IEBC oo ballanqaaday in doorashada 2022-ka ay noqon doonto mid cadaalad ah

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC ayaa mar kale kenyaanka u xaqiijiyay inay ka go’an tahay sidii doorashada guud ee sanadka 2022-ka ay u noqon lahayd mid xor iyo xalaal ah.

Guddoomiyaha guddigan Mr. Wafula Chebukati ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay si buuxda ugu diyaar garoobayaan codeynta.

Waxaa uu waxba kama jiraan ku sheegay dhaliil loo jeedinayo guddiga oo ah inuusan si buuxda isugu diyaarin maareynta doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo bisha sideedaad ee sanadka soo socdo.

Chebukati ayaa xusay inay adeegsanayaan qorshaha istaraatiijiga ee howlaha doorashooyinka oo ah mid horay loo dejiyay.

Waxaa uu saamileyda siyaasadeed ka codsaday inay kalsooni u muujiyaan guddiga maadaama codeynta ay u dhici doonto si daahfurnaan ay ku dheehan tahay.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.