Dib u habeyn lagu sameeyay maamulka daawooyinka ee KEMSA

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dib u habeyn ku sameeyay hoggaanka sare ee maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee KEMSA.

Guddoomiyihii guddiga KEMSA Kembi Gitura ayuu madaxweyne Uhuru ku beddelay Chao Mwadime .

Dib u habeynta ayaa lagu shaaciyay wargeyska rasmiga ee dowladda oo ku taariikhaysan shalay.

Sidoo kale wasiirka caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa meesha ka saaray magacaabidda afar xubnood oo ka tirsanaa maamulka daawooyinka waxayna kala yihiin Timothy Mwololo Waema, Dorothy Atieno, Bibiana Njue iyo Joel Chisare.

Shakhsiyaadkan ayuu ku beddelay Lawrence Wahome, Robert Nyirangu, Terry Kiunge Ramadhani iyo Linkon Nyaga Kinyua .

Xubnaha cusub ee guddiga maamulo KEMSA ayaa shaqada loo igmaday billaabi doono 30-ka bishan waxayna shaqeynayaan muddo saddex sano ah.

Isbeddelladan ayaa imaanaysa iyada oo ay socdaan baaritaano la xiriira ballaayiin shilin oo la sheegay in laga musuqmaasuqay maamulka KEMSA.

19-kii bishii saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii guddiga caafimaadka ee aqalka sare uu guddiga sare ee maamulka KEMSA ku eedeyay inuusan ku guulaysan kormeerka agabka la soo iibiyay ee lagula dagaallamaya cudurka COVID19.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.