Heshiiska lagu gaaray Shirka Wadatashiga Qaran ee Muqdisho oo maanta madaxda Saxiixayaan

Iyadoo maanta lagu wado sida uu qorshuhu yahay in lasoo afjaro shirka wadatashiga Qaran ee madaxda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uga socday Teendhada Afisyooni ee magalada Muqdisho.

Waxaa haatan ka soconaayo Teendhada Afisyooni qabanqaabada Munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska aay ka wada gaareen madaxda arrimaha doorashada dalka ka dhaceyso,iyagoona soo saari doona War-murtiyeed faahfaahsan.

Munaasabadda ayaa la sheegaya inay ka qeybgalayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta, Wakiilo ka socda Beesha Caalamka, iyo Ururada Bulshada rayidka ah.

Gabagabadii Munaasabadda maanta lagu saxiixayo heshiisyada lagu gaaray shirka Afisyooni ee aay wada gaareen madaxda dalka ayaa ahaa mid natiijadiisa aay si weyn indhaha ugu wada hayeen shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.