Booliska Mombasa oo xiray in ka badan 200 oo ah xubnaha MRC
- 02/12/2020
- Posted by: damal
- Category: Waraka
No Comments

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Mombasa ayaa gacanta ku dhigay ugu yaraan 200 oo qof oo lagu eedeynaya inay ka tirsan yihiin golaha MRC.
Dadka la qabtay waxaa ka mid ah Ambari Seda oo ay saraakiisha sheegeen inuu kooxdan hoggaamiye u yahay.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka xeebta John Elungata ayaa hoosta ka xarriiqay in eedeysanayaasha laga soo qabtay tuulada Mirironi ee deegaan baarlamaneedka Jomvu .
Waxaa uu intaa ku daray in tuhmanayaasha ay hadda ku jiraan xabsiyo kala duwan oo ku yaalla Mombasa si baaritaano dheeraad ah loo sameeyo.
Golaha MRC ayaa horay loola xiriiriyay falal dambiyeedyo ka dhacay ismaamullada gobolkaas waxayna u ololeynayeen in gobolka xeebta uu iskaga go’o dalka.
Subscribe
0 Comments