Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ku leeyihiin deegaanka Ceeljaale ee duleedka dhinaca bari ee magaalada Beledweyne.

Saraakiisha NISA ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab, isla markaana goobta ay soo weerareen ay aheyd bar koontarool oo ciidanka ku hubiyaan dadka iyo gaadiidka soo galaya magaalada Beledweyne.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, inkastoo ay xilli habeen aheyd, ayna adag tahay in la helo warar ka madax banaan dhinacyada dagaalamay.

Hase ahaatee waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare gaaray dhinacyada dagaalamay.

Xaalada goobtii lagu dagaalamay ayaa saaka degan, waxaana socda howlgal ay wadajir u fulinayaan Ciidanka AMISOM iyo kuwa Nabadsugida.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.