Dhakhaatiirta oo dib u dhigay shaqo joojin qorsheysnayd

Ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ayaa shaaciyay inuu muddo 14 cisho ah dib u dhigay shaqo joojin lagu waday inay maanta ku dhaqaaqaan xubnaha dalladdan.

Go’aankan ayaa ka soo baxay golaha qaran ee talasiinta ee ururkan.

Dowladda ayay dhakhaatiirta doonayaan inay ka faa’iidaysato mudada labada toddobaad oo ayna la yeelato wada-hadallo miro-dhal ah.

Wasaaradda caafimaadka ayaa lagu booriyay inay dhaqangeliso ilaa 11 qodob oo lagu xusay warqadii digniinta ahayd ee ay 16-kii bishii hore soo saraakiisha caafimaadka.

Qodobbadan waxaa ka mid ah in dhammaan isbitaallada ku yaalla wadanka loo qaybiyo agabka PPES ee looga badbaado cudurka oo tayo ahaan wanaagsan sidoo kalena ku filan dhakhaatiirta.

In howlwadeenada oo dhan ay helaan caymiska caafimaad oo dhameystiran.

In magdhow la siiyo , in la shaqaaleysiiyo 2000 oo dhakhaatiir ah oo aan hadda shaqeyn sidoo kalena dib u eegis lagu sameeyo qandaraaska shaqada ee dhakhaatiirta oo laga dhigo mid joogto ah oo ay qaadanayaan lacagta howlgabka,in la xoojiyo lacagaha gunnooyinka ee la xiriira halista dhanka shaqada, xarumo caafimaad oo loogu talagalay saraakiisha caafimaadka ee dhammaan ismaamullada iyo in la soo dhiso guddi dastuuri oo qaabilsan adeegyada caafimaad.

Sii hayaha xilka xoghayaha guud ee KMPDU Dr. Chibanzi Mwachonda ayaa sheegay inay tixgeliyeen codsiyo uga yimid guddiyada caafimaadka ee aqalka sare iyo baarlamaanka.

Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in hadii 14-ka cisho ay dhammaato iyadoo aan si buuxda wax looga qaban tabashooyinkooda inay shaqo joojinta dib u billaaban doonto 21-ka bishan Diseembar.

Dr. Mwachonda ayaa sheegay inuu rajeynayo in xal waara laga soo saari doono kulamada 9-ka iyo 10-ka bishan ay la yeelanayaan guddiyada caafimaadka ee senate-ka iyo golaha qaran ee xeer dejinta.

Ururka KMPDU ayaa dhanka kale xubnaha ka tirsan ugu baaqay inaysan naftoodu halis ku gelin goobaha shaqo ee aan lahayn qalabka cudurka la isaga difaaco ee PPEs.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.