Hoggaamiyaha xisbiga NARC Kenya oo ka soo horjeesatay BBI
- 30/11/2020
- Posted by: damal
- Category: Waraka
No Comments

Madaxa xisbiga NARC Kenya, Martha Karua ayaa sheegtay inaysan taageereyn geedisocodka sharci beddelka ee BBI.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayay ku eedeysay inay isku dayayaan in wadanka ay dib ugu celiyaan hannaan maamul oo dikteetarnimo ah.
Mrs. Karua ayaa hoosta ka xarriiqay in Kenyaanka laga doonayo inaysan ogolaan aftida lagu beddelaya dastuurka wadanka.
Qorshahan ayay Karua ku tilmaantay mid sharci darro ah sidoo kalena lagu soo beegay xilli aan munaasab ahayn.
Waxay carrabka ku adkeysay in Mr. Kenyatta iyo Mr. Odinga looga baahan yahay inay diiradda saaraan la tacaalidda cudurka COVID-19 iyo in Kenyaanka laga fududeeyo culeyska dhaqaale ee ay waqti xaadirkan wajahayaan.
Subscribe
0 Comments