Faahfaahin ka soo baxaysa iskahorimaad ka dhacay duleedka magaalada Afgooye

Waxaa soo baxaya faahfaahin la xiriirta iskahorimaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Iskahorimaadkan ayaa waxaa uu dhex maray ciidamo milatari ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo weerar gaadmo ah ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo ku safreysay wadada laamiga ah ee isku xirta Afgoye iyo Wanlaweyn gaar ahaan deegaanka Buulalow.

Weerarkan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ciidamo tiradoodu gaareysay illaa toban askari kuwaasoo ay ka mid ahaayeen saraakiil.

Askarta iskahorimaadka lagu diley ayaa waxaa kamid ahaa Cabdulle Cali Mire Iyo Cabdi maxamed Guutaale oo kamid ahaa Ciidamada la weeraray.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada milatariga Soomaaliya oo ku saabsan iskahorimaadkan hase yeeshee ururka Alshabaab ayaa sheegtay in ciidamo badan ay ku dileen dagaalka.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.