Baarlamaanka oo lagu amray inuu celiyo 2.7 bilyan oo ay xildhibaanada qaateen

Maxkamadda sare ee dalka ayaa amar ku bixisay in guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC uu dib u soo helo lacag dhan 2.7 bilyan oo shilin oo ay mudanayaasha golaha qaran ee xeer-dejinta gunnooyin ahaan ku qaadanayeen tan iyo sanadkii 2018-kii.

Waxaa go’aanka maxkamadda ku dhawaaqay garsoorayaasha kala ah Pauline Nyamweya , Weldon Korir iyo John Mativo.

Dacwaddan waxaa maxkamadda geeyay guddiga musharaadka iyo gunnooyinka ee SRC oo ka soo horjeeday tallaabadii PSC ay ku ansaxisay in mudane walbo oo bil kasto qaato 250,000 oo gunno ah.

Xaakiinada ayaa isku raacay in PSC aynan go’aankaas u lahayn awood iyo xaq dastuuri ah sidaas awgeedna laga doonayo inay ka shaqeyso sidii dib loogu soo heli laha dhaqaalahaas.

26-kii bilood ee ugu dambeeyay canshuur bixiyaasha wadanka ayaa bil kasta mudanayaasha siinayay 104 milyan oo shilin oo gunnoyin ah.

Maxkamadda ayaa go’aankeeda ku saleysay in guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC uusan tixgelin talo uga timid wasaaradda maaliyadda oo ahayd inuu ansaxin ka helo SRC si dhaqaalahan loo siiyo siyaasiyiinta.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.