Guddiga TSC oo dallacsiinaya in ka badan 15,000 oo macallimiin ah

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa shaaca ka qaaday inuu jiro qorsho lagu dallacsiinaya 15,266 oo barayaal ah.

Waxaa jiro 1,590 fursadood oo u bannaan macallimiinta doonaya in loo kordhiyo heerka shaqo oo ay gaaraan heerka maamule ku xigeenka saddexaad, gacan yaraha maamule ku xigeenka waxaa ka bannaan ilaa 1,096 oo fursado ah halka TSC ay sheegtay in 1,341 oo macallimiin ah ay fursad u haystaan in darajada loo kordhiyo oo ay noqdaan maamule ku xigeenka koowaad.

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa intaasi ku daray in ardayda baranaya macallinimada ee dhawaan la shaqaaleysiiyay laga doonayo inay dugsiyada tagaan 11-ka bisha koowaad ee sanadka 2021-ka si ay u shaqo galaan.

Tallaabadan ayaa looga gol -leeyahay in sare loo qaado tirada macallimiinta dugsiyada maadaama lagu dadaalayo kala fogaanta ardayda sidaas awgeedna ay suurtagal tahay inay bataan fasallada.

Macallimiinta ayaa haysta ilaa 13-ka Jannaayo si ay u dirsadaan codsiyada la xiriira dallacsiinta.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.