Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Kenya oo shil ku gashay magaalada Dhoobley

Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada milatariga Kenya ayaa ku dhacday garoonka diyaaraddaha ee magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose Soomaaliya.

Diyaaradaan oo sahay u siday ciidamada Kenya ee ku sugan saldhiga Dhoobley, ayaa la sheegay inay dhacday markii ay isku diyaarinaysay inay cagaha dhigato garoonka.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo ahaa duuliyihii diyaaradda ayaa ku geeriyooday, waxaana sidoo kale jira dad ku dhaawacmay.

Ciidanka Kenya wali faahfaahin kama bixin dhacdadaan. weli Lama oga sababta keentay bururka diyaaradan. Soomaaliya shilalka diyaaradaha, ayaa noqday kuwo taxane ah muddooyinkii ugu dambeeyay.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.