Ethiopia oo sheegtay inaysan jirin cid ka horistaagi karta isticmaalka Biyaha Wabiga Nile

Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay inaysan jirin cid ka horistaagi karta isticmaalka biyaha wabiga Nile,waxana uu Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedduu Andaargaashew sheegay Itoobiya iney biyaha wabiga Nile ay u isticmaali karto ujeeddada ay rabto.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedduu Andaargaaschew oo bartiisa Twitter-ka farriin soo dhigay ayaa ku sheegay iney jirin isticmaalka biyaha wabiga Nile Itoobiya cid ka hor istaagi karto.

“Biyaha Wabiga Nile maanta waa la xakameeyey oo biyo-xireenka ayaa biyihi qabanaya, wabigina wuxuu hadda iisu beddelay haro aad u weyn, biyaha wabigana qulqulkiisa wuu sii wadayaa Itoobiyana harada biyaha wabiga ka sameysantay ayey sideey doonto u isticmaaleysaa” ayuu yiri wasiirka.

Warkan ka soo yeeray Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay Itoobiya sheegtay biyihi looga talagalay in biyo-xireenka lagu keydiyo sanadka ugu horreeya in si buuxda looga guuleystay.

Xafiiska ra’isal wasaaraha dalka Itoobiyana wuxuu sheegay roobabka aadka u weyn ee ka da’aya dalka Itoobiya ka da’aya iney suuragaliyeen in biyihi uu biyo-xireenka sanadkan ugu horreeya u baahnaa ay buux dhaafeen oo ay biyo xireenka dushiisa biyaha ka daadanayaan.

Wadamada Masar iyo Suudaanna waxay dhankooda ku adkeysanayeen Itoobiya iney billaabin buuxinta biyo-xireenka ilaa heshiis buuxa laga gaaro muranka biyo-xireenka ku gadaaman.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.