Kenya iyo Koonfur Afrika oo wanaajinaya xiriirkooda

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in sare loo qaado cilaaqaadka maamulkiisa kala dhexeya dowladda wadanka Koonfur Afrika.

Waxaa uu xusay in tani ay wax wayn ka beddeli doonto iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadda ee labada dal.

Mr. Kenyatta waxaa uu sheegay inuu rumeysan yahay in Kenya iyo Koonfur Afrika oo yeesho xiriir dhow ay dani ugu jirto qaaradda.

Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu shalay ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta kulan online ah uu kala qayb galay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Ms Naledi Pandor.

Waxaa kulankaasi sidoo kale ka qayb gashay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Raychelle Omamo.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.