Hindise sharciyeedka BBI oo berrito la hor geynaya golaha hoose ee Nairobi

Berrito ayaa lagu wadaa in hindise sharciyeedka BBI ee la doonayo in wax looga beddelo dastuurka dalka la hor geeyo golaha hoose ee ismaamulka Nairobi

Wakiillada ayaa dokumeentigan eegi doono marka ay dib uga soo laabtaan fasax ay ku maqnaayeen 2 bilood.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka hoose ee Nairobi Cabdi Guyo ayaa warbaahinta u sheegay in arrinta BBI ay tahay midda ugu horreysa ee laga wada hadli doono.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Siaya ay hindisahan ansaxiyeen.

Dastuurka dalka ayaa qabo in ugu yaraan 24 golayaal ay hindise sharciyeedkan meel mariyaan si loogu gudbiyo baarlamaanka oo hadii lagu taageero loo bandhigaya shacabka.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.