Dowladda oo faahfaahisay waxyaabaha ay ka qabatay dhanka deegaanka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in muddo ah in la dhaqan gelinayay barnaamijyo lagu badbaadinaya deegaanka.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay in sanadkii 2012-kii la soo aasaasay wakaalad qaabilsan ilaalinta biyaha iyo maareyntooda.

Sidoo kale keynta Mau ee ismaamulka Narok waxaa lagu beeray ilaa 1.4 milyan oo geedo ah.

Mr. Kemyatta ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada ka hor sanadka 2022-ka boqolkiiba ugu yaraan 10 lagu ballaarinayo baaxadda keymaha.

Sidoo kale dowladda ayaa mamnuucday adeegsiga bacaha hal mar keliya la isticmaalo si looga hor tago wasaqaynta deegaanka.

Wasiirka wasaaradda deegaanka Mr. Keriako Tobiko oo akhriyay bayaanka madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda dhexe ay dadaal badan ku bixinayso badbaadinta deegaanka.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.