Gaari uu lahaa Afhayeenka Booliska oo qarax miino lala beegsaday

Waxaa xalay wadada 21 October ee degmada Waaberi qarax miino lagula eegtay gaari uu lahaa Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Cali, iyadoo hal qof oo haweeney aheyd ay ku geeriyootay.

Gaariga ayaa waxaa soo gaaray burbur dhanka muraayadaha, waxaana xilliga qaraxa lala beegsanayay ma aanu saarneyn Afhayeenka.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay falkan aanu cabsi gelin doonin, isla markaana uu horay naftiisa ugu qidmeeyay umadda Soomaaliyeed.

“Xalat abaare 8:55 fiidnimo ayeey miino la dhigay wadada 21- Oct dhinaceeda argagixisadu la eegteen dad iyo gaadiid marayay oo uu ku jiro gaarigayga, walow xiligaas aanan la socon, Ilaahay mahadii cidna waxba kuma gaarin gaarigayga. Inkastoo dad wada marayay ay wax ka soo gaareen, ilaahay ha u booga dhayo qofkii wax ku noqday”ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Wadada 21 October ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo miino, iyadoo bilo ka hor wadadaas qarax lagula eegtay Guddoomiyaha degmada Hodan, waxaana ka soo gaaray dhaawac.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.