Ismaamullada oo laga billaabaya wacyigelin ka dhan ah COVID-19

Dhammaan ismaamullada wadanka ayaa lagu wadaa in maanta laga billaabo wacyigelin ballaaran oo shacabka lagu fahansiinayo halista cudurka COVID-19.

Jimcihii la soo dhaafay ayay xubnaha golaha barasaabyada ismaamullada ee CoG sidan ku heshiiyeen.

Waxay hoosta ka xarriiqeen in kiisaska caabuqa corona ay ku sii kordhayaan degmooyinka sidaas awgeedna loo baahan yahay in dowladda deegaanada ay dadaaladooda laba jibaaraan.

Sidoo kale waxaa dhaqangalaya amar ah in cid aan sidan afxirka ama maaskarada looga adeegin xafiisyada kala duwan ee ismaamullada.

Berri oo Talaado ah waxay dowladaha ismaamullada oo kaashanaya guddoomiyaasha dowladda dhexe halkaas ku matalo daahfuri doonaan barnaamij si wadajir ah loogu dhaqangelinaya amarrada wasaaradda caafimaadka ee lagu xakameynaya faafidda caabuqa corona.

Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah isticmaalka afxirka , kala fogaanta iyo nadaafadda gaar ahaan gacma dhaqashada oo si joogto ah loogu dadaalo.

Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha ismaamullada ahna barasaabka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii dowladda dhexe ay garab ugu siin lahayeen la tacaalidda fayraska.

Tirada guud ee kiisaska cudurka COVID-19 ee Kenya ayaa hadda ah 77,372.

14 qof oo dheeraad ah ayaa shalay cudurka u dhintay waxayna hadda dhimashada guud tahay 1,380 halka tirada guud ee cudurka ka caafimaadday ay tahay 51,507.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.