Dib u dhac ku yimid shirkii ay maanta u balansanaayeen dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada

Shirkii wadatashiga ee loo balansanaa maanta inuu dhexmaro dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta dib  dhac ku yimid kadib markii madaxweynaha Galmudug uu shalay u safray magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweyne Qoorqoor  ayaa Dhuusomareeb u tagay si uu ilaaliyo dastuurka Galmudug oo sheegaya in madaxweynuhu muddo ka badan 45 cishe uusan ka maqnaan karin Galmudug.

Madaxda kale ayaa isku raacay in shirka berrito dib loogu dhigo.

Madaxda weli ma aysan soo bandhigin illaa iyo hadda wax lagu heshiiyay ama la isku afgartay oo ku saabsan waxyaalihii laga wada hadlayay ee arrimaha doorashada ku saabsanaa.

Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay wada xaajoodka u socda hoggaamiyayasha siyaasada waxayna ku boorriyeen in ay sii joogaan Muqdisho illaa iyo inta xal laga gaarayo caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashada.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.