Amnesty International oo sheegtay in ay kordheen dilalka sharci darrada

Hay’adda xuquuqul aadanaha ee Amnesty International laanteeda Kenya ayaa warbixin ay soo saartay waxay walaac kaga muujisay dilalka sharci darrada ah ee sare u kacay.

Waxay sidoo kale sheegtay in ay kordheen falalka la xiriira afduubka iyo dadka la waayo ee ay gaystaan ciidamada ammaanka.

Hay’adda ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi iyo abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai ugu baaqday in ay si fagaara ah u cambaareeyaan falalkan.

Dhanka kale koox u ololeysa xuquuqul aadanaha oo lagu magacaabo Missing Voices ayaa sheegtay in ciidamada booliska ay sanadkii 2020-kii keliya dileen ugu yaraan 157 qof oo Kenyaan ah halka 10 kale la waayay ka dib markii la xiray.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.