In ka badan 100,000 oo macallimiin ah oo maanta tababar loo furaya

Waxaa maanta billaabanaya tababar ku saabsan manhajka cusub ee waxbarashada ee CBC oo ay ka faa’iidaysanayaan ilaa 118,000 oo barayaal ah.

Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC Nancy Macharia ayaa sheegtay inay bartilmaameedsanayaan maamulayaasha dugsiyada caadiga ah iyo macallimiinta xarumaha ay wax ku bartaan carruurta qabo baahiyaha gaarka ah.

Dr. Macharia ayaa xustay in macallimiinta loo diyaarinaya dib u furka dugsiyada ee bisha koowaad , sanadka 2021-ka.

Waxay sheegtay in laga soo dhisaya dhanka tayada iyo wacyigelinta.

Tababarkan oo loo qabanaya qaab toos ah iyo online labaduba ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo 22-ka Diseembar.

TSC ayaa sanadkii hore tababaro ku saabsan nidaamka cusub ee tacliinta siisay 339,752 oo macallimiin ah waxaana howshaas ku baxay qarash dhan 400 oo milyan oo shilin.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.