Aqalka sare oo yeelanaya kal-fadhi gaar ah oo ku saabsan xilka qaadistii Sonko

Xubnaha aqalka sare ayaa maanta yeelanaya kulan gaar ah oo ku aaddan xilka qaadistii maalmo ka hor lagu sameeyay barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko.

Waxay xubnaha aqalka sare isla meel dhigayaan qaabka loo wajahayo arrinkan.

Sonko ayaa xilka laga xayuubiyay kaddib mooshin ay taageereen 88 wakiil oo ka mid ah 122-ka xubnood ee Nairobi.

Guddoomiyaha ayaa hasa ahaate diiday natiijada ka soo baxday codeynta isagoo xusay in qaab sharci darro ah loo maareeyay.

Ken Lusaka , guddoomiyaha aqalka senate-ka ee dalka ayaa dhawaan sheegay inuu ku dadaali doono in guddoomiyaha Nairobi uu caddaalad helo maadaama ay jiraan tabashooyin uu qabo.

Eedeymaha loo cuskaday xilka qaadista Mike Sonko waxaa ka mid ah hab-dhaqan xumo , inuu awoodiisa ku takriifalay, inuu dastuurka xadgudbay sidoo kalena uu diiday inuu saxiixo 37.2 bilyan oo shilin oo loo qoondeeyay maamulka NMS.

Mooshinka xilka looga qaaday waxaa golaha horgeeyay hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay Michael Ogada .

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.