David Maraga oo jeediyay khudbad ku saabsan waxqabadka garsoorka dalka

Madaxa cadaaladda dalka David Maraga ayaa maanta jeediyay khudbad la xiriirta waxqabadka waaxyaha garsoorka .

Warbixintan ayaa lagu eegayay sida maxkamadaha kala duwan ay shacabka ugu adeegeen sannadkii hore iyo sannadkan 2020-ka.

Maraga ayaa u mahadceliyay ku xigeenkiisa Philomena Mwilu , madaxa diiwaangelinta ee waaxda garsoorka Anne Mbadi, garsoorayaasha kale , madaxweynaha dalka, hay’adaha dowladda ,xubnaha qoyskiisa , ururrada diimeed iyo Kenyaanka oo uu sheegay inay dhammaan la shaqeyeen.

Waa khudbadii ugu dambeysay ee uu jeediyo David Maraga ka hor inta uunan sannadka soo socdo howlgab noqon.

Maraga ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu dhowr mar warbaahinta la hadlay isagoo eedeynaya hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta hasa ahaate taasi ay muujinayso oo keliya inay qabaan aragti kala duwan balse uusan wax khilaaf ah ka dhexeyn.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.