China oo marab dagaal iyo ciidamo u soo diray biyaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed

Markabkii 39-aad ee Ciidanka Badda Shiinaha ayaa ka ambabaxay magaalada Qingdao, oo ku taal Gobolka Shandong ee bariga Shiinaha, si uu u fuliyo hawlgal laga fulinyao gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.

Markabkan ayaa waxaa saaran hubka wax burburiya, laba helicopter, waxaana la socda daraasiin katirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee fuliya hawlgallada khaaska ah.

Ujeedada Markabkan loogu diray biyaha Soomaaliya, ayaa ah la-dagaallanka argagixisada iyo la-dagaallanka burcad-badeedda, iyo sidoo kale kormeerka badda.

Ciidanka Badda China ayaa ka bilaabay hawlgallo gacanka Cadmeed iyo biyaha ka baxsan Soomaaliya December 2008.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.