Dowladda Uganda oo shaacisay in maxkamadaynayso Askartii AMISOM ee dadka ku laayay Golwayn

Dowladda Uganda ayaa shaacisay in ay maxkamadaynayso askartii AMISOM ee toddobada qof ee rayid ah ku dilay tuulada Golweyn gobolka Shabeeladda hoose.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Guddiga Baaritaanka AMISOM (BOI) ay baaritaanno ku sameeyeen dhacdadan, taasoo lagu ogaaday in ciiddanka AMISOM uu si bareer ah u laayay dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed.

“AMISOM waxay la xisaabtami doontaa askarta ku lugta leh falkan, si loo hubiyo in caddaaladda loo adeego sida uu ku taliyay guddiga baaritaanka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Taliska ciidanka Uganda.

Dowladda Uganda waxay sheegtay in maxkamadaynta askartan ay ka dhici doonto gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale, dowladda Uganda waxay shaacisay inay la xiriirayso qoysaska dadka la laayay, si ay ugala hadlaan sidii Mag looga siin lahaa dadkii laga dilay.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.