Farmaajo oo casho sharaf u sameeyay wafdi ka socda dalka Turkiga iyo Diblumaasiyiin

Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho sharaf ah oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay diblomaasiyiinta iyo wafdiga Dowladda Turkiga ee ka qeyb galay munaasabadda xuska 10 sano guurada ka soo wareegtay dib u cusbooneysiinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Farmaajo ayaa tilmaamay in xiriirka faca-weyn ee ka dhaxeeya dadka Soomaaliyeed iyo walaalahooda Turkiga uu yahay mid ku dhisan wax wada-qabsi iyo is ixtiraam, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeedna waxa ay abaal uga hayaan Dowladda Turkiga garab istaagga taariikhiga ah.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Turkigu waa mid soo jireen ah oo ku siman ilaa xilligii Boqortooyada Cusmaaniyiinta. Maanta xiriirkeenna diblomaasiyadeed ee dhidibbada adagi waxa uu u abuuray labadeenna dowladood fursado badan oo ah dhinacyada Ganacsiga, Amniga iyo is-dhexgalka labadeenna shacab.”

“Inkasta oo labadeenna dowladood, Somaliya iyo Turkiga, ay ka go’an tahay in ay si hagar la’aan ah u horumariyaan iskaashiga miro-dhalka ah, haddana xiriirka xooggan ee ka dhexeeya labadeenna shacab ayaa ifaafalo wanaagsan u ah in uu sii jiri doono iskaashigeenna iyo walaal-tinimadeenna oo ay aas-aas u tahay cilaaqaad ku saleysan is-ixtiraam iyo wax-wada-qabsi.”

Madaxweynaha muddo xilleedkisiu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xusay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay xanuunka la qeybsanayaan walaalahooda Turkiga oo dhawaan muwaadiniin ay kaga naf waayeen dabkii iyo fatahaadii ka dhacay qeybo ka mid ah Jamhuuriyadda Turkiga, sidoo kalana sababay khasaare hantiyeed.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.