Duqeymo lala eegtay xarumo Al-shabaab gobolka Jubbada Dhexe

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Dhexe gaar ahaan degmada Saakoow ayaa sheegay in xalay waqti danbe halkaa laga maqlay duqemo ay geysanayeen diyaaradaha dagaalka.

Duqeymaha ayeey dadka deegaanku waramayaan in lala eegtay fariisimo ay saldhigyo ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen degmada iyo deegaannada ku xeerran.

Duqeymahan ayaa la sheegay in ay iska kaashadeen  ciidanka gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab iyo Taliska Africom ee ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jug culus iyo madaafiicda ay tuurayeen diyaaradaha.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca ciidanka howlgalka Africom ee Mareykanka oo la xiriira duqeyntan la sheegay in ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.