Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay duleedka Dhuusamareeb

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Miir-dugul oo koonfur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, sidoo kalana ah caasimadda maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo Alshabaab ayaa ku dagaallamay deegaankaas, waxayna wararku intaa ku darayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac soo wada gaaray, sida ilo deegaanka ah ay u sheegeen HOL.

Saraakiil ka tirsan ciidanka militiriga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay iney gacanta ku hayaan deegaanka lagu dagaallamay, Al-shabaabna ay ka saareen, waxayna intaa ku dareen iney ka shaqeyn doonaan nabad-gelyada iyo xasilloonida Galmudug.

Qaar kamid ah dadka kunool tuulada lagu magacaabo Miir-dugul ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda ay billaabeen dhaqdhaqaaq ay ku sameynayaan howl-gallo ammaan, iyagoo rondo ka sameeyay duleedka deegaankaas.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.