Dowladda oo sheegtay in caymiska NHIF aan lagu daaweyn karin cudurka COVID-19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF aan loo adeegsan karin in qofku uu isku daaweeyo hadii uu haleelay cudurka COVID-19.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Mr. Mutahi Kagwe ayaa xusay in qarash badan uu ku baxo baaritaanada iyo daaweynta COVID-19 sidaas awgeedna kaarka NHIF uunan kaafin karin.

Mutahi Kagwe ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu hor tagay aqalka sare.

Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday in cudurrada sida aadka ugu faafo caalamka aysan qayb ka ahayn xanuunada lagu daaweyn karo caymiska NHIF .

Kagwe ayaa dhanka kale maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA ku amray in qalabka cudurka la isaga difaaco ee PPEs uu ku iibiyo qiimo maxalli ah.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.