Culimada Lamu oo soo jeediyay in haweenka muslimiinta ah laga mamnuuco in ay raacaan mootooyinka

Culimada ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta ayaa soo jeediyay in la soo saaro xeer u gaar ah dowlad deegaankaasi kaasoo dumarka muslimiinta ah ka mamnuucaya in ay rakaab ahaan u raacaan mootada.

Waxay sheegeen in qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinka aynan u hoggaansamin xeerarka diinta islaamka iyo sidoo kale dhaqanka bulshada Lamu.

Sidoo kale waxay walaac ka muujiyeen in gaadiidka dhugdhugleyda oo halkaasi ku soo batay uu sare u qaaday xumaatada.

Sheekh Maxamad Cabdiqaadir oo culimada Lamu ka mid ah ayaa sidoo kale xusay in ardayda ay ka baxaan dugsiyada iyaga oo ku biiraya ganacsigan tani oo saameyn ku yeelan karto mustaqbalkooda.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.