Aqalka sare oo meel mariyay sharci ah in orodyahanada dalka aynan adeegsan daawooyin caawin karo

Xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay hindise sharciyeed la xiriira shuruucda orotanka.

Waxaa uu sharcigan dhigayaa inay mamnuuc tahay in orodyahanka uu isticmaalo daawooyin ka caawin karo inuu tartanka ku soo baxo.

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa laga sugayaa inuu qalinka ku duugo si loo adeegsado.

Maamulka cayaaraha dunida u qaabilsan ka hor tagga isticmaalka daawooyinka sare u qaada waxqabadka qofka ee (WADA) ayaa horay Kenya uga digay inay ka gaabiso u hoggaansanka shuruucdan.

Kenya ayaa lagula taliyay inay xeer arrinkan ku aaddan ansaxiso ka hor dhammaadka sanadkan.

22-kii bishan ayay ahayd markii golaha qaran ee xeer-dejinta uu ansaxiyay hindise sharciyeedka uu senate-ka meel mariyay.

Waxaa xeerkan ku cad in hadii orodyahanka lagu caddeeyo inuu daawo adeegsaday si uu u guulaysto uu muteysan karo ciqaab ay ka mid tahay in xabsi lagu xukumo.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.