Aqalka sare oo u codeeyay in Nakuru ay noqoto magaalo madax

38 ka mid ah xubnaha aqalka sare ee wadanka ayaa codkooda ku taageeray mooshin sare loogu qaadaya maqaamka Nakuru ee gobolka Rift Valley.

Waxaa arrikan ka soo horjeestay labo senetar.

Warbixintan waxaa aqalka sare hor geeyay guddiga qaabilsan arrimaha dowlad wadaajinta iyo xiriirka ka dhexeya ismaamullada iyo dowladda dhexe.

Qaraarka aqalka sare ayaa la filayaa in loo gudbiyo madaxweyne Uhuru Kenyatta si uu u ansaxiyo oo ayna Nakuru maqaam ahaan la mid noqoto Nairobi, Mombasa iyo Kisumu.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.