Burcad badeeddii ugu badneyd oo ka dillaacay xeebaha galbeedka Afrika
- 17/07/2020
- Posted by: damal
- Category: Waraka

Xeebaha ku yaalla waddamada galbeedka Afrika ayaa waxaa kordhaya khatarta ay kala kulmayaan maraakiibta iyo doomaha ganacsiga ee isticmaala, kadib markii ay aad u bateen burcad badeedda halkaasi qafaalka ka geysata . sida laga soo xigtay Ururka la socda arrimaha badaha ee IMB loo yaqaanno.
Boqolkiiba sagaashan (90%) kooxaha wax ka Af-duubayaasha ah ee Gobolka ayaa aad u kordhay.
Saddexdii bilood ee u dembeysay ayaa waxay qafaasheen 32 shaqaale ah xilli ay doomaha iyo maraakiibta ay saarnaayeen ay ku gooshayeen gacanka Guinea
Badi maraakiibta weerarrada Af-duubka ah la kulmay ayaa gooshayay biyaha ka fog xeebaha 20 illa 130 mile, sida ay IMB sheegtay.
Kooxahaan Jirri badeedda ah ayaa ugaarsada doomaha iyo maraakiibta sida shixnada ganacsiga . waxayna buracaddu ku hubeysanyihiin mindiyo, baangado iyo hubka ah qoryaha fudud sida xogta la helay ay sheegeyso.