Dowladda oo shacabka ku boorisay inay iska ilaaliyaan cudurka COVID19

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa dadweynaha ugu baaqay in ay si buuxda ugu hoggaansamanaan talooyinka caafimaad iyo amarrada lagu xakameynaya faafidda caabuqa corona.

Qoraal uu soo dhigay baraha rasmiga ee uu ku leeyahay Facebook-ga iyo Twittarka ayuu Mr. Oguna ku xusay in cudurka COVID19 uu inta badan ku dhex faafo dadka waqti badan iska ag-dhow iyagoo aan wax taxaddar ah muujin.

Waxaa uu qof kasta kula taliyay inuu adeegsado maaskarada, inuu nadaafadda ku dadaalo sidoo kalena qofka ugu dhow ay isku jiraan 1.5 miitir.

Baaqa Oguna ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay kordheen kiisaska cudurka COVID19 ee gudaha wadanka laga diiwaangeliyay.

Ilaa iyo hadda waxaa Kenya laga xaqiijiyay xaaladaha fayraska corona oo gaaraya 49,721 kaddib markii galinkii dambe ee shalay ay wasaaradda caafimaadka shaacisay 931 xaaladood oo cusub.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.